Confucius

Ka Wikipedia
Confucius

konfoshiyoos.luqada shiinaha(孔夫子)waxa uu ahaa faylasuuf shiine ah, waxaanu Ka mid ahaa faylasufyadii ugu waaweynaa ee adduunka soomara, waxa kaloo u ahaa faylasuufkii ugu horeeyay ee sameeya mad-hab faylasuufnimo oo ka kooban dhaqanka shiinaha dhamaan. Falsafadiisu waxa ay ku saleysantahay qiimaha iyo akhlaaqda qofku u hayo marka hore waalidkii, marka xiga shacabka, marka xiga la xukumuhu in uu dulqaato, xukumuhuna in uu cadaalad sameeyo. Waxay aad falsafadiisu ugu fiday wadama shiinaha.jaban.kuuriya.iyo fiyatnam.waxa lagu naanaysaa nabigii beriga Aasiya.

noloshiisii[wax ka badal | wax ka badal xogta]

faylasuufkani waxa uu dhashay 551.kahor dhalashaddii nabi ciise. waxa uu ku dhasahy gobolka law.oo xiligaas ahaa dawlad iminkana ah gobol katirsan dawlada shiinaha.waxa uu kadhasahy reer aad u faqiira oo laakiin soojireen ah.aabihii waxa uu dhintay isaga oo jiray sadex sano oo kaliya. ugamna uu tagin wax ay masaariifsadaan taas oo hooyadii ku qasabtay in ay ushaqayso si ay masaariif ugu hesho.waxa uu guursaday marii ay dadiisu ahyd 19jir.lakiin waxa laysku khilaafsanyahay dadiisu intii ay ahayd markii uu bilaabay in uu haajiro oo uu shiinaha oo dhan kusoo wareego.