Jump to content

Ceel Cali

Ka Wikipedia

CeelCali Hiiraan somalia

1. Goobta Juquraafiyeed

• Ceel-Cali waxay ku taallaa gobolka Hiiraan, dhinaca koonfur-galbeed ee magaalada Baladweyne.

• Waxay u jirtaa 75km Baladweyne, 80km Buulaburde, 260km Muqdisho, iyo 80km Tiyeeglow.

• Degmada waxay ku taal xuduudda gobolka Hiiraan, waxaana mara wadooyinka muhiimka ah ee xiriiriya Muqdisho iyo Kilinka Shanaad ee Itoobiya.

2. Muhiimadda Istaraatiijiga ah

• Ceel-Cali waxay tahay degmo istaraatiiji ah oo xiriirisa gobollada Hiiraan iyo Bakool.

• Waxay martaa wadooyin muhiim ah oo isku xira magaalooyinka waaweyn iyo gobolka Somali Galbeed.

3. Dhaqaalaha Degmada

• Dhaqaalaha Ceel-Cali wuxuu ku tiirsan yahay ganacsiga, beeraha, iyo xoolaha.

• Degmadan waxaa lagu tirayaa mid ka mid ah degmooyinka ugu dhaqaale badan gobolka Hiiraan.

4. Adeegyada Bulshada

• Ceel-Cali waxaa ku yaalla saldhig boolis, isbitaallo, iyo laba iskuul oo kala ah El-Ali Primary and Secondary School iyo Samsam Primary and Secondary School.

• Waxay leedahay afar garoon oo kubadda cagta ah iyo garoon diyaaradeed oo lagu magacaabo Dheylale Airport.

5. Taariikhda Degmada

• Degmada waxaa magaceeda ka dhigan laba eray oo ah “Ceel” iyo “Cali”, iyadoo Cali ahaa ninkii ugu horreeyay ee degay.

• Degmada waxaa la siiyey heer degmo 15/8/1989 xilligii dowladdii Maxamed Siyaad Barre.

6. Goobaha Dalxiiska

• Ceel-Cali waxay leedahay goobo caan ah oo loo dalxiis tago, sida Jiriga, Jil-Jilaay, Wacel, Maja-Majiif, iyo Jiiqaay.

7. Hogaaminta iyo Maamulka

• Xilligii gumeysiga iyo burburkii kadib, Ceel-Cali waxaa soo maamulay guddoomiye nabadoon Qaliif Cabdikariin Idiris Ordaaye.

8. Xubnaha Aqoon-yahanka iyo Siyaasiyiinta Degmada

• Ceel-Cali waxay soo saartay siyaasiyiin iyo aqoonyahanno xilal sare ka soo qabtay dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

• Xasan Jubur: Wasiirkii Waxbarashada ee dowladdii Cabdiqaasim.

• Xildhibaan Cumar Dheere: Wasiir ku-xigeenkii Gaashaandhigga ee dowladdii Cabdullaahi Yuusuf.

• Xildhibaan Maxamed Ibraahim Cali (Sanbuur): Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Dhirta ee Maamulka Hirshabelle.

• Xildhibaan Axmed Haaruun: Xilal badan ka soo qabtay dowladdii Maxamed Siyaad Barre.

• Maryan Axmed Haaruun: Xildhibaan ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

3=gudomiye ku xegenkii hore gobolka hiiraan dowladii shekh shariif mudane cadaawe

>>> gudomiyahii ku xegenkii hore ee gobolka Hiiraan mudane mohamed ibraahim

>>gudomiyaha ku xegenkii Gobolka ahaana gudomiyaha amniga iyo siyasada iyo maliyada gobolka maslax mohamed osman


Qora walalkin MB Gureey

EL_Ali Hiiraan Hirshaballe Soomalia

Muhiimadda Ceel Cali

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Ceelcali waxaa mara shanwada oo Muhiim ah 1_wadada isku xaririsa soomalida galbed iyo muqdisho 2_Wadada hiiraan iyo bakool

3_wadada xariirisa muqdisho iyo Baladweyne

4_wadada xariirisa Dagmada bulaburde iyo Ceelcali

Ceel Cali waa magaalo muhiim ah oo ku dhaw xadka Gobolka Hiiraan uu la wadaago Gobolka Bakool waxaana mara wadooyin muhiim ah oo isku xira magaalooyin badan oo koonfurta Soomaaliya iyo kilinka shanaad ee somali galbed, wadooyinkaasi muhiimka ah waxaa ka mid ah wadada ka timaada Beledweyne kuna jeeda gobolka Bakool.

Ceel cali waa magaalo ku caan ah nabada wanaaga is dhexgalka bulshada iyo waliba horumarka Sida Magaca magaalada ka muuqataba Ceel Cali waa degmo ceelal fara badan leh. Iyadoo waliba halkaasi ay ku dhasheen Siyaasiyiin xubna sarsare kaso qabtay dalka iyo waliba kuwa hadda ka arimiya dalka, dadka ree Ceelcali waxey yiraahdaan :-( Allow yaa i geeya ceelcali cidana iigu sheega Caagxoog ;-) Taas oo muujineysa Hilowga iyo rabitaanka dadka haya iyo waliba iyago u hiloobay dalkoodi dadkoodi iyo barwaaqi lagu noolaa, Caagxoog iyada lafteedu waa tuula hoos timaada degmada ceelcali waxeyna u jirtaa ilaa iyo 15 KM.

Dhaqaalaha iyo Waxbarashada

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Degmada Ceel Cali dhaqaalaheeda ugu badan wuxuu ku tiirsan yahay dhanka xoolaha nool sida Geela Looda, Ariga, Fardaha, sidoo kale degmada waxay leedahay ganacsiga nuucyadiisa kala duwan iyadoo leh suuq weyn oo lagu kala iibsado xoolaha nool kuwaas oo loo dhoofiyo wadamada Carabta.

Dagmada ceel cali waxaa ku yaalla dhamaan xarumaha shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliya sida : 1- HORMUUD 2- NATIONLINK 3- TELECOM SOMALIA

Iyo waliba dhamaan Xawaaladaha somalia sida: 1- DAHABSHIIL 2- QARAN 3- IFTIN 4- KAAH 5- AMAL 6- AMAANA 7- HODON iyo waliba qaar kalo badan

Dhanka kale Degmada waxaa ku yaalla goobo waxbarasho iyo kuwa caafimaad oo fara badan dhanka wax barashada waxaa ugu horeeyo ( CEELCALI PRIMARY AND SECONDARY SCHOOL ) Dugsiga hoose dhexe iyo sare ee Ceel Cali oo aay haatan wax ka bartaan arday fara badan kuwa kalana aay ka qalin jibiyeen Iskuulka Ceel Cali wuxuu ka mid yahay iskuuladii dowladii siyaad barre ay aasaastay. Degmada Ceel Cali waxa kale oo ku yaal laba goobood oo wax lagu baro caruurta agoonta ah iyo kuwa tabarta yar si lacag la'aan ah iyadoo aay xarumahaasi fureen jaaliyadaha reer ceelcali ee ku dhaqan dunida daafaheeda. degmada ceel cali waxay ka koobantahay 8xaafadod oo kala ah ? 1= xafada deenaabuur 2=xafada kashmiir 3=Xafada buula qansax 4=xafada buula qayle 5=xafada banjaab 6=xafada warcad 7=al_Hilaal 8= xafada somteel