Hawraar
Hawraar waa kooxo ereyo ah oo wada socda qoraal iyo oraah ahaan oo leh macne faa'iide leh oo la garanaayo.
Tusaalayaal
- Waa aan raacaa geela.
- Nin baa gadh leh ragga.
- Qof baa cunay bariis.
- Inanka ayaa u weyn qoyska.
Tusaalayaashu waa hawraarro maxaa yeelay:.
- Waa ereyo dhawr amma koox ah.
- Giddi waa faa'iideeynayaan macne la garanayo.
Sidaa awgood waa hawraaro
Hawraar[wax ka badal | wax ka badal xogta]
Hawraar (ama macne buure ah) waa hadal macna sameeynaya,[1] kaa soo lagu qeexay daraasad lagu sameeyay waxay lagu tilmaamay in. Ay hawraartu tahay laba qaybood: Hawraar magaceed iyo Hawraar faleed.
Hawaraar magaceed[wax ka badal | wax ka badal xogta]
waa hawraar xoogga saarta Magaca oo su'al iyo jawaab ba magaca siisa mudnaant. Sida: Inanka ayaa tagay dugsiga.
Hawraar faleed[wax ka badal | wax ka badal xogta]
Waa hawraar Faleed sida: "Inanku waa tagaa dugsiga ". waa hawraar faleed mudnaanta siisa Falka oo xoogga saarta. Oo su'al iyo jawaab ba falku leh yahay jawaabta mudnaanta.
Weedh aan lahayn macne buure ah[wax ka badal | wax ka badal xogta]
Waa weedh dhiman macna ahaan, middaa aan bixinaynin macno laga aamusi karo. Sida: "Hadii uu yimaado Xasan", ama: "Haddii roob la helo". Naxwaha af-soomaaliga ma daneeyo xeerkeeda.
Eeg sidoo kale[wax ka badal | wax ka badal xogta]
Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]
- ↑ Buugga Afafka Bahda Kushitigga Cabdalla Cumar Mansuur