Tuuryare

Ka Wikipedia

Cornel Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare, wuxuu ku dhashay Magaalada Muqdisho, waxbarashadiisa Hoose, Dhexe, Sare ilaa Jaamacad wuxuu ku qaatay gudaha dalka, Takhasus kiisa Master Degree ga ah oo Heshiisyada Caalamiga iyo Security ga (AMNIGA) wuxuu ku soo qaatay dalka Masar, waxaana uu hada diyaarinayaa PHD xiriirka Caalamiga ah oo uu hada ku guda jiro. Sidoo kale Agaasimaha Guud ee cusub ee Hayadda Sirdoonka iyo Nabad sugidda Qaranka Soomaaliyeed mudane Col. Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare, wuxuu ku hadlaa luuqadaha 1. English. 2. Arabic. 3. Luuqada Hooyo Somali. Shaqda Dowladda wuxuu soo bilaabay sanaddii 2004, isagoo soo qabtay xilal kala duwan iyo xarumo kala duwan, wuxuuna ka bilaabay Wasaaradda Dastuurka iyo Federaalka sanaddii 2004, kadibna wuxuu ku biiray Hayadda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaliyed ilaa uu darajada ciidanka uu ku gaaray Full Cornel ( Gaashaanle Sare). Col. Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare, Xilalka uu soo qabtay Hayadda Sirdoonka & Nabad Sugidda Qaranka, ayaa waxaa ka mida. 1-Taliyaha CTU” (Counter Terrorism Unit) 2- Taliyaha Hogaanka Xariirka Dibadda. 3- Taliyaha Hogaanka Baarista danbiyada 4- Taliyaha Hogaanka Tababarada & Qorsheynta. Col. Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare, ayaa ahaa Guddoomiyaha Maxakamadda Ciidamada Qalabka Sida, Hasayeeshee 21- Bisha 9-aad sanadka 2014 ayaa shir ay Golaha Wasiirada magaalada Muqdisho ku yeesheen loogu magacaabay Agaasimaha Hay'adda Nabad-sugada iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya.