Baaq

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Signal)
Baaqa waa sax (O.K.)

Baaq (Af Ingiriis : signal; Af Carabi : ar‎) waa tilmaamida fariin ayadoo la isticmaalayo astaamo aan lahayn hadal. Baaqa waxaa ka mid ah dhaqaajinta gacmaha, wejiga iyo qeybo kale oo jidhka ah si ka duwan caadi taasi oo ujeedadu tahay in lagu gudbiyo fariin sheegaysa wax la isla yaqaano. Tusaale ahaan, haadinta gacanta waa astaan baaq oo loo isticmaalo salaanta.

Hordhac

Guud ahaan waxaa jira noocyo badan oo baaq ah, kuwaasi waxaa ka mid ah: baaqa gacanta, astaanista wejiga iyo isticmaalka calaamado sawir oo kale ah si loogu soo gudbiyo fariin.

Ereyga

Ereyga baaq wuxuu leeyahay dhowr micne oo kala duwan kuwaasi oo loo isticmaalo siyaabo kala duwan. Sida aan kor ku soo xusney, ereyga baaq waxaa loo isticmaala gudbinta fariin aan lahayn hadal. Sidoo kale waxaa baaq loo isticmaalaa diritaanka fariin balaadhan oo ku socota dad ama deeggaan baaxad leh.

Sidoo kale fiiri

Xigasho

Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: