User:Akram abdi omar

Ka Wikipedia



Welcome













































































































LEARN SOMALIA PROVERBS Buugaan waxaan ku qoran maahmaahyada somaliyeed si ey umada u ilaashato dhaqankeeda suuban waxee uqoranyihiin si tixan oo hingaada af ku socoto.

Qoraa sare               soo saaristii 1aad    18/1/2015                                 

Abdal abdi omar(Akram)


Hor udhaC

In badan ayaan maqalnay erayga maah maahyo balse waa maxay maah maahyo. Maah maahydu :waa hadal murtiyeed intabadan ka hadasho waayo aragnimo ama dhacdo qof soo martay uu ku reebo erayo xikmadaysan oo cabiraayo dhacdadaas saamedna kuleh nolol maalmeedka bulshada weynta uu af ahaan iyo dhaqan ahaanba ka tirsan yahay.


Qeebaha maahmaahyada ay ukula baxdo Maah maah yada waxee ukula baxdaa afar qeeb oo ka la ah: 1.maah maah toos=ujeedada iyo hadalka waa isku mid Tusaale:waxaat jeceshahay hadat weeydo waxaat ka badi weysay ayaa la sameeyaa. 2.maah maah qunsurooga=waxee muu jisaa caga jugleen iyo handadaat. Tusaale:tiqsiga haduu ku dabaal barto ciirta fuudka ayuu ku gubtaa. 3.maah maah duur xulka=waxee sheegtaa wax aadan ogeen ama digniin ayee ku siisaa. Tusaale:walaashaa iskuma hubtidee ee saydigaa ha isku xumeen. 4.maah maah sarbeeb=waxee ku muujineesaa wax sarbeeb ah. Tusaale:rag yaraaday tafa naageed ayaa laga doonaa. In taasi waa hor dhac maah maahyada soomaaliyeed. Waxaan ku wadi doonaa xarfaha hingaada.

MAAH MAAHDA KU BILAAWATO XARAFKA(A) 1.aqoon laan waa iftiin laan 2.af wax cuna xishow 3.afjooga loo ma adeego. 4.afmacaan gaacan macaan baa dhaamto 5.abaal raaga rag baa leh. 6.aduun waa hadhka labdiisa galin 7.anba afeef hore lahow amba adkeesi danbe lahow. 8.anba buur ahaaw anba buur ku tiirsanaw 9.afdabadoolan waa dahab. 9.aqooni waa owood 10.aamusnaan waa ogaalasho barkeet. 11.aadame la argaab dhib la arag. 13.aan wada hadalno waa aan wada heshiino. 14.aar qoyey dawaco la mood. 15.abaal dad galaa badan balse dad gudaa baa yar. 16.abeesada tan shanqarto iyo tan aamusan tan aamusan baa laqaatay. 17.abkey dooli dilow dad nool maas u dhahaa. 18.abuur iyo waano abuur baa horeysay. 19.ari been wuu diidaa beense ma dhutiyo. 20.ari jiri ma kala abaal weydo. 21.adin waa lanibaa ilna waa la dhooraa. 22.af aamusan marti ma seedo. 23.af aan laheen lama qabto. 24.af waa kane may lagi aamay. 25.alif kaa xumaaday al baqra kaama haro. 26.ari magantii ma barriyo. 27.ari shido laga daayo. 28.adoo nabad u balwaara beloy kaalay lama yiraahdo. 29.af hadlaaba aamus. 30.af nooli waa hadlaa eyna wuu ciyaa. 31.afar gacmood abaar ka daran. 32.afkii dab yiri ma guban. 33.af xumo nabad way kaa kaxeesaa colaadna wax kuu ma tarto. 34.agoon ninbaan wax utareyn aya madaxda u salaaxo. 35.alow nin aan wax ogeen ha cadaabin. 36.alow aqoon xumo hanugu cadaaabin eexna hanagu tagin. 37.ama afeef hore lahow ama adkeesi lahow. 38.ama waa lamuuqdaa ama waa almaqnaadaa. 40.amaano cirka diiday,dhulka diiday ,aadne qaaday. 41.amaano kugu raagtay inaat leedahay ayaat moodaa. 42.atoork intiisa guun ku yahay. 43.awr awr wado iyo nin naagi wado midna kaa ma leexdaan. 44.owr kalaguurtay urur kalaguuray baa ka xun. 45.owrba owrka uu ka horeeyo ayuu saanqaadkiisa leeyahay. 46.ayax teg eedna reeb. 47.aroos lagama raago lagumana raago. 48.aqal libaax laf lagama waayo. 49.arin nin la toosan ayaa nin kale tuur la leh. 50.arimo rag waa mudacyo afkood. 51.arin kaa tagtay aaha sooma celiso. 52.arin wa mid kugu sooboodiyo iyo mid kugu raagtay. 53.arin xumo abaar ka daran.

Xarafka B Baadi nimaan lahayn bay ag joogtaa 2.Baahiyi qof kuu daran bay kuu geysaa. 3. Baareey guur, oo sixnigaagana la guur. 4. Baddu waa isku dhadhan. 5. Badhi mag ma laha. 6. Balaayo daba la qabto ma leh 7. Balaayo madax la qabtay leedahaye minjo la qabto ma laha. 8. Balaayo buulkaagaa laga galaa. 9. Ballan habeenimo, jarmaado subax buu leeyahay. 10. Ballaysin bir ka adag. 11. Ban waraabiyo gaala baqataba baraa la helaa. 12. Bannaankaba arkaayow maxaa babac ku saaraaya 13. Bannaankiis mare maradiisa geed ma qabsado 14. Baqal fardo la miratay dhigood bay is moodaa. 15. Barasho horteed dad ha nicin 16. Barasho horteed ha i nicin 17. Barasho u yeelo geedkaad cugsan doonto. 18. Bari waaga mooyee wax san kama yimaadaan. 19. Barrooriba buulkeeday ku hartaa. 20. Bartii yaqaan, bari uma korodho. 21. Bartii yaqaan bar xoolaad kuma korodho. 22. Baruur qudhuntay baa baruuro qudhmisa. 23. Baruuro sabool, badhaadhaa leh. 24. Baryo badan iyo bukaan badanba waa laysku nacaa. 25. Baryo iyo is daluuc layskuma daro. 26. Basari buulkeeda bayaayo waaye 27. Baso waa baso si kastoo loo subko. 28. Bawdo rag, maalinba midbaa qaawan. 29. Baayac-mushtar bilowgiis bur iyo bajiye waaye. 30. Been boode been buu dhaartaa. 31. Been fakatay runi ma gaadho. 32. Beeni raad ma leh. 33. Beentaada hore runtaada danbay u xuntahay. 34. Beentaada hore, runtaada dambey dishaa. 35. Beentaada hore, runtaada danbey u daran tahay. 36. Beer wax dhalow ba' 37. Beerka jecli, xaydha jecli. 38. Belaayo aanad guriga keensan banana kaama raacdo. 39. Belaayo guur bay ku tiraahdaa ama guurso. 40. Belaayo hor la qabtay leedahay ee dabo la qabto ma leh. 41. Belaayo kaa sii jeeda layskuma soo jeedsho. 42. Belo markay adiga kaa maqan tahay, qayrkaa bay ku maqan tahay 43. Bidaari sibiq bay kugu gashaa. 44. Bilaysini Bir ka adag 45. Bililiqo doon waa nabad diid. 46. Bil-saddex reerkaagana waa kaa kaxaysaa, reer kalena kuuma geyso 47. Bir baa bir goysa. 48. Birta adag dab ayaa lagu jilciyaa. 49. Bisayl iyo ceedhiin waxa u dhexeeya waa yac-yacood. 50. Bisqin rag bay kuu gaysaa ragse kaama celiso. 51. Biya sar tegey waa la sugayaa 52. Biyahaan fiiqsi loo liqin, iyo hadalkaan fiirsi loo oran feerahay wax yeelaan. 53. Biyo ay horotood dhooqo tahay, dabadooda maxaad mooday. 54. Biyo gorore oo meel godan bay isugu tageen. 55. Biyo meel godan bay isugu tagaan. 56. Biyo sacabbadaadaa looga dhergaa. 57. Biyo socdaa biyo fadhiyey kiciyaan.

59. Boraan hadimo ha qodin ku dhici doontaa mooyee. 60. Buubaal biyaha korkiisa saran buu ka didaa



Xarafka"C"

Caana daatay dabadood la qabay 2. Caano baqay haddaad aragto, waa bi'iso naagood. 3. Caano Jiilaal canba canbid. 4. Caano yar iyo ciidan yarba marka la waayo ayaa la tebaa. 5. Caasigaa iridkaaga ma mooga, baarri dadow dad kuuma noqdo. 6. Cabaabiba cadaab bay ka subxaanalaysataa. 7. Cadawgaa looma taahee, tun ku adkay. 8. Cadho walaal waa la bariyaa (waa loo dulqaataa walaalkaa). 9. Cadku ceeji, xil iyo geeriba kuu dil. 10. Calafkaa, nin ku rabaa baa haya. 11. Caleen qudhac calool geel ma buuxiso. 12. Caleen qudhac calool geel waxba kama tarto. 13. Cali noolba wax sii. 15. Calool rag waa webi xagaa. 16. Canaan ka yaab ceesaan ma doojo(waa lagu canaanan dantaada looma seego). 17. Canaan ka yaab reer ma doojo. 18. Canbe laf baa ku jirta. 19. Canjeero siday u kala koreysaa loo cunaa 20. Caqli gaaliyo indho quraanjo lama arko. 21. Caqli: Dugaag sankuu ka galay; Xoolo, sankuu ka galay; Rag, xabadkuu ka galay; Naago, indhuu ka gala 22. Car faruurow foori gaalee? 23. Carab iyo ilkaa cid isugu dhaw iyana weeys qaniinaan. 24. Carab iyo labadiisa daan baa isugu dhaw iyana way is qaniinaan. 25. Carab loaad caws looma tilmaamo. 26. Caro walaal waa la bariiyaa (subax baa lala sugaa). 27. Carraabo, fadhaa quusiyey 28. Carrab dalab leh waa la gartaa, uur dadbanse lama garto. 29. Carruurey cayntaa ba´day. 30. Carruuri kor cabsooday leedahaye, kal cabsooda ma leh 31. Carruurta mulaca cayaar cayaar bay u dishaa, isagana waa u qur gooyo 32. Caruur gaalana ma aha muslinna ma aha ee waa kii lagu daraa. 33. Caruuri waa ciil laga waynaado., 34. Casaan qurux kama qatana. 35. Casarkii wixii kugu dhacaa cishihii lagugu caayaa. 36. Ceeb looma dhinto, cara lalama qarxo, cayna looma dhaawacmo 37. Ceebtaaday kow ogtahay, kun looma sheego. 38. Ceel biyo lihi ma foga. 39. Ceel dad liqa, ul baa lagu dayaa. 40. Ceesaan ninkii weyddiinteda kugu dhiba kaxaynteedaa lagu dhibaa. 41. Ceesaantii arigeeda diidda orgi shisheeyaa saarta (fuula, u baxa ama ka qabsada). 43. Cidlo ciirsi m leh. 44. Ciirtaa dhamaa, ceebtaada yaqaan 45. Ciise socod kuma laabna, abeesona samir kuma laabna. 46. Cimrigaagoo dheeraadaa geel dhalaya ayuu ku tusaa. 47. Ciyaar baa dhab u gadoonta. 48. Ciyi waa ka beryey. 49. Ciyigii waa ka beryey qofkii cunay baa ka liita. 50. Ciyowga habeen dhawaaqay wax uu ka cawduu dareemay. 51. Col hortii baa hub la samaystaa. 52. Col iyo abaar cagahaagaa lagaga baxaa. 53. Col iyo nabad mid baa caynka lagu xejiyaa. 54. Col ku galay cabsi kugu reeb. 55. Col naago ka kacay iyo cadho nirig ka kcday midna ma sahal kuma qaboobo. 56. Colka wadhaf ma lagu dayey. 57. Colkaa ma dhamaadee ka kuu xigo ha u danbeeyo. 58. Cudud caano gaabsheen cagaar ma korsho. 60. Cuntadaan gacantaada ku jirin iyo afkaagu way kala raagaan Xarafka "D" Daacadi ma hungowdo 2. Daahdaahow hortiis dafo 3. Daawo tiro wax kuma tarto 4. Dab aan ku gubin kulaylkiisa ma ogid. 5. Dab ama hadal baa lagu bakhtiiyaa ama biyo 6. Dab iyo xanuun meel ma wada fadhiistaan. 7. Dab munaafaq shiday baa duul dhan guba. 8. Dabaan kuleelkiisa la arag danbaskiisa lagama leexdo. 10. Dabagaale timir gaari waayey qaraara buu yiraahda'. 11. Dabalaay gooji ama ha goojin geela gu'ga dhalay uun baa lagugu tirin. 12. Dabeecad xuma dad kaa saartay. 13. Dabeecaddu diinta waa ka badh. 14. Dabkii baxayaa dab lagu qabsadaa. 15. Dacartuba mar bay malab dhashaa. 16. Dacas iyo dameeraba lama kala laha. 17. Dacas kaa wayni dhiiqaday kugu farjiyaan. 19. Dacawo duul-duul badan af libaaxeey dalaq dhahdaa. 20. Dad iyo weel godanba waa la badsadaa 21. Dad kaa badan iyo biyo kaa badanba way ku hanfiyaan. 22. Dad wax ugu liita ma tashe ma toshe ma tashiishe. 23. Dad wax yar tare ma ahee, wax ma tare ma leh. 24. Dad waxa ugu muran badan jaxar iyo jaahil 25. Dad waxa yaqaan nin tuugsaday iyo nin u taliyey. 26. Dad waxaa yqaan nin tuugay iyo nin u taliyey. 27. Dadku hadalkay isku afgartaan xooluhuna urta. 28. Dadqal looma gurguurto. 29. Dagaal qofbaa ku dhintee qof kuma dhasho. 30. Dagaal wiil kuma dhashee, wiilbaa ku dhinta. 32. Daleel marow maradiis geed ma daarow 33. Dameer dhaan raac. 34. Dameer waa dameer sidii goodirkaba haw boodee 35. Dameeraha Adari qofkii oodda ka qaadaa aroorsa. 37. Dameeraha ta ugu xun baa ugu haraati kulul. 38. Dameeraha ta ugu yar baa ugu biqlo badan. 39. Dameeri dhaan raacday. 40. Dameeri isku hallayn bay hooyadeed dabada uga nuugtaa. 41. Dameero awdalan ninkii ooda ka qaadaa arooriya. 42. Dameertu geel-didiska khuruf-khuruftay kaga dartay. 43. Dameertu inta aanay cida baran ayey dhuusada barataa. 44. Dameertu isku halayn bay hooyadeed dabada uga nuugtaa. 45. Dameertu ma hadhsato ilmaheedana ma hadhiso. 46. Dammeeraley Dad la xeer maaha. 47. Dan iyo xarrago is weyday. 48. Dan layskuma naco. 49. Dani waa seeto 50. Dantaada derin karkaranna waa loogu seexdaa 51. Dantaada iyo madaxaaga midna lagama boodo. 52. Dantaadana, maqaar eybaa loogu seexdaa. 53. Dantii mooge, maro duuga ka liitee. 54. Dantu ceebba ma lahee dadkuun baysku nacaya 56. Dardaaran caweysin kallah arooryaad buu leeyahay (Arrin la qorsheeyey meel laga bilaaboayey leedahay 57. Dardaaran waa inta xayga la yahay. 58. Dawaco geel ma cunto. 59. Dawaco meeshay macal idood ku baratay, macaluul ugu bakhtidaa 60. Dawarsato dariiqay ku collowdaa. 61. Deero waa dal maddays. 62. Deriskaa dagaalkaaga rabaa, dooradaada ceshaas ku dhahaa 63. Deriskaaskaa marna ku dayo marna ku diin. 64. Dhabada yari dhabada wayn bay kugu ridaa. 65. Dhac dushii laguma wada hadlo. 66. Dhadhan shaa waalan dhergaana ka sii daran. 67. Dhagar qabe dhulkaa u dhaq-dhaqaaqa 68. Dhagax meel dhow buu ku dhacaa, hadalna meel dheer 69. Dhagax tuujin iyo taabasho waa isugu mid 70. Dhalaan dheelaa baradi, dhusuntaa far koo galiyee? 71. Dhalaan dheelaa baradi,dhusuntaa far koo galiyee = Dhalaan (caruur,ilmo,ubad)ciyaarta bartay dabaduu 72. Dhalaan qayladu waa qaboonada. 73. Dhaliili dhaban bay ku taal. 74. Dhalinyaro dhubuq dhubuq hore dhabana hays danbay leedahay. 75. Dhallaan dhargay fartaa loo lulaa (way iska qoslayaan) 76. Dhallaan qayladii waa qaboonada. 77. Dhar kaa dheer dhaxan kaama reebo. 78. Dhaxal gorayo dhabad baa leh. 79. Dhaxal goroyo dhebed baa iska leh. 80. Dhedo roob noqon weydey 81. Dheere iyo gabane un baa jiree, Dhuubane majiro. 82. Dheerow ii gaabow yaa jaree, dhuubow ma jaro. 83. Dheg haddii la jaro daloolkaa hara. 84. Dheg wax xun maqlaysaa wax wacan ma weriso. 85. Dhegta hadii la gooyo daloolkaa hadha. 86. Dheriga karkaa maxaa ka keenay, kulayl weeye. 87. Dhib lagula qabo dhib ma eh. 88. Dhicisku inta mindida loo soo siduu bakhtiyaa. 89. Dhidar xabaalo qod bartay qudhin buu uga dhacaa. 90. Dhiig islaan ma qarsoomo. 95. Dhoofaa kaa dhimay! (bal tan ka warran, ma run baa?) 96. Dhoofaa kaa dhimay. 97. Dhool bari ka soo kacaa dhaan loo nageeyaa. 98. Dhubuq-dhubuq hore dhabanahays dambey leedahay. 99. Dhur waa la tegis bartay ka ridistu waa ku ceeb. 100. Dhurwaa dhoomo laguma rarto. 101. Dhurwaabaa lagu yidhi fool xumadaa, markaasuu yidhi walaalkay weerana ma aragteen. 102. Dhuumashada dhabarku muqdo dhuumasho ma aha. 103. Dib u gurasho dib bay kuu dhigtaa. 104. Dibi hooyo xumi hore uma koro. 105. Dibi hooyo xumi korme ma noqdo. 106. Dibi hooyo xumi, hore ma noqdo. 107. Dibi, bay waw dhutiyaa. ubadkiisa eegmaduu ku koriyaa. 109. Dix dhaaxood dhagax ka waa, hayeesa hangool ka waa 110. Dixrigu(duqsigu) dantiisuu qudhunka ugu jiraa. 111. Doc ka yeedh iyo dameerkaba daankaa la jebiyaa. 112. Doofaarka ficil la'aan baa loo cadaabaa. 113. Dooro hadey hal waddo iyo hadey toban waddo Kurug ,Kurug ma Dhaafeeyso...... 114. Dooro hadey hal waddo iyo hadey toban waddo kurug, kurug ma dhaafeeyso. 115. Dooro qoor qabasho biyo kuma cabto. 116. Dooro xaarka way wada cuntaa, af-tirashadeyse isku dhaantaa. 117. Doqon alle bariday xeradeeday ka aragtay. 118. Doqon dib bay wax ka garataa. 119. Doqon ha u gargaarin hana gargaarsan. 120. Doqon iyo habeen baa madaw. 121. Doqon milantay iyo geesi damac bartay dhexdoodaa miidaamo ka hacdaa. 122. Doqon nebi Muusaa habaaray 123. Doqon qaddar alla taqaanna qulucdaada looma dhiibto. 124. Doqon sokeeye maaha. 125. Doqoneey dabkaa ba 126. Doqoni amaanay lahayn bay u rixisaa. 127. Doqoni cad ciid loogu riday cay bay mooddaa 128. Doqoni calaf ma leh. 129. Doqoni haddii nla xifaaltamo in la is diriray bay mooddaa. 130. Doqoni hoosiis bay had mooddaa. 131. Doqoni meeshii la isku diriray uun bay ogeyd, meeshii lagu heshiiye sema oga. 132. Doqoni qiiq kama kacdee daamankay meer meerisaa. 133. Doqoni saaf carro loogu riday, sad bursiinyo ma mooddo 134. Doqoni sokeeye ma aha. 135. Doqoni waxay leedahay laba iyo toban indhood, hal mid waxay ku aragtaa. 136. Doqoni xarigga lagu xiri xusulladay ku sidataa. 137. Doqoni xin mooyiye, xisaab ma oga. 138. Doqoniino waa shil. 139. Doqonkii lumay oo la soo helay wuxuu yiri; "Maxaa la iiga farxi berriba waan lumiye. 140. Doqonta usha agteedaa lagu dhuftaa haday garan waydana goshaa oo geshaa. 141. Doqontu afka xanbay ku sidaa ishana xil. 142. Doqontu hadalkay dib u gocotaa* 143. Doqontu marka la ficil tamayo in laka tagayo ayey moodaa. 144. Doqontu xeerna ma hoyso, xoolana ma hoyso. 145. Dudumo dheeraataa dhulkuun bay ku noqotaa. 146. Dudun dareen ii dugsasho inis ki dartooy = Dudun dareen iyo dugsasho,ha iskugudarin. 147. Dudun dareen ii dugsashu inis ki dartooy. 148. Dukhsi biyo ku dabaal bartay fuud buu ku bakhtiyaa. 149. Dukhsi dantiisuu dumurka (qudhunka) ugu jiraa. 150. Dukhsi dantiisuu dumurka ugu jiraa. 151. Dukulush timir deeri waayi Kharaaraa tuf in erre? 152. Dul qaadasho yey noqon tii dibiga 153. Dumaal ni ka xishooday kama ilmo dhalo. 154. Dumar iyo dheri toona yar yaraysi malaha. 155. Dumar yaryaraysi male 156. Dumarka been baa lagu soo xero geliyaa runa waa lagu dhaqaa. 157. Duqsi, caanuu ku dabaal bartaa fuudbuuse ku gubtaa 158. Durduro geel baa ku jaba. 159. Durduro waxarood xanan(qodax) bay kula gashaa. Xarafka "E"

1. Erray nimaan dhaafin odday ma dhalin. 2. Ey is cunaysaa waraabe iskama celiso. 3. Eydin geel kolba waa ninkii ku danbeeya. 4. Eygii oo laf diiday ma noola.


Xarafka "F"

237. Faan badan iyo faq badaniba ma wacna. 239. Faanoole fari kama qodna 240. Fadhi iyo fuud yicibeed laysku waa. 242. Falaadhi gilgilasho kaagama godo. 245. Fallaartii cirka loo ganay cid kastoy filo 246. Far bugtaa, Faro ka dheer. 247. Far iyo meel bugtaa is og. 250. Far kaliyihi waji ma maydho. 251. Far keliya Fool ma dhaqdo. 252. Faras aanad lahayn fuul madiisa futaqaradh baa laga qaadaa 255. Fardaha dheereeyaa Fagaarahay isku arkaan. 256. Fardo laysu hayo maxaa laysugu faanaa. 260. Farihii dufan leh ayaa wax duuga. 261. Faro ka ciyaar dabo ka ciyaar baa dhaanta. 266. Fulay hooyadii ma goblanto. 267. Fulay wax ka wadne weyn. 269. Fulay wax ka qoryo badan. 274. Fullayw guuli kuu ma dhawa. 275. Futo iyo dhul isma huraan.

Xarafka "G" 276. Gaal dil gartiisana sii 277. Gaashaan qaad ma anbado. 278. Gabadh nin dhali karaa ayaa dhaqi kara 279. Gabadha dheg-dameer in leeg baa ku dansanta wiilkana in tin leeg baa ku darsanta 280. Gabadhi waa meel xun joog. 281. Gacani waa miskiin. 282. Gacantaadu hadday dhudhub gasho, lagama dhuftee waa laga dhirindhiriyaa. 283. Gacantii oodan goyn karin, waa la shumiyaa? 284. Gacmo wada jirbay wax ku goyn karaan. 285. Gadal gadaal geed looma koro 286. Gadhba gadhbaa la tusaa. 287. Gar dabadeed, guu-guu (gunuunuc) baan nacay 288. Gar waa loo wada islaam 289. Gardarrada ma guulaysto 290. Gardarro looma garbo yeelo. 291. Gari ilaahay bay taqaan 292. Gari laba nin kama wada qosliso.

295. Geed joog gartii waa yaqaan. 296. Geed walba in gubtaa, waa hoos taal. 297. Geel carruuri qaaday ma foga. 298. Geel caruuri qaaday ma foga. 300. Geel indho kuul muxuu ka kasaa? 301. Geel laba jir soo wada mar. 302. Geel soddon qaday, saddex kuma dari waayo 303. Geeli waa geel, wixii gooyaana waa geed. 305. Geeljire, geela waa wada jirtaa, waana kala jirtaa 306. Geelow geed walba daaqdaye, markaad Ciin daaqdaa laguu yaabaa. 307. Geeri nimaan aqoon iyo geel jiray ku wanaagsantahay. 308. Geeriyu nin aadan aqoonin iyo geeljiray ku roontahay. 309. Gees loaad kulayl kaa lagu jaraa. 310. Gees lo'aad kulaylkaa lagu gooyaa. 313. Gobanimo waa joome. 314. God ha qodin, haddaad qoddana ha dheerayn, ku dhici doontaana ma ogid 316. Gorayo la hub sayoo haad bay noqotay. 317. Gorgor, haadda ka weyn. 318. Gorgortan saaxiib iyo walaal toona ma yaqaan. 320. Gudini geed ma goyseen, haddaan geed kale ku goyn. 322. Gurbaan Garabkaaga ha kuugu jiro ama gacalkaa hakuu hayo. 324. Guursato loo galmoon og.

Xarafka "H"

326. Haad habeen kacay waxbaa kiciyey. 328. Haani guntay ka tolantaa. 329. Habaar waalid ma hadho. 330. Habar baas inan baas bay ahayd. 331. Habar caal weydey durey bay hafartaa 333. Habar dhali wayday aleelo ku waalatay. 334. Habar fadhida legdini laa fudud. 336. Habar Jeclo, hadalka dib bay u gocotaa 337. Habar roob hayo, ta kalena inuu hayey modaa. 338. Habeen ciidan maaha 339. Habeenkii hoos baa loo hadlaa maalintiina hareera haa layska eegaa. 340. Hadal aan fiiro loo odhani wuu kula fogaadaa, caano aan fiiqsi loo dhamina feedhahay wax yeelaan. 341. Hadal badani haan ma buuxsho. 342. Hadal hadal kama dheera. 345. Hadal iyo hilbaba kala qalan. 347. Hadal lama wadaagee caanaa la wadaagaa. 348. Hadal nin badiyeyna ma dhamayn nin yareeyeyna waxba kama tegin. 349. Hadal nin badiyeyna ma wada odhan, nin yarreeyeyna kama wad tegin. 350. Hadal nin si u yiri, ninna si u qaaday 351. Hadal tuurtuur kuma sama. 352. Hadal waa dheh iyo dhagayso. 353. Hadal waa la kala odhan og yahay illaahayna waa la kala bariyi og yahay. 354. Hadal waa margi. 355. Hadal waa mergi hadba meel u jiidma 356. Hadal waayeel waa guudmar.. 357. Hadal yar iyo hawl badan. 358. Hadalaw nin si kuu yidhi hawraarayna ninba si kuu qaaday. 359. Hadalka kiisa kulul iyo kiisa qaboobi meel buu isugu tagaa. 360. Hadalka wanaagsani waa sadaqo 361. Hadalku intuu uurkaaga ku jiro ayuu amaanadaa yahay. 362. Hadalku intuu uurkaaga ku jiro ayuu ammaano yahay. 363. Hadalna sii dhehbaa diley hanbana sii hudhbaa dishay. 364. Haday fooli timaado gudo qarsiimo reeban. 365. Hadba sidii loo jabaa loo dhitiyaa. 366. Haddaad been sheegayso been run u eeg sheeg. 367. Haddaad hungurooto waa la hadlaa oo habaa la dhisaa wax laug helo. 369. Haddaad tagto meel lagu il laayahay ishaa layska ridaa. 370. Haddaan sacabka xeeli ku jiran, maxaa habeenkii loo tumaa. 371. Hadday curaddii durdurisay aaran maxaad moodday. 372. Hadday degdegsiiyo door dhalaan, kaadsiiyana kiish lacageey dhalaan 373. Hadday tubaako, faa'iido leedahay Habargidir baa liqi lahayd. 374. Haddii aan la kala roonaan roob ma dao 375. Haddii uu deg degsiinyo door dhalo raagsiin yuhuna kiish lacaguu dhalaa. 376. Haddii lagu sheego waa lays sheelaa, haddii lagu sheelana waa lays sheegaa. 377. Hadii aad dhimanayso dhareerkaa layska duwaa. 378. Hal diidaysaa geed ay ku xoqato ma weydo 379. Hal libaax arkaysaa ma godlato. 380. Hal libaax arkaysaa ma godlato. 381. Hal maqaarka diidaysaa daldalool bay ka eegtaa. 382. Haliba wiilkay korisaa, wedkeeda leh. 383. Halmaan hadal kuma jiro. 384. Hamba soor ma eh 385. Hangaraarac lug uma dhutiyo. 386. Harag sagaaro iiga kac ma ahee iiga durug ma leh. 388. Hasha naasa adag iyo weedha (hadalka) maxaa kulmiyey 389. Hashu ragaadka, maysku eryeysaa, mise wayska bixinaysaa. 391. Hawli jid caddeysay. 392. Hawo iyo hoos galbeed labadaba lama gaadho. 393. Heeraa wan ma eh?? 394. Heesta geelu waa kala horreysaa. 395. Hilib beer laga dooray waa weyd. 396. Hilib hal dukhsi ayaa qudhmiya 397. Hillaac biyihiisuu muujiyaa. 398. Hoonbaro libaax bay soo wadaa. 399. Hooyadii ka guure habar yartii kuma negaado. 400. Hubkaaga iyo hayinkaaga, midna laguma hodmo. 401. Hubsiimo hal baa la siistaa. 402. Hunguri wax ka weyn la mariyaa wuu dillaacaa 403. Hunguri weyni kuunto weyni baa laga qaadaa 404. Hunnu hunnu hadal maaha, himbiriirsi arag ma aha 405. Hurdo cagahay ka bilaabataa. 406. Hurdo habar ma koriso.

Xarafka "I"

407. ibtilaysan ayaa belaayo tilmaanta. 408. Il ibtilaysan ayaa balaayo tilmaanta 409. Illeyn doqoni qiiq kama kacdee daamankey meer meerisaa. 410. In habari gasho, hali ma qaado. 411. inantay hooyadeed hadhuudhka tuntaa iyana haadintay barataa. 412. Inantii hooyadeed hadhuudhka tuntaa, iyana hufkiyo haadiskay barataa. 413. indho is jecel isma eegi karaan. 414. inneen daaman nool ma daalaan, oo dad baan nahay kaama daayaan. 415. inta aanad falin ka fiirso. 416. Inta gaari la doon-doonayo, ayaa goombaar wiilkeedu ciidamiyaa. 417. Inta Jiillaal loo adkaysto, jir looma adkeysto 418. Intaadan falin ka fiirso 419. Intii orod jirey, kuftinna way jirtey. 420. irrid af ma daboole ee ood baa daboosha. 422. ishaadaa kuu macalin ah. 423. ishaadu waa kula da' dhegtaaduna way kaa da'wayn tahay. 424. Ishaaduna waa kula fil, dhegtaaduna way kaa weyntahay 425. Ishiisa laga gartaa, Ushiisa lagu tumaa. 426. Isla weyn, dooro weyn. 427. isma hubsato aroorkeeda ka mashxaradaa la yidhaahdaa. 428. Isma'og aqalkiibay aslaysaa. 429. Isu qabe aan loo qabin.

Xarafka "J"

430. jacayl biri ma gawso. 431. Jacayl Biri ma goyso Biyana kaama maydhaan" 432. jidh qalaad waa dhul qalaad. 433. jiid aan ku jiidee waa gacmo daalis. 434. Jinni, Ninkii keenaa bixiya

Xarafka "K"

435. Kaadi badane waa loo gogol badiyaa 438. Kab xume ma hadho ee kab laawaa hadha. 439. Kaftan iyo kaadi baa laysku cadaaba. 441. karis xun iyana ku wax la 442. Kelyo nimaan lahayn bay kaadiyi dishaa. 443. Kibir waa lagu kufaa 444. kibir wuxu kaa saaraa hadhka meelse kuma geeyo. 445. kibiraw kab iga xoor faanawna far iga jabi. 446. Kitaab gurigiisii loo diiday, sayax Illaah baa baday. 447. Kitaab meelaan lagu fasirayn laguma furfuro. 448. kolka waylaha la helo ayaa loodana la maalaa 449. kuftin jillib iyo habaar waalid midina sahal kuma hadho


Xarafka "L"

451. La jiifiyaana bannaan, La joojiyaana bannaan. 452. laabtu low ma aha hadba la laalaabi karo 454. Laba layskuma daro: bidaar iyo timo, baryo iyo ad-adayg. 455. Laba qaawan isma qaaddo 456. laba tallaabo dhexdood baa talo ka dhalataa. laba u la. 457. Labaatan jir intuu geed ka booduu talo ka boodaa. 458. labadii qaydhin ku qaybsatay bisayl iskuma cawrido. 459. labadii xaqdaro ku heshiisa xaqay ku diriraan. 460. labo bukta ma is baaniyaan. 461. labo qaawani isma qaado. 462. lacagina lacag bay dhashaa injirina qindhicil. 463. Laf jabtay sideedii ma noqoto. 464. lafo geel iyagaa laysku jebshaa. 465. lama gano falaadh kugu soo noqon doonta. 466. lama huraan waa caws jiilaal. 468. lax gawracan maqaarsiib kuma xanuunsato 469. Laxi shilalkay is dhigtaa lagu qalaa. 470. Layligu kasha biyihiisa ku jiruu ka didaa. 471. libaax aan dhiig dhadhaminini habeen ma ciyo 472. Libaax deeqi ka gurxamisay 473. Libaax intay bulbushu ku taal, bahal ma cuno. 474. Libaax lab god lagama kiciyo. 476. libaax nin aan aqoon baa lax ka rida. 477. libaax nin ganay iyo nin galadayba og. 478. Lixdan jir laguma helo qiimigaad laba jirkaa wayday. 479. Loogow laguu minan fadhiyee. 481. lugtii jeeniga dhaaftaa way jabtaa. 482. luqun dheeraatay madax ma dhaafto. 483. luuq luuq maraw laasim laamiguu iman. Xarafka "M"

Musqul nin galay muraad buu leeyahay. Muruqa laba suulle ninba si ku ah. Muraadka magaalo kaa gala muraayad baa kaa xigta. Mukulaal minankeedii joogtaa miciya aar bay leedahay. Mugdi, arlaada geed ii goduh. Mudduci markhaati leh ayaan maankay ka waayey. Misbax minankaga u mugdi ah, minan dadow ma loogu nureyo? Midho gunti ku jira midho geed saaran looma daadsho. Midho daray duuduubkaa lagu liqaa. Mididii qooqdaa dib bay u qaddaa. Min haddaad gasho meelo daydaye lama noqdo. Milil hoostii lama dhayo, haddii la dhayana qudhun baa looga dhacaa. Miidaamo dhega maleh hadduu malag dhawaaqaayo. Madiidaan la'aan waa la midgoobaa. Midho geed saaran, kuwo guntiga ku jira looma qubo. Meeshaad ku qoydid baa laysku qallajiyaa. Meelaad madaxeeda tahay, mijo lagama noqdo. Meel hoo u baahan hadal wax kama taro. Meel hal lagu qalay mana hadal yara mana hilib yara. Maaweelo ma bogsiiso meel ku bugta . Meeshay caruurtiyo dumarku kugu bartaan waa laga guuraa. Meel Aar ka kacay buu Atoor fadh-fadhiistaa. Meel aanad seexan doonin laguma luloodo. Maxay ka nuugtaa ama ku nuugtaa, dibno iyo naaso midna maleh. Matag meel kuguma simo Maska madaxaa laga dilaa. Masiibadu adduunyada iyadaa u macallin ah. Mas iyo digaag daris ma noqon karaan. Mas abur buu dhalaa, aburkuna mas buu dhalaa. Martidu marka hore reerkaa ka naxa marka dambana iyadaa kala naxda. Martidu iyadaa kala naxda. Marti nin ka yar iyo muddo maalin ka yar midna lama arag. Marti loo qalay in lala qabay mooddaa. Marti iyo maydba waa la muquunshaa. Maroodi takarta saaran ma arkee, ta kale saaran buu arkaa. Markuu kuu soo socdona warbuu kuu soo sidaa, markuu kaa sii socdana war buu kaa sii sidaa Marba sidaad u jabtaa loo dhutiyaa. Mar i dage alla ha dago, mar labaadse anays dagay. Manjo dhooqo leh, marba mid baa la siibaa. Manjo dhooqo leh, kuwo dhaqanaa ka roon. Manfac haddii lagu siiyo, murdiye lama noqdo. Mala-duul wuu guulaystaa xin u duulse wuu guul darraystaa. Magaalo qayrkaana u cay adiguna ha deynin. Madax muuqda iyo mindi saawira midna lagama samro. Madax meel ka sarraysa oo la taabtaa ma jirto. Madax aanad lahayn miyirkiisa laysma saaro. Macal cune muuqan doonee. Maba lulatee maxay leeftaa. Maantana far baan maydhayaaye hay fadhiyo geelo. Maalintii oday oday baa loo shiraa, habeenkiina habar habar. Maalintii intay ishaadu gaadhaa la hadlaa, habeenkiina inta gacantaadu gaadho. Ma xasuuste isma xabaalo. Ma waxaad yeeshaa, wax naftaada u fiican oo wiilkaaga u xun, mise wax naftaada u xun oo wiilkaaga u fiican. Ma taagtaa baad guurtaa, mise taako-taako. Ma sugto, Meher ma leh. Ma nimaan wax aqoon baad wax la qaybsataa, mise baddaasaad dhurtaa. Ma ciil sokeeyaa ku haya, mise ciddi hoosteedaa lagaa hayaa


Xarafka "N"

547. Naag kun baa koodisa ,kow baana guursada 553. Naag, naag ka umulisay iyo nin reer u weyni, midna siday wax u ogyihiin uma sheegaan. 554. Naagaha iyo carruurtaba sasabaa lagu wadaa 555. Naagi kun nin way la sheekaysataa kawna way ka guursataa. 556. Naagi naag lala qabo waa u col 557. Naagi nimay legdaan, kama kacaan. 558. Naagi ninkay legedo kama kacdo 559. Naago abaal ha u gelin amaahse ha u diidin 560. Naago badhaadhahooday ka sheekeeyaan, ragna ba'ooda 561. Naago been baa lagu soo xero geliyaa runna waa lagu dhaqaa 562. Naago iyo riyaba diifta ayey isku eryoodaan 563. Naago jileec iyo naxariis midna wax kuma laha 564. Naago nimaan maddaxooda maja u rogin nin ma moodaan 566. Naago nin ay yaqaaniin col ma moodaan 567. Naago waa belo loo baahan yahay. 568. Naago waa u samir ama ka simir. 569. Naago wax laga bixiyey laguma dhaqo oo wax loo hayaa lagu dhaqaa 570. Naago yaryarasi ma le 571. Naagtii caana xun dhigataa iyana ku murud la' 572. Naaguhu hoosiis bay hadh moodaan 574. Naar hooba galaaso bartaa ey la aragneey, tiimbooy (Naar si fiican baa loo galaa, hadii kale banaankaa laga joogaa) 576. Nabad la'aani waa nolol la'aan. 579. Nafeey, nin ku doona ku waa. 580. Nafsi raaga rag iyo geel baa iska leh. 581. Nafsigu ma hadho. 582. Naftu orod bay kugu aamintaa. 583. Naftu waxay ogtahay ilaashataa. 584. Naxariis eebbe lagama quusto 586. Nimaad dhashay kuma dhalin. 587. Nimaad fadhiga kaga adag tahay looma saro kaco. 589. Nimaad kabahiisa tolayso, kafantaada tolaaya. 590. Nimaad kabo ka tolanayso kabihiisaa la eegaa. 591. Nimaan balan lahayni waa nin aan diin lahayn. 592. Nimaan dhididin ma dhergo 594. Nimaan dhul marin dhaayo malaha. 595. Nimaan hadlin habartiina wax ma siiso. 596. Nimaan hubsiimo lahayni war gal maaha(C) 597. Nimaan kuu furu doonin yuusan kuu rarin. 598. Nimaan naxariisan looma naxariisto. 599. Nimaan qaybin jirin haduu qaybiyo nimaan qadi jirin baa qada. 600. Nimaan qooq dilin maroodi ma dilo. 601. Nimaan shantaasi kaa dabaalin sharci kaama dabaalo. 602. Nimaan shaqaysan shaah waa ka xaaraan. 603. Nimaan shaqaysan shaxaad baa dila 604. Nimaan waxa jooga garanin waxa soo socdana ma garto. 606. Nimay meeli buktaa isagay balbashaa 607. Nin aad kabtiisa tolaysaa, kadabkaaga jaraya 608. Nin aan baqani ma bad baado. 609. Nin aan dhididin ma dhargo. 610. Nin aan dulqaadasho lahayni waa geel aan horwayn lahayn. 611. Nin aan hadlin habartiisba qadisay 612. Nin aan kuu furayni yuu kuu rarin 613. Nin aan maahmaahin cod kar maaha(C) 615. Nin aan wax garad ahayn haanta gadaankeedaa wax loo saaraa nin wax garad ahna daaqsin geel. 616. Nin aanad maalin ku baranin sanad kuma baratid. 617. Nin abaal gala wax badan baa la arkaa ninse guda wax yar baa la arkaa. 618. Nin ani yidhi dad iska saar.(sooc) 620. Nin buka boqol u tali. 621. Nin casarkii isa sheegay, cishihii ceebi ma qabato. 623. Nin daad qaaday xunbo cuskey 624. Nin dameero dabadood ka degay meel uga tooban buu waayey. 625. Nin dameero rartaa dad la toy ma aha. 626. Nin dhintay kabihiisaa dhaama. 628. Nin durbaan tuntay ilaaq dalbay. 629. Nin duulay dantii kaa og 630. Nin faash wataa xaabo ma waayo. 631. Nin fadhiya, looma saro joogsado. 632. Nin faruurani ma fooryo. 633. Nin gu kaa wayn garaad kaa wayn. 634. Nin hadduu isukaa waalo waa laysla waalaa. 635. Nin ilko waa wayn haduu dhintona inuu qoslayaa la moodaa. . 637. Nin is faanshay waa ri is nuugtay. 639. Nin iyo naag is qaba colna ma aha nabadna ma aha. 640. Nin iyo qabkiis. 641. Nin jiifa lama legdo. 644. Nin kaa wayna waxba looma sheego.nin dheerna waxba looma tilmaamo. 645. Nin kaligii tashaday waa nin orgi rartay. 646. Nin keligii garramay, iyo nin dhul gannay midna ma gefo. 647. Nin ku arkaaya looma saro kaco. 648. Nin ku necebi xantaa og, nin ku jeclina xogtaa og. 650. Nin kuu digay kuma dilin. 651. Nin la dhacay ama caytan ama habaartan. 652. Nin la sugayoow adna yaad sugin 653. Nin lagu seexdaw ha seexan. 654. Nin maalin ma gaadhid, nina sanad ma gaadhid, nina weligaaba ma gaadhid. nin maalin ma gaadhid oo waa ninka kaa faraska dheereeya, nin sanad ma gaadhid oo waa ninka xoolihiisu sanadkaa meel caws badan daaqiyey, nin weligaa ma gaadhid oo waa ninka kaa gabadha/naagta wanaagsan. 656. Nin mar waashay waalida loogama sheekeeyo. 657. Nin nin kaaa xigo iyo hawl nin kaa xigo midna laguma deg dego. 658. nin ood sida iyo nin adhi la joogaa arin ma kala laastaan. 659. Nin ooman biyaha hoo baa deeqa. 661. Nin qoyani, biyo iskama dhowro. 662. Nin qurux badan naagtaada uga yaab nin fool xuna naftaada uga yaab. 663. Nin rag ah looma duur xulo. 664. Nin reer ugu wayn iyo naag naag ka umulisay midna siday wax u arkaan uma sheegaan. 666. Nin sigtay ma nabad gelin 668. Nin soo fadhiiso laga waayo soo seexaa laga helaa. 669. Nin soori kaa qaaday waa nin seefi kaa qaaday. 671. Nin tuur lihi sida uu u seexdo isagaa kaa yaqaan. 673. Nin waalan tolkii baa u miyir qaba. 675. Nin walba intay taagtii tahay baa qoraxdu ugu tagtaa. 676. Nin walba meeshii buktaa belbesha. 677. Nin waliba waxa uu yahay ayuu ku moodaa. 678. Nin war kuu keenay war kaa qaad. 679. Nin wax dhaqay dhurwaana wax u dhaq. 680. Nin wax yaqaan daaqsin geel baa wax loo mariyaa, ninaan wax aqoonna qaanso qurqurkeed. 681. Nin wayn tag lama yidhaahdee wuxuu ku tagaa la tusaa. 683. Nin wayni waa qorax casar joogta. 684. Nin wayni wadkiisa waa yaqaan. 687. Nin xil qaaday eed qaad. 689. Nin xoola ku siiya in badan baad aragtaa ninse talo ku siiya wax yar baad aragtaa. 691. Nina dabeecadiisa lama doorin karo. 692. Ninaan hadlin, hooyadiis qadisay. 693. Ninba curadkiisa ceel gee. 694. Ninba gurigii gaado ku leh 695. Ninba kaskiisuu kor tagaa. 696. Ninka aan hadalka suginin warrankana ma sugo. 697. Ninka aragiisu ku deeqo ayaa oontiisuna ku deeqdaa. 698. Ninkaad adhi weydiisanayso, geel weydii. 699. Ninkii belaayadaada raba, bawdkaagu qori ka jabsadaa. 700. Ninkii dhagar qaba dhulkaa u dhaqdhaqaaqa. 701. Ninkii dhimanayaa dheg baa dheer 702. Ninkii geed fuulay asigi lee kasoo degi 703. Ninkii seexdaa sicii dibi dhalay. 704. Ninkii talin jiray hadduu tago, midaan talin jirin baa yimaada. 705. Ninkii tiisa daryeelaa tu kale ku dara. 708. Ninkii uurka dabana Illaah baa arka, ninkii isha dabana Aadmibaa arka. 709. Ninna caadidii ma daayo, bahalna ceedhin ma daayo. 710. Nin meeli u cadahay meeli ka madaw. 711. Nin caadadii ka maydh iyo dundumo ciid ka maydh labadaba waa lagu daalaa.

Xarafka "O"

711. ood is qabsatay maroodina way qarisaa. 712. Ood kaa dheeri kuma dhaxan tirto. 713. Ood qaadis iyo jiidis waa isla guri geyn 714. Oodi siday u kala sarreeysaa loo kala guraa


Xarafka "Q"


716. Qaadis iyo jiidis waa isla guryo geyn. 717. Qalbigu laba ruux ma wada qaado. 718. Qawl nin wayn ka dhacay waa qolof geed ka dhacday. 719. Qaybshe qad ama qaaday. 721. Qof aan waxa soo socda garan waxa joogana ma garto 722. Qof caashaq hayaa wax ka calaancal badan(C) 723. Qof nool oo ku hortaagan lagama quusto. 724. Qof walba qumanihiisaa qoorta ugu jira. 725. Qof waliba wuxuu dhigtuu dheeftaa. 726. Qof waliba intuu cunuu ciidamiyaa 727. Qofkii aragiisu ku deeqaa oontiisuna ku deeqdaa. 728. Qoryo qadistooda isku duwis baa horreysa 729. Qosol badani qoonsimaad noqoy. 730. Qosol hiil leh. 731. Qosol qoonsimaad noqay. 732. Qufac iyo uur midna ma qarsoomo. 733. Qunyar socde qodaxi ma mudo. 734. Quruxi waa ishaada, qiimana waa ayaankaaga. 735. Quud aan jirin qoryo u guro. Xarafka "R" 736. Rag saddex ku oggow: Gacan gudhan, gar weecsan, iyo guddoon jilicsan. 737. Raad arrooryo dib looma raaco. 738. Rag gar baa kala saarta dumarna jaan(c) 739. Rag hunguri buu isku raacaa. 740. Rag jidiin baa walaaleeya. 741. Rag la'aan waxba kuma yeeshee Rag xumaa ku disha. 742. Rag qawl baa xidha dumarna meher. 744. Rag waa arin keen iyo aqbalkeen. 745. Rag waa raggii hore hadalna waa intuu yidhi 747. Rag waa shaah dumarna waa sheeko. 749. Rag walaalow wuxuu ku dhaamo la waa. 750. Rag waxa ugu faan badan mar dhoof iyo mar duul. 751. Rag waxa ugu liita ciil kama baxe iyo calooshiisa la ciyaare. 752. Rag waxa ugu liita looma maahmaahe, looma sheekeeye, looma soo gale.(c) 753. Rag waxa ugu liita, ma hadle ma heenseeye, ma haasawhe(C) 754. Rag wuxuu kugu bartuu kugu dilaa. 755. Ragi sadex bay ku kala baxaan , wax tegay ka hadhidii, wax jooga ka hadalkii, wax soo socda ka haloosigii. 756. Ragu sadex waa iskaga mid. Magaca, magta iyo maganta. 759. Reer ba'ow yaa ku leh! 760. Reer guura raac iyo carruurba loo kala sheekeeyaa, is mase arkaan. 761. Reer, naagbaa kaa raacda. 762. Reerka meelan loo hubsan looma haatiyo. 763. Ri waalan ridaada laguma xidhto 764. Riyuhu lugtooday shalan ku doontaan. 765. Roob magaalo ku hooray ramaas soo bixin maayee laamiguu ku raftaan. 766. Run iyo ilkaba waa la cadeeyaa. 767. Runi rag kama nixiso 769. Ruuxba dhiishuu ruxduu caanaheeda dhamaa. Xarafka "S" 771. Saddex baa la yidhi: Lixdan jir lexojeclo ha la wadaagin; afartan jir ha la garramin; labaatan jirna ha la legdemin. 772. Saddex baa rag u liita; Ma toshe, ma tashade iyo ma tashiishe 773. Saddex Ilaah waa karaa, mase suurowdo: Ilaahow guursan maayee wiil i sii; Ilaahow shaqaysan maayee xoolo i sii; iyo Ilaahow ku caabudi maayee jannada i gee. 774. Saddex lama arag: Marti nin ka yar, muddo maalin ka yar, salaad ragcad ka yar, 775. Saddex lama raaco: Ma horreeye, ma hambeeye, iyo ma haasawshe.(C) 776. Saddex labaa uku xun loomana adkeysto: Gaajo guri og, gardarro garab og, 777. Saddex markaan bartaan ka gaboobay: Dab ollolintiis, carruur aamusinteed, iyo awr carraabintiis. 778. Saddex wer-werkay kugu kordhiyaan: Faraska xun, naagta xun, iyo hoyga xun; haddana saddexdaas baa kaa bi'iye. 780. Saddex col baa jira, col cad , col cas, col madaw, colka cad waa biyaha,colka casna waa dabka ,colka madawna waa dadka. 781. Saddex la lama dego, doqon fiiro taqaan,fulay daandaansi yaqaan iyo geesi damac yaqaan. 782. saddexna la lama saaxiibo, nin aan rabi aqoon, nin aan rag aqoon iyo nin aan run aqoon. 783. Safar waa si wada yeel. 784. Sagaaro intay tub joogto bay tub kale dayataa 785. Sagaaro inteeda waa ku duq. 786. Sagaaro laba cad oo la kal qaado ma leh 787. Sagaaro, mindhaa ima barato. 788. Sahaydaa waa hor, socodkaana waa dib. 789. Sakaaro laba tun oo laka qalo ma leh. 790. Salaadba waqtigeedaa la tukadaa 791. Samraa, sammo hela. 792. Sankaagoo qudhma lama gooyo. 793. Seedi waa beer 794. Shan nin oo shidho qayb leh, hal shanshaa ka baxda, shan ninnaan shidho qayb lahayna, shan shanshaa ka baxda. 795. Shan shidda ma macaysaa. 796. Shinbiri maalibay dab qaaday buulkeedii baanay ku gubtay. 798. Shinbir duul duul badani af libaax bay gashaa. 799. Shinbirba shinbirkiisuu la duulaa. 800. Shinbiri laba geed ma wada gurato. 801. Shir looma wada uunsiyo 802. Shir naagood oo shan dhaafay waa shar 803. Shisheeye sheela duxa ma leh. 804. Shubaali waa biyo la bax. 806. Sidee xeego lagu xagtaa ilkana u nabad galaan 807. Sir ma qabe allaw sahana. 808. Sir naageed lama sal gaadho. 810. Si xun wax u sheege saaxir ka daran. 811. Sodcaal maa moodhar, sahayna waa lacag, saaxiibna waa kaba cad. 812. Soo bax baa la leeyahay sacabka leefaysaa. 813. Soo joogso laga waayaa, soo jiifso laga helaa. 814. Soomaalidu been way sheegtaa beense ma maahmaahdo. 815. Soomaalidu waxay casarkii kugu aragtay cishihii kugu caydaa. 816. Soomalidu waa indho ku garaadle. 817. Soor quudheed lama cuno xoolo quudheedse waa la qaataa. 818. Soori waa in xil lagaga tago iyo in xarrago lagaga tago Xarafka "T" 1. Tabcadaa ma tuugoobo. 2. Talo adigaa ku nool ee iyadu kuguma noola 3. Talo laba adin dhexdood bay ka dhalataa 4. Tol la'aani waa tows. 5. Tol yarraaday, tafo naagood baa laga dayaa. 6. Toladu waa mar aad gaadhi waydo iyo mar aad garan waydo 7. Tolkaa maw talisay, mase tuugtay. 8. Tolkaaga iyo xaaskaaga midna looma xoog weynaado. 9. Tuhun waa sed. 10. Tuug la qabtay talo ma laha. 11. Tuug tuug ma xado. Xarafka "U" 830. Ul jiiftaa ma jabto. 831. Umili ilawshiinyo dhaw. 832. usha intay qoyan tahay ayaa la toosiyaa. 833. ushaada nin aad ka qaadi kartaa loo dhiibtaa. 834. Uur mudane iyo uur Berde, midna lama baadho. Xarafka "W" 835. Waa baahan tahay bakhtiga looma cuno 836. waa lagu shareeraa waxay sheegtaba ha waydee. 838. waalida ninkii soo baraa laga waraystaa. 840. waan xoolo yarahayna deeq lagagama hadho waan dad yarahayna dagaal lagagama hadho. 841. waano dhalan baa ka adag.(ka roon) 843. Waari mayside war hakaa hadho. 844. Waayeel ha soocine, wax aqoonta sooca. 845. waayeel hadalkiisa kaftan buu ku dhamaystaa. 846. waayeel hortiisaa caano loogu badhxaa. 848. Wadaad waa nin 849. Wadaanta isha ka xumaataa, faylkay la tagtaa. 850. Wadaantii geeleeda kaafida, baa mid kalena kaalmeysa. 851. Wadar iyo waaxid yaa waalan 852. wadiiqada yari wadada wayn bay kugu ridaa. 853. Wadiiqada yari waddiqada weyn bay kugu riddaa 854. wakhti kaa lumay muruguu reebaa. 855. wakhti kaa tegay tiigsimaad maleh. 856. Walaalkaa dhuux tagoogaa loogu soo subkadaa (dhaashadaa). 857. walaalkaa markhaatiga ku fur magtana la bixi. 858. walaalo is necebi way xoola yareeyaan wayna xabaalo badiyaan. 859. walaashaa iskuma hubtida seedigaa haysi seegina. 861. wan wayn jeeroo la gawraco indhihiisu cirka ma arkaan. 863. war jiraaba cakaaruu iman. 866. war la'aani waa dhego laaan. 867. war xumi dugsi ma fadhiisto. 868. waraabaa yidhi ulna layla gaadhi waa cayna wax igama tarto 869. Waraabe daalay, dirirtiisaa loo tagaa. 870. waraabe dhankii loo eryaaba waw toos. 871. Waraabe ulla lala gaadhi waa, orodna wax lagaga dhibi waa. 872. waranka ninka kugu dhufta iyo ninka kugu dhaqdhaqaajia ninka kugu dhaqdhaqaajiya ayaa xun. 875. Wax aad baratay waa baaskaa . 877. wax is waydiintu ma xumee wax is waydaarsigaa xun. 878. Wax la dhalay iyo dhul baa loo marti yahay. 879. Wax la qarashaa ama qudhme ama qubte 880. wax raagaa rag kuma sama. 881. Wax rag kaa galay rako kaa gale. 882. wixii ay idho arkaan ayey ilko gooyaan 883. wax walba run moodaa rag ugu liita. 884. waxa jira sadex abaar, abaar geel ,abaar dumar iyo abaar rag. Abaar geel waa ilko laaan, abaar dumar waa ubad laaan, abaar ragna waa arin laaan. 887. Waxaan calaf ahayna lama cuno. 888. Waxaan kashaada gelin, korkaaga yay dhaamin. 889. Waxaanad filanany iyo fallaari waa kaa fajiciyaan 890. waxaanad heli karayn waxaanad u baahnayn baa laga dhigaa. 891. waxay ili aragto ayaa ilko gooyaan 893. weel waliba wixii ku jiruu dhididaa 894. weylasha biree dibigu ha ku quustee 895. Wiil intuu ood ka booduu talo ka boodaa 896. wiilkii is waalaba wiil waabiyaa hela. 897. wixii faq lagu sheego fagaaray tagaan. Xarafka "X" 898. xaasidaw xoogga beel. 899. Xabaallo waalid baa xoolo lagala baxaa. 901. xadhko geel ma wada xidhaan. 902. Xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan 905. Xarrago dumar xanuun ma leh 906. Xiiso iyo xoorba way gudhaan. 907. Xog mooge xaajo waa dilaa. 908. Xoolo lama cunee dadkoodaa la cunaa. 909. Xoolo quudheed waa la qaataa, soor quudheedse lama qaato. 910. Xoorkii laga dhamay xagaagii iyo xusuus baa geel lagu xer geeyaa 911. Xornimo adaa ku noole,iyadu kuguma noola MAHAD CELIN Waxaan umahad celinaa marka 1aad ilaah waxaan u mahad celinaa sidoo kale dadkasto oo iku dhiiri galisay in aan qoro buugan mahadsanidiin. Waxaan sidoo kale umahad celinaa dadkasto oo jecel in ay ila wadaagaan fikradooda mahadsanidiin. TIXRAAC GOOGLE MAREEGTA WIKIPEDIA Lasoo xiriir wixii information=0060172905502 Ama facebook=facebook/akram abdi omar (page) Ama email=abdala100@hotmail.com