User:Garaad Axmed x. Adam

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay User:Garaad Axmed Xaaji)

Garaadka Magiciisa oo dhammays tirani waa Garaad Axmed X. Adam , waa somali ku dhashay 1967 Gobolka Togdheer Magaalada burco Miyigeeda, meesha lagu magacaabo ceel madoobe ee u dhow Dhoqoshey, wuxu ku barbaaray miyiga ilaa 9 jirkiisii oo uu u wareegey xagga magaalada , tacliintiisii Dugsiga hoose dhexe iyo d\sareba wuxu ku dhammaystay Gobolka Shabeelada hoose Magaalada Kurtunwaarey, Dugsi qur'aanka wuxu ka bilaabay magaalada Beer, ka dibna wuxuu qur'aanka saddex jeer ku dhammeeyey Kurtunwaarey

Garaadku wuxu 1982 ka qalin jebiyey Dugsiga sare ee xannaanada xoolaha , ka dibna wuxuu shaqo u tegey magaalada hargeysa ee caasimadda G/W/Galbeed, halkaas oo uu ka shaqaynayey muddo ilaa 1986,

Garaadku intii uu socdey halgankii lagula jirey keli taliyihii Siyaad Barre waxa lagu xasuustaa inuu in badan ka qayb qaatay halgankaas isagoo ra'yigiisa iyo wixii uu bulshada u sheegayo ku muujin jirey Suugaan. taas oo ahayd mid aad loo xiiseeyo Maansooyinka iyo Gabayada uu soo saaro abwaanku. Sugaan halgameeddii abwaanka dhaqso ayaannu iiinku soo qori doonna isla boggan insha allah.

La soco taariikhda Garaadka