Cayn

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi
Deegaanka gobolka Cayn.

Cayn (Af-Ingiriis: Ayn, Af-Carabi: عين ) waa gobol ku yaala Waqooyiga Soomaaliya, taasi oo dhinaca ku haysa gobolka Togdheer.[1]

Cayn waa gobol ka tirsan maamulka Khaatumo State of Somalia waa na gobol Taariikh weyn ku leh dhulka Soomaalidu degto, gobolkan waa kii uu ka bilawday dhaqdhaqaaqii xornimo-doonka ee Daraawiish bilawgii qarnigii labaatanaad gobolku wuxuu caan ku yahay kuna tiirsan yahay xoolaha nool & Ganacsiga

Maanta waxaa loo yaqaanaa hoyga midnimada , hoyga calanka iyo magacyo la midda oo uu ku kasbaday halkanka joogtada ee markasta ay ummadda halkaasi ku dhaqani ugu jiraan midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Sharaxaad Kooban[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Gobolka Cayn wuxuu ka kooban yahay 8 Degmo, kuwaasi oo kala ah:

  • Buuhoodle oo caasimada ah
  • Widhwidh
  • Horufadhi
  • Xamar lagu xidh
  • Qararo
  • Maygagle
  • kalshaale iyo Carowayn.

Tixraac[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]