Axmed Cigaal

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Axmed Cali cigaal)

Axmed Cigaal wuxuuna galaya fanka isagoo yar oo ah arday waxeyna eheed sanadkii 1967 wuuxuuna ku bilaabay Riwayadii la oran jiray (Shabeel Naagood) waxaa soo alifay xassan Shiikh Muumin, waxaa ku xigatay Riwayadii la oran jiray (Yaxaas Dhagaduub), waxaana soo alifay Maxamuud Sangub, waa labadii Riwaayadood ee igu horeeyey ee Ahmed, waxeena ahaayeen kuwii oo ku soo can baxay oo ku noqday Fanaan caan ka ka ah somaaliya.Sidoo kale horumarkii weynaa ee dhinacaga muusiga uu ka gaadhey Axmed waxey aheyd isaga oo asaasey kooxdii ama groupkii loo yiqiiney Somali Jazz oo soo bandhigay heesihii ugu horeeyey oo soomali ah ee soomaali waligeed aragato oo lagu ciyaari karo.

Ruwaayadaha[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Ahmed runtii wuxu ahaa nin yar marka uu Riwayadaha metalaayay kana heesayey kan a dhexmuuqday fanaaniintii la matelaysay Riwayadahaas Ahmed wuxuu ahaa nin ilaahay hibo u siiyey quwada xaga [fanka]]a iyo codka ah oo uu kaga soo dhex baxi jirey dhalintii u ku jiray markaas amba ha noqdeen kuwa uu kula jiray Iskuulka ama Fanka, Ahmed yaraantiisii wuxu ahaa nin ku xidhan xaga heesaha aadna ula socda.fanaanintii xilagaa hadaan tusaale u soo qaato kooxda ahmed uu carabka saaray mar la wayadiiyey suaashaas waxaa ka mid ahaa Walaal Hargaysa oo ahayd kooxda koowaad ee wadanka wuxuu Ahmed isku dayi jiray in uu noqodo sida fanaaniintaas oo kale oo uu uga maqlo heesihiisa Radiyiha Soomaaliya, hadaba suaasha Is waydiintalehi waxa weeyey Ahmed ma u hirgashay Riyadiisii. HAAA waxay ku qaadatay wax yar intuu la meeltegilahaa kuwii uu jeclaa uuna dhegaysan jiray heesahooda in uu noqodo sidooda oo kale . Ahmed wuxuu ka mid ahaa Fanaaniintii la wareegi jirtay Riwaayadaha gobolada Soomaaliya markaa isaga waxaa uu ka mid noqday Fanaaniinta sidaa dheer loo jecelahayahay waxay ka bixi jireeen ilaa Muqdisho to Boorama, Muqdisho ilaa kismaanyo, Muqdisho ilaa buula Xaawo MED CALI XAAJI AADAN DALABLE, waxuu la metelay khadro 10 riwaayad ka badan waxuu la heesay khado dahir kaigee ka badan 30, sidoo kale maryam mursal

Heading text[wax ka badal | wax ka badal xogta]

AHMED NAAJI, SAALAX QAASIN SALAAD DERBI AHMED NAAJI AHMED SHARIIF (XAGA DUMARKA ) MAANDEEQ, BAXSAN. MAGOOL, GUUDO CARWO, GALAAAYR, SAHRA AHMED, ok hada ahmed wuxuu ahaa nin Fanaaniintaa ku han wayn siduu ku gaadhey aan xoogaa markale taariikhdiisi dib u milicsano. Ahmed oo walaalkii soo koriyey oo soo barbaarshay oo aah nin abwaan ah baa usameeyey heesa badan kooda waxaan la oran jiray C/QAADIR CALI CIGAAL oo ahaa abwaan kii ugu horeeyey ee hees u sameeya ahmed ahaan.hadaanu eegno heesaha uu C/QADIR CALI CIGAAL sameeyey waxaa ka mid ahaa NAYRUUSHKU WAA CIID Riwaayadii la oran jiray JACAYL BOG UMA BAAHNA hadaba Ahmed gabdhihii Riwayadaha la dhigi jiray kuwee buu ugu jeclaa? dadku waxay yiraahdaan Ahmed wuxuu ugu jeclaa KHADRA DAAHIR IYO SAYNAB CIGE lakiin ahmed wuxuu yiri gabdhahaan la dhigi jiray Riwaayadaha waxay ahaayeen gabdho aan la arag lana maqal mid mid laga doortana malahayan kuli waan wada jeclaaa mar wax laga waydiiyey, isga oo intaa raaciyey in fanaandii ugu layaabka badneyd dhinaca jazz-ka oo dadkoo dhan cajab galisey in ay aheyd xiligaas fanaanada caanka ah ee Maryan Mursal

Ahmed maxaa iska bedelay Fankii? Mar la weydiiyey su'aashaas wuxuu yidhi "markii qurbaha la soogalay wuxuu fanku wuxuu ku xidhnaan jirey dadka somaliyeed hadaynoqoto mid jacayl ah iyo mid kale oo ah figradba markaa fankii kama danbayn Soomaaliya burburkeedii wuxuu yiri qurbaha markaanu nimid sidaanu uga fekeri jiray fanka uguma fekero oo intaa waanu ordaynaa lakiin soomaalia markaanu joognay waxanu ahayn dad u meel go'ay in ay dadka maaweeliyaan waxaamu xooga saarnay maaweelada dadka".Ahmed Cali Cigaal wuxu hada joogaa wadan ka Maraykanka gaar ahaan Gobolka Tanasii Magaalada Naashviil.Wuuxuna weli ka dhigaa Riwaayadaha wadanka maraykanka iyo yurub meelo ka mid ah, wuunaa yiri "illhay isagaa caadilee dhulkeenii ha ugu soo hoorsho nabad sida roobka ayaan ku leeyahay daka soomaliyeed ee akhrisanaya qoralkan".waxaan codsanaynaa inaan maqalno heesaha uu la qaado faadumo maandeeq oo dhan sida gursamo alahayow iyo kuwii ku jiray riwaayadii aabaheey ka samraye adiga oo dhan.heestahii ku jray jacayl boob uma baahna sida nayruus uu la qaaday khadra daahir iyo heesaha cigaal goonida u qaado waxuuna cigaal ninka ugu badan oo la heesay hablaha waaberi oo dhan. thanks.

Halka aad ka dhageesan kartid heesahiisa[wax ka badal | wax ka badal xogta]

axmed cali cigaal waxuu la heesay hablaha waaberi oo dhan sida shankaroon, saado cali ,zeinab cige, magaool, maandeeq, baxsan,amina cabdulahi ,zahra axmed,duniyo, faadumo qasim, khadra dahir,saafi ducaale,khadiija hiiraan, xaawo hiiraan, hibo mohamed guudoon hibo nuura iyo kuwa oo badan hibo waxuu la qaaday haye fudud, hoo gacanta oo ay maryam mursal kula jirtay, gaaniga siyaad uu la qaaday hibo iyo maryam mursal. digtoonoow uu la qaaday magool iyo maryam mursal .ruushkii dad qalatooy uu la qaaday salaad derbi, saafi ducaale iyo khadra dahir, guryo same uu la qaaday maandeeq. guruo ceelka magool, geesigii dagaalkoow la qaaday rooraayr,baxsan iyo khadra dahir. axmed cali cigaal waxuu bedelay boqorka riwaayadii aabaheey ka samray adiga uu la metelay maandeeq iyo cusmaan gacanlo iyo qalanjo iyo iyo kahdiijo foodeey. waxuu mar kale bedelay mohamed saleebaan riwaayadii jacayl boob uma baahna uuna metelay khadra dahir(oo heestay heesahii nayruuska oo ay marka hore meteshay maandeeq, markii labaadna magool) shankaroon iyo cabdi khdar xasan. waxuu mar kale bedelay maxamed saleemaan mar uu jiradaray wafdi ajnabina joogay loona baahday in la qaado heestii nin ku siray wax kuu sheeg uuna la heesay salaad dari ,magool iyo zeinab cige. axmed cali cigaal waa ninka kaiya oo metelay riwaayadii ugu fiicneyd soomaaliya oo ay heesaheda ka mid ahayeen hooydadu, weligeed aduunyada caano geel ku maaloo waxuuna heesay hibo, magool,saado iyo zeinab cige. waxuu ahaa fanaan buuxo khadro 10 riwaayadood ayuu la metelay sidoo kale maryam mursal. Axmed cali cigaal markii la weydiiyay maxaa kuugu farax badnaa intaad fanka ku jirtay waxuu ku jawaabay markii boqorka codka riwaayad uu waday uu jirraday mar la maraayey magaalada buuloburte ee gobolka hiiraan oo axmed loo yeeray kaalay axmed waxaad metelaysaa riwaayaddii aabaheey ka samraye adiga axmed waxuu ku jawaabay aniga miyaa bedelaa boqorka codka heesahiisa la qaadaa faadumo cabdulaahi kaahin maandeeq guryo samo iyo durdurkii markuu guray oo iayadana xeraga halka ay maandeeq ka heesto la keeni karin oo aheyd boqorada codka hablaha soomaaliyeed waan kala badbadtay heesahana waan xafidnaa waana ka soo baxay meeshii layga rabay in boqorka aan bedelo maandeeqna hor istaagi karo.waxaan kale oon boqorka bedelay heestii ninku siray wax kuu sheeg iyo riwaayadii jacal boob uma baahna uu boqorka horey ula soo metelay maandeeq,magool,shakaroon iyo cabdi khadar xasan oo ay aniga khadra daahir ila meteshay oo aheyd fanaanada kaliya soo dhawesay codka maandeeq. boqorka codka asigana waxuu horey u bedelay maxamed iyo yuusuf riwaayaddii alle aamin ma iisho oo baxsan horey u meteshay laakiin markii riwaayadda loo qaadaayey magaalad cadan ee dalka yemen oo waqtigaas aheyd sida dubia ay maanta ay tahay ayuu maandeeq oo cusub uuna yiri inantaas quruxsan ayaa ila metelayso riwaayaddii alle aamin ma iisho oo ay markay masraxa istaageen la yaabay habkay geesahii u macaceeyeen oo cajiibka lahayd sida heesha gareyskayga gacanta ha u celinee iyo bal eega iwm . sidaas wax la mid ah cigaal isaga loogu riyaaqay sida tubeec iyo maandeeq. Axmed cali cigaal waa 5 star sababtoo waa heesaa heesha laxanka waa sameeyaayaa music waa tumaa riwayadaha waa metelaa waana allifaa heesaha Axmed waxuu ku jiraa horyaalka fanka soomaaliyeed sida boqorka codka tubeec, maxamed mooge,maxamed yuusuf, samatar, maxamed axmed, cabdinasir macallin, cabdikhadar xasan, axmed mooge, axmed naaji, saalax qaasim, iwm dhinaca hablha sidii hadraawi sheegay khadra dahir, maandeeq, magool, zahra axmed, hibo ohamed maxamed iyo faadumo qaasim.cigaal waa fanaan buuxa oo la heesay hablaha waaberi oo dhan.