Cuf is-jiidad

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi
Garaafiti waxay sababtaa in dhulalka ay qorraxda ku meereystaan.

Garaafiti (ingiriis: gravity) waa awood dabiici ah oo aan la arki karin oo aan la maqli karin laakiin la dareemi karo. Garaafiti waa awoodda u yeesha sheyyadda miisaan oona ku heysa dhulka. Tusaale ahaan haddii aad shey kor u tuurtid hoos ayuu u soo dhacayaa. Waxa sababa in shey walba oo kor loo tuuro uu hoos ugu soo dhaco waa awooda la yiraahdo garaafiti ayaa hoos u soo jiidata. Sheyyada waaweyn ee dabiiciga ah sida dhulka, dayaxa, qorraxda iyo xiddigaha waxey leeyihiin awood garaafiti la yiraahdo oo wixii u soo dhawaada wey soo jiitaan.

Sheyyada waaweyn ee dabiiciga ah sida dhulka, dayaxa iyo qorraxda way kala garaafiti badan yihiin. Mid ba' midka uu ka weyn yahay wuu ka garaafiti badan yahay. Tusaale ahaan awooda garaafitiga ee uu dhulka leeyahay waxey ka xoog badan tahay awooda garaafitiga ee uu dayaxa leeyahay sababtoo ah dhulka ayaa ka weyn dayaxa. Awooda garaafitiga ee ay qorraxda leedahay waxay ka xoog badan tahay tan dhulka uu leeyahay sababtoo ah qorraxda waxay ka weyn tahay dhulka.

Dayaxa wuxuu ku meereystaa dhulka oo waxaa soo jiita garaafitiga dhulka. Dhulka wuxuu ku meereystaa qorraxda oo waxaa soo jiita garaafitiga qorraxda. NewtonsLawOfUniversalGravitation.svg