Shahaadah

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Shahadah)
Calan ay ku qorantahay Shahaadada
Shahaadah

Shahaadah (Af Carabi : ar‎), ama shahaado waxa weeye qirista Ilaahay in uu yahay hal kaliya waaxid maba tawxis ka oo ah qirista Ilaahy.

shahadah waxey ka mid tahay shanta tiir oo ugu muhiimsan diinta Islaamka, waxaana weeye tiirk koowad oo ah shahaadada.

Akhrinta[wax ka badal | wax ka badal xogta]

أشهد أن لا إله إلاَّ الله و أشهد أن محمدا رسول الله [luuqada carabiga]

Waxaan qira'yaa in uusan jirin ilaah, Alle (Allaah) mooyee, waxana qirayaa in uu Muxamed (csw) yahay rasuulkii Alle (Allaah).

I testify that there is no god (ilah) but God (Allah), and I testify that Muhammad is the messenger of God. [luuqada Ingiriiska]

Walaaleheyga muslimiinta ah waxaan jeclaan lahaa inaan halkan isku xasuusino tawxiidka ilaahey iyo fadliga uu leeyahay iyo dunuubta uu u dhaafayo qofkii la yimaada towxiidka, rabigeena tabaaraka watacaalaa wuxuu leeyahay ( قال تعالى:(الَّذِينَ آمَنُوا وَلَمْ يَلْبِسُوا إِيمَانَهُمْ بِظُلْمٍ أُولَئِكَ لَهُمُ الْأَمْنُ وَهُمْ مُهْتَدُونَ),) Ilaah wuxuu noo sheegayaa kuwii rumeeyay oo aan iimaankooda ku daboolin shirki kuwaas waa kuwa aduunka ku hanuunsan kana badbaada cadaabta ilaahey yoomul khiyaama. kuwaasu waa kuwee (waa kuwa cibaadadooda u baraxtiray ilaahey oo kaliya) waa sida uu leeyahay al imaam ibnu katheer tafsiirkiisa, nabigeena (n.n.k.h.) wuxuu yiri sida ay ka soo wariyeen al imaam al bukhaari iyo muslim saxaabiga la yiraahdo cubaada ibnu saamit (ilaahey haka raalli noqdo ) cubaada ibnu saamit wuxuu leeyahay rasuulka (n.n.k.h.) wuxuu yiri (man shahida anna laa ilaaha illa laaha waxdahu laa shariika lahu wa anna muxammadan cabduhu wa rasuuluhu wa anna ciisaa cabdullaahi wa rasuuluhu wa kalimatuhu alqaahaa ilaa maryam waruuxun minhu waljannatu xaq wannaaru xaq adkhalahu allaah al jannata calaa maa kaana minal camal) walahumaa ee waxaan ula jeedaa al imaam al bukhaari iyo muslim xadiith ay ka wariyeen saxaabiga la yiraahdo citbaan (ilaahey haka raalli noqdo) asagoo ka soo wariyey nabigeena (n.n.k.h ) wuxuu yiri (fa inna allaaha xarama callan naar man qaala laa ilaaha illa alaaha yabtagii bi daalika wajha allaah) maxaa loola jeedaa shahaadatu an laa ilaaha illa allaah? waxaa loola jeedaa ilaah xaq lagu caabudo inuusan jirin ilaahey kaliya mooyee, marka qofka ku dhawaaqo kalimadaan waxaa laga doonayaa inuu la yimaado sedex qodob. 1- inuu kalimadaan micnaheeda ogyahay. 2- inuu ku camal falo waxyaabaha ay fareyso muuqaal iyo qarsoodi. 3- inuu ka haro waxyaabaha ay ka celineyso muuqaal iyo qarsoodi. Assagoo yaqiinka raacsinaayo. Walaalayaal waxaa halkan inoogu dhamaaday fadliga towxiidka.