Qubi

Ka Wikipedia

Qubbi waa dagmo katirsan gobolka Erar ee Somaligalbeed [ Dawlad degan ka somalida itoobiya Qubbi waxay kutaalaa dhinaca Waqooyi Galbeed ee dawlada degan ka somalida itoobiya waxay xuduud la,leedahay gobolka Ismaamulka Oromiya.

Faahfaahin[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Qubbi waxay ku taalaa dhul aad ubalaadhan oo kudhareran xuduuda oromiya iyo gobalka Somali Galbeed. Waxaa daga beelo badan oo beelwaynta reer sacad ah. Degmadaan waxay ka midtahay degmooyinka Khyraadka Badan eebbe ku mannaystay lkn aan marna laga faaiidin. waxay dagmadu leedahay dhul-beereed, Dhir, daaq iyo togag biyo badan oon intaba laga faa`iidaysan marna.

Colaadaha Oromada iyo Somalida ee Degmada[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Qubi waxaa inbadan ka dhaca Colaado ku salaysan Degaan, deeqa iyo siyaad una dhexeeya Oromada oo dhul-balaasi ku socota iyo Dadka degaanka ee Somalida Colaadaas oon inta badan xal waara laga gaadhin. sidoo kale waxaa Degaanka ku soo guray Dadkale oo Oromadu soo bar-kicisay ama Dhulkoodii laga soo eryay oo Somali ah Sida Beesha Camar iyo beesha Obo (Akishe) oo iyaku hadda Degmada ku cusub.

khayraadka dagmada iyo waxyaabaha laga helo[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Degmadaan waxaa laga helaa xabagta, malmalka ,hadiga,fooxa,beeyada,iyo dhamaan noocyada xabagta ee kala duwan. dhinaca xoolaha waxaa kayimaada markii la,eego dhica gobolka Ogaden waa xoolaha oogu waawayn ee deegaanka tusaale ahaan adhiga dagmada Qubi iyo midka kale ee laga keeno gobolada kale isku mid ma,aha xitaa geela. dagmada qubbi ayaa waxay deegaan ahaan ku taalaa dagaan aad barwaaqo u ah oo ay ku dhaqmi karaan xooluhu waxaa dhinaca shishe ka mara wabi xagga soke ee dhinaca fiiqeedna waxaa ka mara togga erereed isku soo wada duuduuboo dagmada qubbi waa dagmo higsanaysa mustqabal iftiimaya dhawaana haddii alle yidhaahdo dhaafi doonta magaalooyin boqol sano dhisme ahaan ka horeeyay.qubbi waxay kaloo laga helaa dahab taas oo haddii la isticmaalo ay tgabi ahaan ba ay gobolka Delgado d ay deeqsiin karto waxaa kaloo laga helaa mercury ama qayb ka mid ah unugyada dareera taas oo badaanaa ay reer galbeedka iyo china huba uu raadinayo oo gabi ahaanba caalamka intiisa badan aan laga helaynin xilligan