Nabi Huud

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Nabi Huud C.S.)

Nabi Huud C.S. waa mid ka mid ah nabiyada Alle, Nebi Huud wuxuu ka dhashay qabiil la yiraahdo Caad oo loo soo direy. Reer caad waxay ahaayeen dadka ugu dheer uguna xoog weyn xiligoodii, waxayna ku faani jireen xoogooda. Hase ahaatee waxay ahaayeen gaalo, oo waxay caabudi jireen sanamyada, weyna difaaci jireen, una dagaalami jireen sanamyadooda dartood. Nebigoodana wey beeniyeen, weyna ku jeesjeesi jireen. Waxay ahayd reer Huud maadaama ay is og yihiin iney ugu xoog weyn yihiin dadka, iney ogaadaan Eebbihii iyaga abuuray inuu iyagana ka xoog badan yahay. Nebi Huudna wuxuu ku oran jirey dadkiisa eraygii ay nebiyada oo dhan ku dhihi jireen dadkooda. Oo wuxuu ku dhihi jirey: Dadkeeyow Eebbe caabuda ma lihidiin Ilaah isaga aan ahayn ee miyeedan cabsanayn. Ka dibna Eebbe ayaa ku laayey dabeel daran gaaladii reer Huud, kuna badbaadiyey Nebi Huud iyo dadkii rumeeyay.

Eber, Aabihii Ibraahim; ina Shelaah iyo Feleg iyo Yoqtaan aabbihiis iyo weliba carruur kale Wakhtigii wiilkiisii Peleg, oo Ceeber cimrigiisu ahaa qiyaastii 191 sano, “dhulku waa qaybsamay.” Tan waxaa laga yaabaa inay tixraac u tahay wareerka Rabbiga ee kuwa dhisaya Baabel iyo munaaraddeeda oo hoos timaada Nimrod.