Somalia china friendhsip association

Ka Wikipedia

Somalia-China Friendship Association Waa Hay'ad ka hawl gasha Soomaaliya. Hay'addaan waa mid saaxiibtinimo ah oo ka shaqeysa isdhex-gal shacab waynahaSoomaaliya iyo Shiinaha.

Guudmarka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Ururka Saaxiibtinimada Soomaliya iyo Shiina waa hay'ad wada shaqeyn ah oo xooga saarta wax isdhaafisiga labada bulsho ee Soomaaliya iyo Shiinaha. Hay'addaan waxey muhiimad siisaa xiriirka qotada dheer ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha kaas oo ka horeeyay da’di dhexe iyo muhiimadda laba dhinac laha ah ay u leedahay labada dowladood. Maadama Soomaliya ay aheyd wadanki ugu horeeyay ee Bariga Afrika ee Shiinaha la wadaagay xiriir diblomaasi ah. Dowladda Shiinaha waxey si walaalnima ah u garab taagneyd dalka Soomaliya.

Ururka Saaxibtinimada Shiinaha iyo Soomaaliya waxaa lagu bixiyaa aragtiyo cusub oo ku aadan dhaqamada gaarka ah iyo kuwa kala duwan ee labada bulsho iyo baahida loo qabo iskaashiga u dhexeeya labada dal. Maadaama dalka Shiinaha ay joogaan in kabadan 2,000 kun oo arday Soomaaliyeed oo wax ka barta gudaha Wadanka Shiinaha. Ururkaan wuxuu sidoo kale diiradda saarayaa wax is-weydaarsi shacbi ah oo dhexmara Soomaaliya iyo Shiinaha si loo xoojiyo iskaashiga iyo saaxiibtinimada.

Ujeedooyinka Ururka Saaxiibtinimada Soomaaliya iyo Shiinaha waxaa ka mid ah in la lafa guro siyaabaha suurtagal ah ee xoojin kara iskaashiga dhaqaalaha iyo xiriirka ganacsiga kaas oo sii wanaagin doona dhaqaalaha Soomaaliya maxaa yeelay waxaa jira Ganacsato Soomaalyeed oo ku nool wadanka Shiinaha kuwaas oo si wax kuool ah uga qeyb qaata Dhaqaalaha wadankeena.

Adeegyadda Ururka Saaxtinimada Soomaaliya iyo Shiinaha[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  • Dhisidda iyo xoojinta xiriirka Soomaliya iyo Shiinaha
  • Dhowrista xuquuqda aadanaha iyo dhiira gelinta howlaha nabadda
  • Howlaha aasaasiga ah ee bulshada sida hormarinta tacliinta,nadaafadda, caafimaadka iyo dhowrista xuquuqda haweynka
  • Ka qeyb qaadashada howlaha gurmadka
  • Taaba gelinta iyo kasoo shaqeynta mashruucyada hormarinta dhaqaalaha dalka
  • Kala shaqeynta hay'adda dowliga iyo kuwa caalamiga howlaha bani aadan nimada
  • Taaba gelinta fagaaro ganacsi oo u dhexeeya labada dal
  • Taaba gelinta xaruun lagu hormariyo dhaqanka iyo luqadda
  • Taaba gelin xaruun lagu barto afafka labada dal [1]

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. Somalia-China Friendship Association Inauguration[dead link]
  2. Munaasabad Uu Goobjoog Ka Ahaa Safiirka Dalka Shiinaha Ee Soomaaliya Oo Lagu Daahfurayay Ururka Saaxibtinimada Soomaaliya Iyo Shiinaha Oo Lagu Qabtay Muqdisho.[dead link]
  3. Somali graduates who studied in China help rebuild nation

References[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. Danab Electric Solutions Products Archived Juun 14, 2018 // Wayback Machine/