Tawxiid

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Toowxiidka)
U bood: gooshitaan, raadi
Kani waa maqaal ku saabsan tawxiidka iyo kali ahaanshaha Ilaahay (swt).
اسم الله
#FFFFFF

Maqaalkaan waa tix ka mid ah tixaha:
Islaamka

Tawxiid, Towxiidka (ingiriis: Tawhid; carabi:توحيد‎, "tawḥīd", lagu micneeyo kali ahaanshaha Alle) waa aaminaada iyo caqiidada inuu jiro Ilaahay kali ah, kali ahaanshihiisa iyo weyneynyiisa, ayadoo la tixraacayo diinta Islaamka. Waa aasaaska ugu horeeya ee diinta Islaamka, taasi oo faraysa aaminaada in Ilaahay (swt) "Kaligi yahay" (Al-ʾAḥad) "Hal" ama Kow (Al-Wāḥid) yahay aanay jirin wax la wadaaga. Kitaabka Quraanka ah ayaa meelo badan ku xusay oo sheegay kali ahaanshaha iyo midnimada Alle. Sidoo kale in aanay jirin cid la wadaagta cirka, dhulka, inta u dhaxeysa iyo dhamaan wixii ku abuuran ama ku nool. Tawxiidku wuxuu xuddun iyo saldhig u yahay aasaaska iyo bilowga diinta Islaamka taasi oo towxiidku ugu horeeyo Shahaadada diinta lagu soo galo ee ah: Ilaah ma jiro Alle mooyee, Muxamed (nnka) uu yahay Rasuulkii iyo Nabigii Alle... Qofkii ka soo horjeesta ama diida tawxiidka iyo in Ilaahay keli yahay waa qof la yimid Shirk, oo sida ku xusan kitaabka Quraanka ah dembiga ugu weyn ee qof muslim ahi galo midaasi oo uu ku muteeysan karo ciqaab daran iyo cadaab. Waloow ay jiraan sharaxaado dhowr ah oo la xidhiidha tawxiidka saxda ah, hadana guud ahaan culimada diinta Islaamku waxay isku raaceen in tiwxiidku yahay aaminaada dhabta ah ee in Alle yahay Keli, weligii ahaa Keli, sidaasna ahaan doono.