Talk:Suugaanta Soomaalida

Page contents not supported in other languages.
Ka Wikipedia

[Isticmaale: Baardheere] Tifaftiraha bogga Wikipedia ee Af Soomaaliga waxaan ka codsanayaa inaad boggan "Suugaanta Soomaalida" hagaajisaan isla markaan dadka aan fahansanayn waxa lga rabo inaysan ku cayaarin bogga oo gabay dheer, geeraar, hees iyo buraanbur midna ku qorin. Waliba waxaan codsanayaa in ciwaanka laga dhigo Suugaanta Soomaaliya, maxaa yeelay "Soomaalida" waxay u ekaan inuu qoray qof waxba ku lahayn afka ah; sida qof shisheeye oo "Soomaalida" wax ka qoray.

Hab akadeemik ah inaan u bandhigno qaybaha suugaanta ayaa nala gudboon. Fadlan hagaajiya; wixii sawiro, tusaaleyaal iwm ee aad heli kartaan dhamaan qaybaha suugaanta ee Af Soomaaliga soo geliya meeshaan. Hadii loo baahanyahay gacan aniga in door ah waan ururin karaa hadii Alle idmo.

Sxb waa talo fiican, laakiin magaca boga sababta aan uga dhigay "Suugaanta Soomaalida" waa dhowr sababood:
  1. Dadka Soomaalidu maanta waxay ku nool yihiin meelo badan oo kala duwan, sidaas darteed suugaantu waa mid ka dhaxaysa dhamaantood.
  2. Soomaaliya waa wadan, laakiin Soomaali waa bulsho aad u balaadhan oo wadano badan oo caalamka ah degan.
  3. Waxa aan ka hadleyno waa Suugaan ee ma ahan wadan iyo dal.
  4. Ereyga "Soomaalida" macne weyn ayuu xambaarsan yahay; wuxuuna ka turjumayaa dadka, dhaqankooda, suugaantooda, sinjigooda iyo guud ahaan taariikhdooda.

Ismail4all (talk) 06:57, 16 Abriil 2016 (UTC)[reply]