Riyo

Ka Wikipedia
El sueño del caballero, 1655 (Antonio de Pereda)

Riyo (Af Carabi : ar‎; Af Ingiriis : dream) waa silsilad male awaal ah oo dhacda inta hurdada lagu gudo jiro, riyada ayaa ku kala duwan isku xirnaasha iyo macquul galkeeda, fasiraada laga bixiyay waxay riyo tahay ayaa lagu kala tagay, dadka qaar baa qaba inay tahay wax nafta bin aadanka isku qanciso inay dhacayaan waxaasoo soo jeedka ay horay ugu waysay, tusaale ahaan qof baa jecel inuu magaalo aado, maadaama soo jeedka maankiisa ay ka guuxayso inuu halkaas aado awoodna u lahayn, riyo ayuu arkayaa ah asagoo meeshaas aaday, taas ayaa la dhihi karaa waa qayb aad u yar oo ka mid ah noocyada riyada, nooc ka mida riyada ayaan macno wayn ku fadhin markii la baraaruga noqonaya wax dad waalan ay ku fakareen oo kale (Qarow, dhelalow) Waa suurto gal in ay jiraan micno kale oo dad Somalidu u yaqaaniin.

Ilaah mar dambe ma isticmaalo riyooyin si uu dadka ugu gudbiyo farriimaha:

"Waayo, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Nebiyadiinna iyo waxsheegyadiinna idin dhex joogaa yaanay idin khiyaanayn, oo idinku innaba ha dhegaysanina riyooyinkiinna aad ku riyootaan. Waayo, magacaygay wax been ah idiinku sii sheegaan, laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu iyaga sooma aan dirin."

Aragtigtida islaamka ee riyada[wax ka badal | wax ka badal xogta]

islaamka ayaa sheegay riyada wanaagsan ee xaqa ah kana soo fushay qof muslin wanaagsan ah inay tahay qayb ka mid ah afartan iyo shan qayb oo ka mid ah nabinimada. nabiga scw ayaa riyada u qaybiyay sadex nooc

  • Bishaaro xag alle ka timid oo qofka muslimka ahi arkayo
  • Murjin shaydaan ka ahaatay
  • Iyo riyo qofka naftiisa wuxuu ugu sheekeeyo ah

xadiis uu warinayo muslim ayuu nabigu scw leeyahay ('وا (إ إِذَا اقْتَرَبَ الزَّمَانُ لَمْ تَكَدْ رُؤْيَا الْمُسْلِمِ تَكْذِبُ وَأَصْدَقُكُمْ رُؤْيَا أَصْدَقُكُمْ حَدِيثًا وَرُؤْيَا الْمُسْلِمِ جُزْءٌ مِنْ خَمْسٍ وَأَرْبَعِينَ جُزْءًا مِنْ النُّبُوَّةِ وَالرُّؤْيَا ثَلَاثَةٌ فَرُؤْيَا الصَّالِحَةِ بُشْرَى مِنْ اللَّهِ وَرُؤْيَا تَحْزِينٌ مِنْ الشَّيْطَانِ وَرُؤْيَا مِمَّا يُحَدِّثُ الْمَرْءُ نَفْسَهُ فَإِنْ رَأَى أَحَدُكُمْ مَا يَكْرَهُ فَلْيَقُمْ فَلْيُصَلِّ وَلَا يُحَدِّثْ بِهَا النَّاسَ )

waxay diintu sharciyaysay qofkii wax wanaagsan ku riyooda inuu alle ku mahdiyo, kii wax xun arkana inuu acuudsado salaadna tukado, cidna uusan uga sheekayn,

Imaam al-qurdubi ayaa kitaabkiisa almufham[1] ku sheegay noocyada riyada wuxuuna leeyahay (Riyadu waxay u qaybsantaa riyo xaq ah waana tan nidaamsan oon isku dhex yaacsanayn, waana riyada runta ah nabigaana scw ku magacaabay riyada runleyda ah ama wanaagsan, waana mida dhacdada sax ah u eg, hadii qof fiican uu ku riyoodana ay tahay qayb ka mida waxyiga xag alle ka yimaada, tan labaad ayaa ah mid kasoo fushay naf murugaheed ama waxyaabo ay jeceshahay, damacna uu ku jiro ka dibna wixii uu rabay uu ku arkayo riyada dhexdeeda, macno ma leh taas, tan sadexaadna waa murug, walaac iyo walaahow ama dhibaato iyo cabsiin qofku riyada ku arko shaydaankuna qofka ku waswaasiyo si uu u xumeeyo soo jeedkiis, taasna waxaa lagu magacaabaa Qarow, mar mar baa waxaa kulmaya riyada cabsida ah iyo tan shahwada iyadana waa qarow aan macno lahayn)[2].

tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. http://fatwa.islamweb.net/fatwa/index.php?page=showfatwa&Option=FatwaId&Id=225250
  2. http://arabic.tebyan.net/index.aspx?pid=170899