Nabi Nuux C.S.

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Nebi Nuux)
Jump to navigation Jump to search
Nabi Nuux C.S.

Nabi Nuux C.S. wuxuu ahaa Nabi iyo Rasuul ilaahey, qisadiisa waxey Qur'aanka Kariimka ku timid Suuradaha kala ah Aal-Cimraan, Almaa'idah, Ancaam iyo suurad wadata magaciisa ee suuratu Nuux, sida Qur'aanka kariimka ah ku sugan waxaa lo diray qoom caabudi jiray Sanamyada, isagoo ugu yeeray iney Ilaahey kaligiis caabudaan ayna iska dhaafaan caabudida sanamyada,

Digitaankiisa[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Nebi Nuux wuxuu ahaa dhowrsane runlow ah, oo Rabbi u soo direy dadkiisa inuu hanuuniyo, ugana digo cadaabka Aakhiro isagoo leh: Tolkeeyow Eebbe caabuda mana lihidiin Eebbe isaga aan ahayn waxaan idinkaga cabsanayaa cadaab maalin weyn. Markaas bey waxay ugu jawaabeen: Runtii Nuuxow waad baadiyeysan tahay. Markaas ayuu Nebi Nuux ugu jawaabay: Tolkeeyow ma baadiyeysni ee hase ahaatee waxaan ahay rasuul Eebbe soo direy waxaan idin soo gaarsiinayaa risaalada Eebbehey waana idinla talin oo waxaan Eebbe ka ogahay waxaydaan ka