Barunay

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi
Flag of Brunei.svg

Barunay ama Brunei ( Af-Jawi بروني دارالسلام waa wadan ku yaalo jasiirada Borneo ee dhinaca woqooyi bari ee qaarada Aasiya, waxaa ku wareegan wadamada Sarawaaq iyo Malaysiya. wadanka waa wadan aad u taajirsan, waxoo leeyahy saliid aad u badan iyo shidaal. wadanka waxoo ka mid yahay wadamada ugu taajirsan qaarada aasiya. Dawladda Barunay canshuur kama qaado shacabkeeda, lacagta soo gasho Dawladda waxee ka imaataa canshuurta Saliida. wadanka waxoo leeyahay dhakhaatiir lacag la'aan ah, cuntada iyo guryaha neh lacagtooda aad ayoo u jabanyahay, Dawladda neh wee kabtaa ama ku caawisaa. wadanka waxaa ka taliyo Suldaan ama boqortooyo diimeed. Ninka Suldaan ka ah wadanka Brunei waa Xassanal Bolqiya, suldaanka waxoo doortaa wasiir lataliye ah oo ku caawiyo shaqada oo qabanaayo. Suldaanka waa ninka ugu taajirsan aduunka, laakiin badanaa dadka qaarkood weeka xanaaqaan taajirnimadaas saaidka ah, ayaga oo rabo in ee ayaga neh helaan nolol fiican. Dhaqaalaha xoogan oo wadanka ka jirto, waxee soo jiidatay ajaanib gaar ahaan qaxootiga shiinaha.

Jawiga[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Barunay waa wadan roob badan ka da'o, waxaana ka baxo geedo aad u badan. kuleelka dhex dhexaadka barunay kama badno 26 ilaa 28° sanadka oo dhan. aadna looga dareemayo qanınimada iyo isku fillaashada aan caadiga eheyn