Hijrada Madiina

Ka Wikipedia

Hijrada Madiina ama Hijrada Nabiga scw ama si gaaban Hijrada waxey ahayd markii Nabi Muxamad scw iyo saxaabadiis ka haajireen Makka una haajireen Madiina ayagoo ka cararaya dhibka iyo cadaabka ay ku haayeen madaxda Qureysh gaar ahaan dhimashada Abuu Daalib ka dib [1], Taariikh ahaan hijrada wxey ahayd 622 Miilaadi, weyna sii socotay hijrada saxaabada ilaa Makka laga furtay.

Xiligii khaliifka labaad Cumar wuxuu sameeyay kalandarka ay muslimiinta wax u xisaabsadaan asigoona u astaameeyay hijrada bilaawga Kalandarka, waxanaa loo yaqaanaa "Kalandarka Hijiriga"

Hordhac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Ka gadaal dhimashada Abuu Daalib iyo Khaddiija waxaa sii laba laabmay tacadiyada Qureysh ee ka dhanka ah muslimiinta iyo Nabiga scw, waxa ay wado kasta u mareen sidii ay isku hor istaagi la haayeen diintan cusb ee sii fideysa, Nabiga scw ayaa u baxay Daa'if 3dii Shawaal seddex sano ka hor hijrada waxa uuna magan galyo ka doontay dadkeeda, balse muusan ka helin wanaag oo si xun ayee ula dhaqmeen waxa ayna ku direen ciyaalka iyo waxmagaratada dhagax ayeena la dhacayn, aakhirkii Nabiga scw waxa uu isaga soo laabtay Makka.

Wuxuu bilaabay hadana Nabiga scw inuu xooga saaro qaabiilada Carabta kulamadooda, waxa uuna tagi jira Mina waqtiyada xajka iyo suuqyada laysugu yimaado isaga oo qabiil qabiil ula fariisan jiray uguna yeeri jiray diinta, laakin cid ajiibto maysan jirin

Islaamida Ansaarta[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Xilli uu Nabiga scw ku howlan yahay la kulankiisa qabiilada ayuu arkay lix nin oo reer Madiino ah wayna islaameen wareegtadii Xajjka ee sannadka 11aad ee nabinnimada, islamarkaana waxey Rasuulka scw ugu ballan qaadeen inay diintaan gaarsiinayaan reer tolkood iyo ummadda Madiina ku dhaqan

Wareegtadii xigtay ee xajka waxaa hadana yimid labo iyo toban nin oo reer Madiino ah kuwaas oo qaatay diinta, waxa ayna kula galeen Nabiga scw karinka Caqaba agtiisa balan ah inay u hiiliyaan diintiisa. Axdigaan ayaa loogu yeeraa Beycatu Caqaba koowaad. Markaan waxa uu Nabiga scw u diray Madiina Muscab bin Cumeyr si dadka uu u baro diinta tacaaliinteeda.

Muscab waxaa gacantiisa ku soo islaamay ragii ugu faraha badnaay ee Ansaar iyo madaxdooda sida Useyd bin Xudeer iyo Sacad bin Mucaad, guri kasto oo reer Madiino ah ayuuna islaamka galay. Wuxuu Muscab ku soo laabtay Nabiga scw Wareegtadii Xajjka ee sandkii 13aad asiga oo la jiraan todobaatan iyo labo rag iyo labo dumar ah, waxa ayna si qarsoodi ah kula galeen Nabiga scw balan inay u hiiliyaan haduu u soo guuro kana difaacaan wixii ilmahood iyo xasaaskood ka difaaci la haayeen, balantaan kale waxaa loogu yeeraa Beycatu Caqaba labaad. Kadib wuxuu Nabiga scw u xulay labo iyo toban nin oo madax u ah qabiiladooda.

Xaalada Madiina ka hor hijrada[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Hijrada Nabiga scw iyo Abuu bakar[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Dhacdooyinka ku saabsan Hijrada[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Sanadii 13aad ee nabinimada Wuxuu Nabiga scw u fasaxay saxaabadiisa inay u haajiraan Madiina, bal waxa uu ka dhigay waajib iyo qeyb ka mida iimaanka, waxa ayna ahaayeen kuwii ugu horeeyay ee hijrooda Muscab bin Cumeyr, ibni umm Maktuum, Bilaal, Abuu Salama bin Cabdi Asad iyo Sacad, Muslimiintu waxay bilaabeen inay uga baxaan Makka koox koox iyo kali kali si qarsoodi ah ayaga oo ka cabsi qaba in ay Qureysh ogaato oo dib u celiso, waxa ayna ka tageen dhammaan guryahoodii, lacagtoodii iyo ganacsigoodii [2]. Waxa ayse soo dhaweyn iyo garab ka helayn dadkii Madiina oo guryo siiyay kal gacaylna ku qaabilay

Qureysh waxay aad uga soo horjeesatay hijrada waxa ayna ku sameysay carqaladeyn, qaar badan oo muslimiinta aha ayee xabiseen kuwo kalana waxey ka reebteen xaasaskood ama caruurtood, wixii hanti lahaayna wey ka qaateen.

Marka laga reebo Nabiga scw, Abuu Bakar iyo Cali bin Abii Daalib waxaa Makka ku haray in yar oon awoodin hjro iyo kuwo la xabisay. Waxaana ka mid ahaay dhibanaashii loo diiday hijrada Hishaam bin Caas, Waliid bin Waliid, Salama bin Hishaam iyo Cayaash bin Abii rabiica

Hijrada Suheyba Al-Ruumi[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Suheyb markii uu go'aansaday inuu hijroodo Wuxuu ku dhaqaaqay xilli habeen bar ah oo la wada hurdo, waxaase ka warhelay qeyb ka mid ah ciidankii Quresh weena ka dabatgeen see u soo celiyaan, markaas ayuu istaagay lana soo baxay warmihiisa iyo gamuunkiisa oo ku dhahay “Qureshey waad ogtihiin inan ahay kan idinku liishka badan wallaahi imasoo gaareesiin ilaa aan idinku soo rido dhamaan warmahayga wixii idinka soo harana waxaan ku garaaci doonaa seefteyda" Waxey ku dheheen: "adigoon waxba heesan ayaad inoo timid agteen ayuu maalkaagu ku batay". Wuxuu ku yiri; ka warama hadaan maalkeyga dhaafo maisii deynesaan? Waxe dheheen haa.

Wuxuu tusiyay meesha uu maalkiisa ku qarsaday wixii maal uu lahaana uga tagay. Markaasee u fasaxeen inuu hijrada sii wato ilaa uu Madiina ka gaaro.

Markuu madiina soo gaaray wuxuu u jihestay rasuulka SCW dhankiisa. Rasuulka ayaa dhoola caddeen farxadeed ku yiri: ”Wuu faaiday beeca abaa yaxyow” sadex jeer ayuu yiri.

Hijrada Abuu Salama[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Natiijooyinka ka dhashay Hijrada[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  • Waxey kala saxiixdeen muslimiinta iyo Yahuuda Madiina hishiis wada noolaasho

Xigasho[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. البداية والنهاية/الجزء الثالث/فصل اجتراء قريش على رسول الله بعد وفاة عمه أبي طالب على ويكي مصدر
  2. السيرة النبوية لابن هشام Archived 2017-05-23 at the Wayback Machine