User talk:Yusuf~sowiki

Page contents not supported in other languages.
Ka Wikipedia

Muwalad Soomaali[wax ka badal xogta]

Muwallad waa Eray asalkiisa ka yimid WaLaD (ولد, waxaana loo isticmaalaa dadka aabayaashooda ay ka soo jeedaan wadamada carabta halka hooyaduna aysan ahayn carab.

Muwallidiinta waa kuwa ku kala firidhisan wadamada caalamka. Haddaan usoo laabto meelaha ay Soomaalida ku noolyihin oo ay Muwaladiinta la deegaan yihiin Sida Muqdisho, Berbera, Marka, Baraawe,jubooyinka Beledweyne, Boosaaso, Djibouti, jig Jiga iyo qaar kaloo badan lakin magaalooyinkan aan soo xusay waa kuwa ay ugu badnaayeen deegaan ahaan.

Muwaladiinta SOomaaliya ku nool waa kuwa ka dhex muuqday Bulshada inteeda kale sida ganacsiga, Diinta iyo waliba siyaasadda.

Muwaladiinta Soomaaliya waxa ay ku lahaayeen Jaaliyaddo badan kuwaasoo shaqeeya haddaan soo qaato Jaaliyadda Yemen ee degmada Shibis taasoo waagii hore ahaan jirtay 2 jaaliyadood kuwaasoo u kala adeega Muwaladiinta ku kala abtirsada Yementa waqooyi iyo mida koonfureed kadib midowgii 2/da Yemen (waxdah) waxaa la go'aamiyay in leyskugu yimaado 1 jaaliyad bulshada isku xirta.

Ka hor waxdadii Yemen ama midowgii 2-da dal koonfur iyo waqooyiga Yemen, ayuu madaxweynihii koonfurta Yemen Ali salim al-beidh booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho halkaasoo ay si aad ahi ugu soo dhaweeyeen Muwaldiintii ku abtirsatay Koonfurta Yemen iyadoo loogu qabtay xaflado lagu muujinayo sida aysan marna u illaaweyn Muwaladiinta Muqdisho ku sugan dalkooda Yemen.

Kadib burburkii Soomaaliya Muwaladiinta waxa ay ka mid noqdeen dadka sida weyn saameynta uu ugu yeeshay dagaaladda Iyadoo ay badankooda isaga carareen guryahooda iyo wixii hanti ay lahaayeen adduunkana ku kala firidhasamay.

Booskii Safaarada Yemen ayaa la dhihi karaa waxaa buuxisay Jaaliyadda taasoo gacan weyn ka geysatay sidii dadka loogu fududeen lahaa howlaha ay rabaan sida in loo sameeyo waraaqo ay Yemen ku aadaan (maruur) in Muqdisho dhexdeeda loogu sameeyo Bitaaqooyin ay lacag ku qaataan oo ay dawladda Yemen soo diri jirtay waxa la dhihi karaa Jaaliyadda in ay ka soo dhalaashay howsha inteedii badneyd walloow eedeymo sidaas u badneyn ay iska jireen.

Haddaan soo qaato qaar ka mid ah aqoonyahanada, siyaasiyiin iyo abwaaniin ku abtirsada Carab Soomaali ama muwaldiinta waa (AUN) Abwaan Al ustaad Cabdalla Nuuradiin Axmed, General Ismail Qasim Naji (Somali: Ismaaciil Qaasim Naaji, Arabic: إسماعيل قاسم ناجي‎) (AUN) Axmed Cabdiraxmaan Bin Maxamuud Al-Shaatri ( Axmed Saqiir )],Al fanaan AXmed Naaji Sacad, Siyaasiga Abdikarim Nasir Said Seif, Xildhibaanad Ismahan Salem Ahmed.

Waxaan qoraal lagu soo koobi karin ilbaxnimada iyo dowrka muhiimka ah oo ay muwalidiin ku lahaayeen bulshada Soomaalida dhexdeeda.

Allaa Mahad iska leh. Yusuf Amin Bin bishir

Your account will be renamed[wax ka badal xogta]

08:17, 20 Maarso 2015 (UTC)

11:34, 19 Abriil 2015 (UTC)