Ufeyn

Ka Wikipedia

Ufeyn waa degmo ka mid ah degmooyinka gobolka Bari ee soomaaliya ,Waxaa la asaasay sanadkii 1958 , waa degmo qadiimi ah Magac Ufayn Wuxuu ka yimid Ereyga ah (Oh Fine ) oo loola jeedo (Wanaagsan) kadib markii uu halkaasi yimid company shidaal baaris ah qarnigii labaatanaad bartamihiisii. Markii ay soo dageen Talyaanigu Degaanka uurcaleed ayay la yaabeen Ilaha burqanaya ee rabbaaniga ah iyo dhulka daaqsinta leh kuna fiican degaanka ayna usii dheertahay shidaal fara badan oo ceegaaga dhulkaas ayuu yiri ninkii talyaaniga ahaa eraygan ( oh Fine, Degmada Ufayn waa degmo aad u ballaaran lehna khayraad dabiici ah , sida Xijiga iyo shidaal, Macdano kala duwan, Ilo burqanaya iyo beero aad u qurux badan ufayn bedka area ay 5km

Degamda dadka ku nool waxaa lagu qiyaasaa 60,000 oo qof waana degmada labaad ee ugu wayn Gobolka bari marka Laga reebo Bosaso.dadka caanka ah oo degmada ka soo jeeda waxaa ka mid ah.

1.Beldaje Cali beldaje Faarax

2. Ali Mire Artan.

3.Col. Asad Dalmar

4.Col. Abdi Osman

5.Gen. Ibrahim General

6.Eng Ahmed Farah Salah (Caaqilka)

7. Gud. Abdirahman Dahir (Daahireeto)


waa magaalo caan ku ah soo dhawaynta iyo dhaqanka wanaagsan waxayna kamid magaalooyinka ugu wax barashada fiican deegaanada puntland.Waxayna kaalinta kowaad ka kagshay tartanka kasidka Bisha Ramadaan ka baxa idaacadaha iyo telefeshanad Puntland Sanadkii 2012.

Degmada Ufayn ee gobolka Bari ayaa ka mid degmooyinka ay dhexqaadi doonto dhisme waddo oo la wado oo isku xiraysa Kala-bayr iyo Caluula.

Ufayn waxay kamid tahay Degmooyinka wax soo saarka Puntland, marka laga hadlayo habka looga faa’iidaystay khayraadka Dabiiciga ah iyo Dalaga la beero Dhulka labadaba.