Dari

Ka Wikipedia

Deegaanka Darri oo magaca saxda ah uu yahay Ceeldaraad, waxaa deegaankaas uu caan ku yahay Dhaqashada Xoolaha Nool iyo tacbashada beeraha, waxaana deegaanka uu leeyahay Dugsi Hoose,Dhexe,Sare ee Ceeldaraad Primary And Secondary School, waxaa sidoo kale ku yaal Isbitaal weyn oo dhaqaatiir caalami ah, waxaana looga kala yimaadaa deegaano ku dhaw deegaanka Darri.

Deegaankaasi waxaa uu ku caanbaxay Ceel loo yaqaan ceelweyne oo xili mudo qarni ku dhaw laga joogo looga imaan jiray meelo ka baxsan 100 Km waxaana deegaankaas uu yahay mid qadiimi ah.

Ceeldaraad "Darri" ayaa qiyaas ahaa waxaa ay 45 Km dhanka waqooyi ay kaga beegan tahay degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud, waxaana dhan kale 90 KM dhanka bari kaga beegaan degmadda Galhareeri ee gobolka Galgaduud.

Deegaankaas ayaa waxaa dega Beesha Murusade oo kamid ah beelaha ugu weyn hawiye, waxaa sigaar ah u daga Beesha Habar Maxamed waxaa ay u kala qeybsan tahay labo gadi, oo ay kala deganaan lafaha Daguuro Maxamed iyo Hilibi maxamed oo ah lafaha Habar maxamed ku abtirsada.

Deegaankaas Nabadoonada ka soo jeeda ee gobolka galgaduud laga yaqaano ayaa waxaa kamid ah Xaaji Xasan Gardheer, Nabadoon/Sheekh Maxamed faarax,nabadoon maxmed guure xareed . nabadon cabdule maxmed faarax "Nuure Tuuryare" Cali Suuley, Cabdule Qanyare, iyo Shiikh Aadan Maxamed.

Siyaasiyiinta iyo dadka magacaleh ee deegaankaas ka soo jeeda ee la yaqaano ayaa waxaa kamid ah Maxamed Qanyare Afrax, Farax Cabdule Gacal Garamgaram Daahir Cali Farey.maxmed abukar ali jacfar c.cabdi cals maxmed guure iyo masuuliyiin kale.