Portal:Taariikh

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi
   
Portal:Taariikh
Hiddaha iyo Dhaqanka Siiro Juqraafi Taariikh Xisaab Saynis Bulsho Farsamo Falsafad Diimaha Tusmo

Gnome-home.svg Bulshada: P social sciences.png Arimaha Bulshada   Vitruvian-Icon.png Hiddaha iyo Dhaqanka   Psi2.svg Cilminafsi   Bills and coins.svg Dhaqaalaha    Siyaasadda   Nuvola apps bookcase.png Waxbarashada iyo Barbaarinta   Nuvola filesystems www.png Juqraafi    Taariikh   Scale of justice gold.png Sharci   Nuvola apps edu languages.png Af-maal   Nicolas P. Rougier's rendering of the human brain.png ( Fikir )   P philosophy.png ( Falsafad )  

Taariikh

Taariikh waa barashada dhacdadii tagtey iyada oo meeqaam la siinayo falalka aadanaha ee deegaan degan iyada oo sheekada si taxane ah loo tebinayo ilaa laga soo gaaro marxlada markaas lagu jiro. Ereyga asal ahaan waxa uu ka soo jeedaa afka Carabiga. Taariikh waa ururinta, qaabeynta iyo run ka sheega waxa dhacay waayihii hore cabirkii la doono ha la adeegsado sida sanado qarniyo. Taxanaha waqtigii soo jireenka ahaa in laga sheekeeyo keliya ma ahen taariikh ee wax ogaanshaha qaabta dhacdooyinka xaadirka ah ay u muuqdaan ayaa ah "taarikh" maadaama taariikhdii hore ay tahay mid qusaysay dad, meel iyo dhacdo. Dareensanaanta jiritaanka dhacdooyin taariikhi ah waxay sawirmaan ama u sawirmaan dadka qaabeeya taarikhda.


Maqaallo Xul ah

Sayyid Mohammed Abdullah Hassan.jpeg
Sayid Maxamed Cabdule Xasan (Soomaaliya 1856 - Iimeey, Itoobiya 1920) Dhalashadii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan Wax lala yaabo ma aha haddii nin wadaad ahi dadku ka dhashay ka tago ama ka guuro. oo degmo kale dhex dego ha yaqaano ama yuu aqoone, ha ka fogaadeen, ama ha u dhowaadeen, sidaa suna waa culimada alabkeeka, meel kastna ha joogeene maxaa yeelay ninka wadaadka ahi wuxuu yahay oo dadka meeshaa uu tegey deggan la walaal yahay, oo iyaguna diinka ka baranayaan, isna xoolo iyo xurmaba ka helaayo.

Taariikhda aan la xasuusan, cidna sheegi karin ayaa Sheekh xasan nuur oo sayidka maxamed awoowgiis ahaa ka tegay Gobolka Qallaafo. oo ah dhulka wabiga shabeelle ku magacaaban, halkaas oo beeshuu ka dhashay degganayd. Wuxuuna u kacay Nugaal oo ahayd dal wanaagsan duunyadana hodan ka ah, si fiicanna loogu noolaan karey, culimaduna had iyo jeer u xoola doonan jireen.

Shiikh Xasan markuu Nugaal mudda joogey oo uu dadkii iyo dalkii kala bartay, xoolo fiicanna ka helay waxa gashay hawo guur, dabadeedna. waxaa uu guursaday gabadh reer Nugaaleed ah oo magaceeda lagu tibaaxay khadiijo jaamac(1). Shiikhu Nugaal wuxuu ku guursaday afar dumar ah oo u dhalay carruur. badan, carruurtaa tiradooda waxa lagu sheegay 12 wiil iyo 11 gabdhood.Waxaa la weriyey in shiikh cabdille oo sayid maxamed aabihiis ahaa carruurta ugu weynaa. Shiikh cabdille xasan wuxuu ku dhashay, sida la weriyey dooxada "Casuura" oo magaalada Laascaanood dhinaca waqooyi galbeed ka xigta, una jirta hilaadda dhawr iyo sodon mayl.

Wuxuu ku koray kuna barbaaray diintana ku bartey gobolka nugaaleed oo barwaaqo ahaa, dabadeedna reerkoodii wuxuu noqday dad Nugaal rasmi ahaan u deggan. Waxaa la weriyey shiikh cabdille isagoo 26 jir ah inuu guursaday gabadha la yidhaahdo Timiro Seed Magan, kuna caan baxdey "Caro Seed" waxaa la yidhi, waxay u dhashay 10 caruur ah, waxaana u weynaa sayid Maxamed, hase ahaatee shiikh cabdille carruurtii uu dhalay waxey tiradoodu gaadhaysay sodomeeyo.

Sawiro Xul Ah

Portal:Taariikh/Sawir Xul Ah

Qaybaha

Ma Ogtahay ...

Taariikh Nololeedka Eng. Mohamed Abshir Dhubane Eng. Mohamed Abshir dhubane waa khasnajiga hore degmada Carmo Ee Gobolka Bari Eng.Mohamed waxa uu xilal kala duwan sida Xisaabiye, Agaasime Dakhli, Agaasime Arrima Bulsho Khasnajiye iyo Xog haynta Duqa duqii degmada carmo Jaalle Salaad ALi Hogato mudooyinkii 24 maarso 2003 ilaa 25 Agoos 2013

Eng. Mohamed Abshir Dhubane waxa uu ku dhashay magaaladda Muqdisho xaafadda Baar Ubax wuxuuna ku soo barbaaray magaaladda Bosaso wuxuu ka dhigtay dugsigiisa hoose/dhexe iyo sare isla magaaladda Bosaso gaar ahaan dugsiga imaamu shaafici

wuxuu ka soo bartay kuliyadda saynis iyo kumbuyuurka jaamacadda xadramoot ee dalka yemen, wuxuu kaloo kaloo ka qaatay dalka gudihiisa dibloomooyin kala duwan sida luuqadda ingiriiska , kumbuyuurta, maamulka iyo dhaqaalaha, maareynta dhaqaalaha iyo caafimaadka.

dhowaan Eng. Mohamed abshir dhubane wuxuu ka shaqo galay shirkadda Golis 10 Febraayo 2013

Maqaalo Taariikh Ah

Portal:Taariikh/Maqaal Taariikh

Bortal kale

Portal.svg
Hooyga muhiimka ah:
Qaaradaha:

Aasiya | Afrika | Yurub | Ameerika |

Portal Bahwadaag la ah:

Carabta | Hiddaha iyo Dhaqanka | Af-Soomaali | Siyaasadda |

Dowlada Carabta:

Soomaaliya

Bulsho ] Hooyga ]


(Nadiifinta Serverka waxa ku qarsoomay)