Jeer

Ka Wikipedia
Jeer

Jeer (Hippopotamus amphibious) waa xayawaan ku nool biyaha iyo berrigaba oo Naasley ah. Waxay u badan tahay webiyada. Waa xayawaan ku nool dhulka Saxaraha ka hooseeya ee Afrika. Waa xayawaanka saddexaad ee berri-ku-noosha ugu miisaanka culus isagoo weliba aad uga gaaban geriga. Jeertu waxay ku nooshahay webiyada iyo harooyinka.

Maalintii inta badan waxay ku dhexjirtaa biyaha. Waxay ku rintaa (ku orgootaa) oo ku dhashaa biyaha dhexdooda. Waxay isu raacdaa kooxkoox.