Gerikoodmbe

Ka Wikipedia

Shidaal laga helay Degmada Qabri-bayax iyo Qabaleeyo hoosyimaada

31 May, 2011 00:01


Waxaa bariyahan danbe kasocda DDSI baadhitaano shidaal oo sixoogan loo wado iyada oo meelaha qaar lagahelay meelaha qaarna hada baadhitaan koodii lagu gudo jiro, waxaa kasocda degmada Qabri-bayax ama aan nidhaahabee meelo katirsan magaalada baadhitaan shidaal gaar ahaan meesha loo yaqaano Awraagodanaha amaba Ooman waa Jibriga ama Stopta laga galo magaalada marka laga tago xaga tuulada Garbi ee dhinaca waqooyi galbeed ka xigta magaalada, iyada oo meelo badan oo degmada kamidana lacalaamadiyay sidoo kale waxa uu kasocdaa baadhitaankani Qabalaha Dulcad oo hoos yimaada degmada Qabri-bayax kagana beegan dhinaca bari oo ujirta ilaa 70Km oo ku taal badaaiska badhtamihiisa , waxaa kale oo iyadana lasheegayaa in laga helay Dhuun shidaal deegaanka Harre ee iyana u dhaxaysa maraa gaajo iyo camadhle oo kala raacsan dagmooyinka Jigjiga iyo Qabri-bayax. hadaba baadhitaankan ayaa sixoogle uga socda bariyahan danbe deegaanka iyada oo 7 Shirkadood oo Ajnabiya ay maalmahan tartan ugu jireen baadhitaanka shidaal ee deegaanka Somalida, haddii nabad lahelana laga yaabo in muda yar gudeheed wax badani iska bedeli doonaan deegaankan iyo dhamaanba wadan waynaha Ettiopiaba.