Albaabka Kacbada

Ka Wikipedia
sawir la qaaday 2011, ilbaabka kacbada


Ilbaabka Kacbada wuxuu ku yaalaa dhanka bari ee kacbada, wuxuuna ka sareeyaa Shaadaruwaan ka 222cm (waxaa loola jeedaa waa kaabada ka hooseesa ilbaabka) Ilbaabkana dhirirkiisu yahay 318 cm balaciisuna 171cm gudahana ugu jira mitir barkii. Kacbadu waxay laheyd ilin iska banaan, kadib ayaa loo sameeyay Ilbaab, hubaalna looma haayo goortii la sameeyay yo cidii sameesay ba. taariikhyahanadu way isku khilaafeen arintaas, balse sida la sheego waxaa runta ugu dhaw, qofkii ugu horeyay oo kacbada ilbaab u yeela inuu ahaa Tubbacii sadaxaad ee boqoradii yaman ka mid ahaa oo joogay nabiga c.s.w hortii xili hore.[1] sida ku sugan siiratu ibnu Isxaaq <<wuuxuu ahaa Tubbac siday sheegeen qofkii ugu horeyay oo kacbada dada,wuxuuna faray howlwadeynadiisii ee reer jurham inay kacbada daahiriyaan oona u yeelaan ilbaab iyo fure>>[2] taariikhyahankii al-azraqi asna wuxuu sheegay << wuxuu ahaa Tubbac qofkii ugu horeyay oo kacbada kuwada dada hu' una yeela ilbaab la xiro mana la heyn ilbaab la xiro hortii, wuxuuna ka tirshay Tubbac gabay, oo baytkaan ka mid ahaa, وأقمنا به من الشــهر عشرًا وجعلنا لبابــــه إقليــدا >> </ref> [3]


waagii Cabdullaahi bin Zubeyr ilbaabka kacbada wuxuu ahaa kow iyo toban dhudhun, kadib Xajaaj bin Yuusuf ayaa ka dhigay sagaal dhudhun iyo Taako.[4] sanadkii 1045 waagii Suldaan Muraadkii afaraad waa la badalay waxaana lagu dheehay dheeh Qalin ah wax dhan 166 xero (pound) waxaana lagu dheehay Dahabka kiisa maarta u eg waana ilbaabka hada ee kacbada leedahay.[5] markay reer sacuud yimaadeen baa loo sameeyay labo ilaab. mid waa xilgii Boqor Cabdulcaziiz aala sacuud 1363H, midka labaadna waa kan hada Lee dahay waxaana la sameeya 1398H xiligii Boqor Khaalid bin Cabdulcaziiz aala sacuud waxaana sameyay axmad bin ibraahim badar, waxaana laga sameeyay dahab, dahabka laga sameeyay labada ilbaab wuxuu dhamaa 280KG qiimo dhan 13milyan iyo 420 kun oo dinaar[6][7]

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. باب الكعبة Archived Sebteembar 19, 2016 // Wayback Machine، البوابة الدينية
  2. تاريخ باب الكعبة، جامعة أم القرى
  3. الجزء (1/95)، سيرة ابت هشام
  4. "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 2016-08-22. Soo qaatay 2016-03-17.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  5. http://www.alharamain.gov.sa/index.cfm?do=cms.conarticle&contentid=5816&categoryid=996
  6. http://articles.islamweb.net/media/index.php?page=article&lang=A&id=4649
  7. "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 2021-05-12. Soo qaatay 2016-03-17.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)