Nabi Saalax

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Nabi Saalax C.S.)

Nabi Saalax C.S. waa mid ka mid ah nabiyada Alle, wuxuuna ilaahey Eebbe u soo direy reer Thamuud. Thamuud waxay caabudi jireen sanamyada ay ka dhaxleen aabayaalkoodii. Reer Samuud waxay isugu faani jireen awoodooda. Dabadeed baa Eebbe u soo direy nebi Saalax inuu ugu bishaareeyo jano hadday rumeeyaan, ugana digo naar hadday rumeyn waayaan, hase ahaatee wey beeniyeen. Waxayna ka codsadeen inuu ula yimaado calaamad ay ku gartaan inuu nebi yahay si ay u rumeeyaan, wuxuuna ula yimid nebi Saalax hal. Wuxuuna faray reer Samuud ineysan dhibin, hase ahaatee waxay ku adkeysteen islaweynidoodii oo dabadeed waxay dileen hashii. Eebbana wuxuu ku ciqaabay qeylo daran, markaas bey halkii ku dhinteen. Waxaana Eebbe halkii ku badbaadiyey nebi Saalax iyo intii rumeysey. Nebi Ibraahin nabadgelyo korkiisa ha ahaatee.