Hodan Cabdiraxmaan Cismaan

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Hodan abdirahman)
U bood: gooshitaan, raadi
Hodan Abdiraxmaan
Hodan Abdirahman
Dhalasho Boorama Awdal, Somaliland
Shaqada fanaanad, jilaa

Hodan Cabdiraxmaan Cismaan waa fanaanada ku heesta Af-Soomaaliga taasi oo saldhigeedu yahay magaalada Minneapolis, cariga Maraykanka. Hodan waxay ku dhalatay isla markaana ku soo kortay magalada Boorama, Gobolka Awdal, Somaliland. Sanadihii 2001dii ilaa 2002 waxa ay ka bilowday fanka magaalada Nayroobi ee dalkaasi Kiinya; halkaas oo ay xubin ka ahayd kooxda Waayaha Cusub.

Qoraalka gudaha oo kooban

Hordhac[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Hodan waa fanaanad heeseheeda aad looga dhageysto dhamaan gayiga Somaalidu degto dal iyo dibadba. Hodan Abdirahman Waa fanaanad da,yaroo ku soo barbaartay guri fanaaniin ah. Waxaa dhalay laba fanaan kana mid ahaa fanaanintii ugu waawayneed Fanka Soomaalida; kuwaasi oo kala ah: Aamina Cabdulaahi iyo Cabdiraxmaan Cismaan Maxabe (Cabdiraxmaan Dheere). Hodan waxay fanka Soomaaliyeed ku soo biirtay si dhamaystiran sanadkii 2002.

Heesaha[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Heesaha fanaanadan qaado waa kuwo badan waxaana ka mid ah:

  • Hanasho[1]
  • Ii Dhiib Gacmaha[2]
  • Heesta Huteel[3]
  • Rigta Nolosha[4]
  • Heesta Xayo-wanaag[5]
  • Heesta Sidig[6]

Sidoo kale fiiri[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Tixraac[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]