Gaan

Ka Wikipedia

Gaan waa deegan xeebeed hoos yimaada degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ee bartamaha soomaaliya. Inkasta oo deegaankan uu yahay mid aan sidaas u ballaarneyn hadana waa mid ku fadhiya istiraatiijiyad gooni ah marka la eego meesha ay ku taalo iyo in ay leedahay Marso ama deked macmal ah, taasi waxaa u sii dheer in ay ka mid tahy deegaanada Taariikhiga ah ee dhaca gayiga Soomaalida.

Si kale marka loo yiraahdo Gaan waxa ay ka mid tahay labada Marso ( Deked) ee macmalka ah ee hoos yimaada degmada Xarardheere; waana Gaan iyo Faax mana jirto cid ka faa’iideysatay muhiimada ay leeyihiin.