User:Mr gabyaaye

Ka Wikipedia

WAA GABAYGII 1AAD OO LAGUNA IBA FURAY SILSILADA DEBED JOOG IYO DEGEL JOOG Iyo abwaan farxaan maxamed bowkax

TAARIIKH 25/8/2014 Tixdii DUUR-XUL GABAY +.Indhawaydba Deelayda Gabay,Daabac Malahayne +.Waa Taan Mudaba Daayayoo,Dararyay Maankiiye +.Hadeeraan Ka Soo Duugayaa,Duur Xulkii Gabaye +.Waa Midaan Inbadan Dedayayoo,Haatan Daalacaye +.Danba Uma Lahayn Sil-Silad,Doorkan Aan Furo'e +.Dalbashiyo Doonistii Shacabkaan,Qaatay Doobiga'e +.Dadku Laba Waday Raacayaan,Dunida Joogaaye +.Dalka Nimanka Joogee Hadana,Seegay Danahooda +.Iyo Qurba Joog Dadaal Badan,Muujay Dacalkooda +.Waxaan Gabayga Deelka Laftiyo Dawga Ula Raacay +.Duulaan Anaan Uga Jeedin Dagaal,Diradirayn Toona +.Doodaydu Waa Laba Midaan,Soo Dul-marayaaye +.Suugaanta Deel-Qaaf IYo Anoo Dalab Ka Dhawraaya +.Dejinayana Xarfaha Meelahaan ,Dhab Ula Doonaayo +.Diiwaanka Geliyaay Tixdani Waa Mid Duluc Wayne +.Afartaa Daluun IYo Hog IYo Dabin Nin Moogow Dhe +.Onkod Diririg Loo Xoogan Iyo Danab Sidii Sii Dheh +.Dulka Xaadis Xaajo Weeyee,Dayasho Waayeel Dhe +.Afarkalena Aan Soo Dinaahiyo,Diirka Ka Cadeeyo +.Darkaan Geeyay Ban Murtida,Soo Dul-Tubayaaye +.Dawliska Hadaan U Laalaadiyoo,Idina Deeqsiiyo +.Dubaaqiina Geliyoo Hubsada Waa Dux Kii Garane +.Qur-ba Joog Daacad Inay Yihiin,Dad Isku Taageerye +.Daadshe Dhididkoo Wax Qabad Doone Fara Wayne +.Dar-Dar Galiye Masaakiinta Oo Doolar Soo Qube'e+ +.U Damqade Daciifkiyo Mid Kaan Haysan Duunyada'e +.Waa Niman Duqay Iyo Dhalaan,Duco U Miisnaaye +.Waa Niman Dan-Garad Miidhan Iyo Beela Daaja'ahe +.Waa Niman Cilmiga Durugsadoo Gaadhay Dara Jaade +.Afartaa Daluun IYo Hog IYo Dabin Nin Moogow Dhe +.Onkod Diririg Loo Xoogan Iyo Danab Sidii Sii Dheh +.Dulka Xaadis Xaajo Weeyee,Dayasho Waayeel Dhe +.Afarkale Danseegiinta Aan,Dood Yar Ka Idhaahdo +.Hadii Aan Dar-Daaran IYo Canaan Kiin Isugu Duubo +.Nimanyohow Wixii Idiin Danana,Idin Dareensiiyo +.Tolow Dabiib Maw Arkaysaan,Digasho Waa Ceebe +.Dalka Waydin Joogtan,Hadana Maba Daryeeshaane +.Dayac Baa Ka Muuqdoo Xagiina,Waa Ka Soo Dumaye +.Waa Niman Siduu Daaci yidhi,Daadshay Waanada'e +.Waa Niman Dawladuun Sugaan,Doonid Ka Xishoone +.Afartaa Daluun IYo Hog Iyo Dabin Nin Moogow Dhe +.Oknod Diririg Loo Xoogan Iyo Danab Sidii Sii Dhe +.Dulka Xaadis Xaajo Weeyee,Dayasho Waayeel Dhe +.Afar-kalena Waa Inaan Dabraa,Deel ku Ila Foofye +.Maansada Daleeyoo Sharaxay,Dul Iyo Hoosteede +.Dur-Duro Orod Meel Salaxanaa Lagu Dakaamaaye +.Damiirkaaga Garashada Adoo,Gabay Ku Duugaaya +.Digtooni Xeel-Dheera Ku Ladha Dayasho Waa Ceebe +.Imin-kaba War Kaad Doojisana,Meel U Dayanaaya +.Dubahaaga Meeshaad Rab-tana Kaga Digsiinaaya +.Laba Dariiq Kaaga Dhigaye,Doorashiyo Taada CUriye Bawkax Hal-abuur Farhan Ibraa WAA GABAYGII 2 AAD SILSILADA DEBED JOOG IYO DEGEL JOOG TAARIIKH 26/8/2014 (Difaac dalka hooyo) Curinta lucky aadan yuusuf cooraaf

1)Bawkaxoow dabuub gabay beryahan daaddi ma lahyne 2)waaan daayay suugaan dunteed wanan soo xidhaye 3)ha yeeshee dareen an nacaad igu daguugtaaye 4)gabaygaagan baa dacarta iyo duubka ii xidhaye. 5)waan damqaday markuu debed nin jira diiday degelkiiye 6)inkasoonan suugaan dirkeed weli ka daw gaadhin 7) bal aan didiyo dirin laaban baad soo bad dhigaysaaye 8) nin dalkiisi diidooo dal kale wegere daashooda 9) oo aan damiir iyo lahyn dhiig u damaqaaye 10)oo duub cadii gaal ahaa dibin qaniin siiyay 11) oo goor kasba dalalag iyo daw xun ku bar baar 12)oo aan dalkii hooydii samo u doonayinin 13)iga daa wall kaasi waa duunydoo kale e. 14)Geesiga dalkiisa u dhintee dacarta leefayaa 15) damiir badanahaa duunyo badan bananka daaqsiiya 16)askarigaa digtii qori sudhee cadawga diidaaaya 17)iyo ganacsadaha dekedaha ganacsi soo daaya 18)iyo madaxda maamula dalkee samo ku daylaysha 19)iyo ubaxa diintiyo yaqaan maadi danaheeda 20)ha dafirin dadkaasan anigu derejo siiyaaye 21)ha dulayn dadkaasan anigu. daw u leeyahye 22)adna hays dalicin debedu waa duni dad haystaaye 23)intaa diinta horu mari lahyd hays dulayn adigu 24)intaad dahabka buuraha xidhee jiifa degelkaaga 25)iyo macdanta daygiigta badi donanlayd goor. un 26)oo aad dalkaagi wanaag doonan layd samaha 27)inad debed ku faantaa farxaan waa dulinimo wayne 28) dadka jooge dunidee farxaan daayin ku abuuray 29)qof waliba dal uu leyuhuu samo ku doontaaye 30) dedaaal buu ku gaadhaa inuu daahirshaa guulee 31)adna intaad dal khyrkaa dhistiyo degel rag doonayso 32) oo aad dangiigtoo wll gaal ku diranaayo 33) samo laguma doonoo sidaas waad ku dumaysaaye 34) darxumada dakiina maqani way na duraysaaye 35)intaad aamusnaan doorbidaan dhawrta dibintoina 36)hana moodin dalacaad intaad debeda joogtaan 37) iga daaya dacrtoo wll hays dulaynina e 38) dalkaaga dedaal kaa rabiyo daaqsin iyo jiife 39)madantaad dangiigtiyo intaad doontan dahabka 40) kaalaya dalkiinaa dadyohow door idiin noqone py lucky aadan yuusuf cooraaf joogta burco


GABAYGII 3AAD SILSILADA DEBED JOOG IYO DEGEL JOOG Magaca: DOOD Ujeedo: Jawaab Celin Gabaygii Abwaan Bawkax Hillaad: Wednesday, 27 August, 2014 Sahanshe: Nageeye Cali Khaliif (Safiirka) Addis Ababa, Ethiopia 1. Dabuub Gabay Baryahan Waan Ka Tagay Deelka Maansada E, 2. Indhawaydba Waataan Dakanayd Da’ Iyo Woowgiiye, 3. Caawana Ma Doonane Waxbaa Daabac Ii Lulaye, 4. Adaa Igu Danqaaraye Ma Rabin In Aan Daliilshaaye, 5. Danseeg Maansadii Aad Tidheed Golaha Deeqsiisay, 6. Dirir Hooray Iyo Bayahayd Mayaygii Dayreede, 7. Allaylehe Abwaan Dereja Loo Deeqsiyaad Tahaye, 8. Hayeeshee Wax Aan Diidayoo Door Ah Baa Jira E, 9. Erayadan Dubaaxda Ah Adaan Kuugu Duurxulaye, 10. Deelqaaf Ma Yaalee Runtaan Kuu Dul Marayaaye, 11. Waa Dood Abwaan Iyo Afgarad Lagu Ducaystaaye, 12. Doc U Yeelo Waa Wada Su’aal Gabaygu Deeqoowe, 13. Ceebaha Qurbaha Daadsanbaan Kuu Dul Marayaaye, 14. Dalkeenii Markii Laga Qaxee Dabadda Loo Dhoofay, 15. Diintiiba Qaarbaa Ka Tagay Daayin Soo Rogaye, 16. Qaarbaa Wixii Loo Diraba Diiday Odhanayne, 17. Dhaqankeeni Qaarbaa Diloo Raacay Duul Kale E, 18. Qaarbaa Dhashoodii Dacayoo Dollar Dhaafsadaye, 19. Kiniisadaha Qaarbaa Dagoo Gaalku Duufsadaye, 20. Hablaheenii Diintiyo Anshaxa Darajo Loo Siiyay, 21. Dal Shisheeye Goortay Tageen Dhaqanki Duugawye, 22. Dirayskii Islaamkiyo Ka Tage Maradii Daahnayde, 23. Daba Gaabka Waa Kuwa Xidhee Dhiishku Daashadaye, 24. Si Uu Fiise Ugu Soo Diray Europe U Daashooto, 25. Dumaal Hooyo Waa Wax Aan La Arag Doorkan Ka Horow E, 26. Walaashii Ninkii Dadab La Galay Ee Aqalka Loo Dayray, 27. Deelqaaf Ma Yaalee Runtaan Kuu Dul Marayaaye, 28. Diintii Islaamkiyo Anshaxa Dabada Weeyaane, 29. Waa Lagu Digtaa Duul Haday Xumaha Doortaane, 30. Ka Soo Durug Qurbuhu Waa Nijaas Doorkan Maanta Ahe, 31. Dalkii Hooyo Nimankii Nacee Dabad U Qaashaartay, 32. Dulinimo Raggaa Qaayibee Samihii Dayreeyey, 33. Doonyaha Kuwii Fuulay Ee Dhimasho Door Mooday, 34. Saxaraha Kuwii Lagu Daldalay Waan Ku Diirsadaye, 35. Maxay Doonayeen Waa Su’aal Doodi Leedahaye? 36. Waxba Gabaygu Yuu Ila Durkine Waxaan Ku Soo Dayray, 37. Inkastoo Dagaal Iyo Colaad Laysu Dacareeyey, 38. Inkastoo Dadkeenii Wacnaa Cadaw Ku Soo Duulay, 39. Bulshadii Dadaashaa Marbay Guul La Daristaaye, 40. Isku Duubni Iyo Wada Jirbaa Lagu Dan Gaadhaaye, 41. Waxba Daawashadu Yay Ku Hodin Saraha Duugaaye, 42. Dabac Caanaheedaa Ka Roon Dollar Iyo Caydhe, 43. Dalkii Hooyo Waa Lama Huraan Doqoni Waa Mooge, Nageeye Cali Khaliif (Safiirka) Addis Ababa, Ethiopia

GABAYGII 4 AAD SILSILADA debed jog iyo degel jog JAWAAB CELINTA GABAYDII Abwaan Nageeye Cali Khaliif Safiirka Abwaanada Cooraaf Lucky Abwaan Jaamac Ciise Farax Magaca :BEEN-KA DIRIR Aminta:30:08:2014 CURINTA: FARXAN BOWKAX

  • .Nigeeyoow Dictoor Maanso Iyo, Daaci Baa Tahaye
  • .Allaylehe Wax Layskuma Daree, Dooji Yaa Tahaye
  • .Marse Deelku Uu Foofayoo, Dunidi Saameeyay
  • .Docdaadaa Itoobiyana, Duhurkan Soo Gaadhay
  • .Ood Dood IYo Su'aaliyo, Dabino Noo Qooshaay
  • .Haku Daysto Waayaba Rabiye, Door Ninaa Thaye
  • .Anoo Kuu Daliishaday Runtoo, Been Ka Diriraaya
  • .Daw Waxaan Nagu Ahayna, Diidnay Odhanaaya
  • .Bal Diiwaanka Aan Furfuro Waxay, Dihato Laabtaydu
  • .Wuxuu Roobku Da'Aya Markii, Daayin Shubayaaye
  • .Markii Dirir Ku Hooruu Dhul kuna, Dooga Bixiyaaye
  • .Wixuu Aqal Darooraa Markaan, Joogin Dumarkiiye
  • .Markuu Adhigu Doog-Sadaad, Darar Ka Maashaaye
  • .Taladuna Nin Doonay Bishaa, Ama Dar-Yeeshaaye
  • . Nimankaan Dan-Seegiinta Idhi, Ee Dad ku Arkaayay
  • .Ka Kaca Derinta Nimankaan Lahaa, Doobir Xumadeeda
  • .Nimankaan Dadaalaay Lahaa, Noloshu Waa Deeqe
  • .Nimankaan Damiirkood Gil-Gilay, Waa Ku Waan Didine
  • .Jaamac Weel Daloolay Biyhu, Dacal Ka Dhaafaane
  • .Difaac Iyo Weerar Baynu Nahay, Dayrta Maanta ahe
  • .Iyadaan Xaqiiqada Laga Didayn, Ama La Daahaynin
  • .Wax U Dana Dadkana Jaalayaal, Loo Dewerinaayo
  • .Waar Bal Deelka Hubiyaay Murtidu, Wa D'a Wayntahaye
  • .Afartaa Dan-seegiin Ku Celi, Inay Dareemaan Bal
  • .Afarkalena Wixii Dah-Soon Baan, Soo Dalacayaa dheh
  • .Masjiid Durug-San Waw Dalxiis-Naa, Dayra Dhaafyada Dhe
  • .Daakiraada Subax IYo Habeen, Waa Dikriyay-Naa Dheh
  • .War Diin Kama Aanan Teginee, Qawl Denbiyaa Kaa Dhe
  • .Dalka Waanu Joognaa Hadaad, Nagula Doodayso
  • .Dayac Baa Ka Muuqdo Ragyohow, Waa Dafiraysaane
  • .Hadba Daab-ka Mindida Kii Haye, Doollar Idin Siiya
  • .Way-su Kala Daadisaan Hadana, Daba Duh-Laysaane
  • .Dal-Kana Cunadaa Ka Jeceshiin, Daan La Geliyaaye
  • .Qaad La Daaligaa Idin Dishaday, Ama Ku Daah-deene
  • .Anaguna Duruus Baan Tag-naa, Doob IYo Waayeele
  • .Weligiin Daacuun Qab-yaaladaad, Dabada Haysaane
  • Anaguna Waxaan Isku Dunaa, Qaar Dabay-Shadaye n
  • .Allaylehe Wax Iskuma Daydaan, Oo Dad Kuba sheegye
  • .Waxaa Tihiin Rag Haween Dirsadoo, Jiifa Duhurkiiye
  • .Anaguna Idinkaanu Iidin Doojinaa, Dayr iyo Ayaanenen
  • .Duunyada Markaan Raacaynee, Duurka Wada Naalay
  • .Taraqa Kama Doonan Jirin, Deriska Qaar-Koode
  • .Ben-Derada Kuwii Noo Degaa, Dumiyay Sees-Kiiye
  • .Idinkaa Delegay Xaajadoo, Daad-Shay Dhaqankiiye
  • .Dab-Xeer Kolay Ku Tahaad,Debed Ka Dhawr-Taan Dhe
  • .Nimanyohow Sidaa Doorkan Tiin, Waa Daciifnimo dhe
  • .Dad-Kii Kalee Shisheeyaa Xitaa, Daawasho U Go'Aye
  • .Dig-Toonaada Qayr-keena Waan, Ugu Dan-baynaaye
  • .Kal-Hore Gabaygaan Daf-Tiree, Duur-Xul Ugu Yeedhay
  • .Ciideena Hooyo Inaan Dayriyay, Dumar-ku Moodeene
  • .Dal-Tabyaanse U Qabaa IYO , Doonis Fara Wayne
  • .Waxay Dulucda Maansadu Ahayd, Kiciya Daareen-ka
  • .Waxba Gabaygu Yuu Ila Dur-kine, Doodayoo Dhigaye
  • .Qof-Naba Anan Deeq Ka Rabin, Oo Aan Daba Joogin
  • .Biilashiina Day-nayee Ogaada, Maanta Dabadeed Dhe

Hal-Abuur Farhan Mohamed Jama (Farhan Bawkah)

GABAYGII 5AAD SILSILADA DEBED JOOG IYO DEGEL JOOG Ujeedo: Jawaab Celin Gabaygii Abwaan Bawkax Ee Uu Qurbaha Ku Amaanayay Iyo Abwaanadii Ku Taageeray. Magaca: Qurbe-Diid ! Hillaad: Sunday, 31 August, 2014 Sahanshe: Nageeye Cali Khaliif (Safiirka) Addis Ababa, Ethiopia Waa Gabaygaygii Labaad Ee Aan Silsilada Kaga Qaybqaato. 1. Farxaanoow Ducaan Kuu Sidaa Ereyo Duug Weyne, 2. Dagalkaad Ku Nooshahay Wanaag Lagugu Deeqsiiye, 3. Iga Hoo Salaan Diiranbaan Soo Dawinayaaye, 4. Mar Ka Xiga Dabuubtaadi Gabay Waan Ku Doogsadaye, 5. Deelkaagi Wuu Ii Yimiyo Dabaqii Saarnaaye, 6. Waa Dood Abwaan Oo Farshaxan Laga Dareemaaye, 7. Allaylehe Rag Layskuma Daree Daacibaad Tahaye, 8. Carabka Iyo Daankuba Marbay Soor Ku Diriraane, 9. Mar Labaad Waxaan Diidanaan Kuu Dul Marayaaye, 10. Sunta Malabka Laysugu Dariyo Diiday Gaalnimo E, 11. Anigaa Qurbaha Diiday Oon Doonahayn Europe E, 12. Dhaqan Dooris Anigaa Nacoo Diinta Laasimaye, 13. Dulinimo Anaa Diiday Iyo Daalin Daba Jooge, 14. Dawarsiga Anaa Diiday Oo Xoogsi Door Bidaye, 15. Dugsiyada Haddii Aad Tagtaan Waan Ku Diirsadaye, 16. Hayeeshee Waxaan Diidanaan Kuu Dul Marayaaye, 17. Diintii Islaamkiyo Sunaha Uma Dadaashaane, 18. Danloob*1 Aragtidiisa Ayaad Derejo Moodeene, 19. Allaa I Diliye Idinkaa Ka Daran Gaalka Duufka Lehe, 20. Digtoonaada Waa Iga Wax Sheeg Diir Walaalnimo E, 21. Taariikhda Duuga Ah Haddaad Dib Uga Faalooto, 22. Muslimkaa Daciifka Ah Haddaad Yarahe Daymooto, 23. Dawladaha Islaamkiyo Haddaad Eegto Dariskeena, 24. Siyaasiyiintu Waa Wada Dayuus Doorkan Maanta Ahe, 25. Danihii Islaamkiyo Waxaa Samihii Diidsiiyay, 26. Europe-Bay Ka Soo Wada Darseen Double Degree-Giiye, 27. Diintana Waxay Moodayaan Shay Dubaax Gala E, 28. Idinkuna Dariiqoodibaad Dabada Haysaane, 29. Duco Waalid Ruuxii Qabuu Hadalku Deeqaaye, 30. Qofbaan Dhago Daloolaba Lahayn Waa Tix Dhagaxeede, 31. Damanaha Wax Uma Sheego Iyo Liida Doqoneede, 32. Doc U Yeelo Waa Iga Su’aal Hadalku Deeqoowe, 33. Xeebteeni Way Dihintihiyo Dagalkii Soomaale, 34. Tacabay Inaga Doonaysaa Duhurka Maantaaye, 35. Allaylehe Danseeg Waa Ninkii Diiday Xoogsiga E, 36. Dalkeenaa Wanaag Laga Helaa Daayinkeen Dhigaye, 37. Diintaaban Kugu Dhaariyiyo Daacada Ilaahe, 38. Gaalkuba Dadkiisii Hadduu Horumar Deeqsiiyay, 39. Diyaarado Haddii Uu U Diray Dunida Guudkeeda, 40. Maxaad Adigu Ugu Doodaysaa Horumar Kuu Diiday? 41. Waxba Gabaygu Yuu Ila Durkine Waxaan Ku Soo Dayray, 42. Waa Iga Dardaarane Ogow Doqoni Yeelkeede, 43. Darajada Ilaahay Ninkii Doonayaa Hela E, 44. Dalkii Hooyo Ruux Jooga Oo Dabac Ku Maalaaya, 45. Farxaanow Damiin Lama Noqdee Haw Dardaar Warine, 46. Iska Daaya Wuu Nooga Daray Dollarkii Europe E, F.G: Danloob: Waa Badhasaabkii Ingiriiska U Fadhiyay Masar Xiligii Gumaysiga, Aragtiyihiisa Waxaa Ugu Waynayd In Ummada Muslimka Ah Maskax Milan Lagu Sameeyo Oo Manaahiijta Waxbarasho Ee Islaamiga Ah Laga Badalo Oo Kuwo Reer Galbeed Ah Loo Keeno, Diinta Iyo Dawladana La Kala Saaro (Secularism), Aragtidaasi Oo Maanta Caalamka Islaamka Aad Ugu Faaftay, Dhinaca Soomaalidana Aragtidaasi Waxaa Hormood U Ah Aniga Aragtidayda Kuwa Aqoonyahanka Sheegta Ee Dibadaha Wax Ku Soo Bartay Gaar Ahaan Europe Iyo Maraykanka. Xigasho: Sh. Mustafe X. Ismaaciil Haaruun, Muxaadarada Qazwul-Fikri. Nageeye Cali Khaliif (Safiirka) Addis Ababa, Ethiopia

GABAYGII 6AAD SILSILADA DEBED JOOG IYO DEGEL JOOG taariikhda. 31/8/2014 Magaca gabayga waa dalkayga dugsiya CURINTA : LUCKY ADAN YUUSUF COORAAF 1) farhanoow abwaan doora oon daalin baad tahye 2) halyeeey dulucda maansada tirshoo daadiyaad tahye 3) abwaan dunidu wada garanaysoo duulay baad tahye 4) deelayna waadigan u furay golihi duubnaaye 5) shaqo adagna waad noo dirtoo wanagaa. dirane 6)qurbahaad difaacdoo dalkaad ducuf ku meelaysay 7) dad dalkiisi joogana dan seeg waadigaa yidhiye 8) kuwi debeda adayna dedaal waadigaa sudhaye 9) dadka gudaha joogaa ka roon debed ninkii joogaa 10) dedaalkaad tilmaantayna yagaa door idiin badane 11) hadii laba haldoor oo rag ahi hoyadood dihato 12) dedaal adag haday uba gashoo samaha deeqsiiso 13) kolkay door noqdaan ee iyadu tabac ka doonaysay 14) hadii uu mid degel kale qabtoo doonta bad u taaco 15) oo uu markuu dabin galoba soo dir lacag keeno 16) deersiyo hadii loola baxo wiilka ila duusha 17) doontii haduu raaco oo debeda meel aado 18) marku dakharadii soo mariyo diifti ka huleeshoo 19) haduu dunida duulduulo oo meela degi waayo 20) dumarkaa cadaanka ah intaan diinta saxa haysan 21) haduu duhurba tii door u roon derin la soo seexdo 22) oo uu dugsado xumaha iyo diifta laga leexdo 23)dulinimo haduu hooyadii hadalka deeqsiinan 24) beeraha dulmiga iyo haduu daaqo xumahoo dhan 25)oo uu siduu door nin yayhy timaha dooxdooxo 26) sidii reer israa.iil daliig dhinaca uu diiro 27) oo uu dulmiga dugashadoo galo fawaaxisht 28) ma dooor ninkaasina farxaan degay bal ii faasil 29) afartaa dabuubtaan dhigiyo dirirgtaydii dheh 30) afar kalena waan soo dul mari doorkan maanta ahe 31) dalka ruuxa jooga. ka roon kii dal. dheer jira e 32) debad kii ku duufduufayoow kaalay degelkaaga 33) oo laysma daandaamiye diinta. ha irdhaynin 34) Dumar iyo ragaba debedu way derejo. biisaaye 35) intaan layna wada duufsan oo aan gaalku ina daaaran 36) hay dulayninoo debde uun daaq ha moodina e 37) degdeg degelka idinka lehee kalayoo deegta 38) hays dayicina dalshisheeye waa ood aan dushaa oole 39)hana noqoninaay duul delegan oo difaac gala e 40) runta lagama daashoodo. ee dega dalkii hooyo py lucky cooraaf

GABAYGII 7AAD SILSILADA DEBED JOOOG IYO DEGEL JOOG TAARIIKHDA 31/8/2014 Gabaygan waxuu ka mid yahay silsiladii (DEBED JOOG IYO DEGEL JOOG)gabayga magaciisa waxaa la yiraahdaa (DUUD LIBAAX)

CURINTA : SACIID Muuse axmed (ustaadka)

1. Nimanyahow da'dii gabay baryahan daayayoo dhigaye 2. Ma daneeynin maansooyinkaan daadaheeyn jiraye 3. Diiratiyo markii eey heleen' niman wax deelqaafsha 4. Daalkiyo markii ceeyn is xiga leeysku dabajoojay 5. Oo daawgi laga weeciyaan daaystay hadalkiiye 7. Hayeeshee silsiladaan danseeg nimanka duubaayo 8. Docna xarafka uga beeydhiheeyn waan ku diirsadaye 9. Aan darsado bal maantoo kalaa leeygu soo dagiye 10. Markaasaan sidii shiiq leh duub' soo digrinayaaye 11. Affartaasi dabuubtaydi gabay'diiradaan suray dheh 12. Daad soo rogmaday iyo xareed dagalka jiiftaa dheh 13. Duunyo kuu irmaaniyo'diraac Dayrcad kuu dhalay dheh 14. Afarkalana waa doodan rabo dayactirkeedii dheh 15. Dadka uma sinee xaajadaan la isla soo doontay 16. Anigoon dulminiheeyn midkood' ama difaaceeynin 17. Ayuunbaan dareenkayga guud soo dildilaanaahe 18. Daggal qiiqay' deeyr ahi abaar' dacaduf reer yaalo 19. Diihaalka gaajiyo haraad' dariska saameeyay 20. Oo duunya iyo xoolihii daaqsin tagi waayay 21. Iyo dumar carruurtiyo' ilmahi dabar go' ii haaysto 23. Dalkaa fogi'hilaacii hadduu kaga dilaacsiiyo 24. Darbiyada haddii eey' koraan niman da'eeysiiyo 25. Dagdag looma raro reerahoo' oowrta dalandoosha 26. Dusha looma dhoobee' hortii sahanka loo dooray 27. Iyo waxa dulqaad loo loo sugaa'dirracyadii booday 28. Markaasaa halkeey' deeyr dhigeen lagu dadaanshaaye! 30. Ragaa dibada yaalaa sidood' loo dugsinayaaye 32. Oo nimanku waa deeyrdhigyadi' loo duceeyn jidhaye 33. Nimankaa daruustiyo aqoon daal u mudanaayo 34. Waa niman sidii duud libaax lagu dangiigaaye 35. Sidii beey dadaalkiyo cilmiga orod u duubtaane 36. Duhurkiyo sidii beey habeen kaga dawaamaane 37. Siddii beey diyaarinahayeen dalabyadii yaale 38. Diktooriyo sidii beey qaliin daawa dhigayaane 39. Diintiyo sidii beey cilmiga'qaar dawariyeene 40. Duuliyaal sidii beey bartaan' wadis diyaareede 41. Dastuurkiyo sidii beey sharciga deeyr u galayaane 42. Sidii beey ka daaf ka daaf' dunida meeraane 43. Ooy wiliba dalacaad muteen'daraja waaweeyne 45. Dalka iyo sidii beey dadkii dib u xasuustaane 46. Dahabshiil sidii beey dhigaan dolarkii hara'e 47. Abti soo daruuf sheegtay iyo eedo dabataagan 48. Daqligiyo sidii beey xisaab ugu diraayaane 49. Qaarkii hortood daadiyee' helay digriigiina 50. Dib haddeyy imaadaan dalki'i waa la dilayaaye 51. Dakaniyo qabiil iyo xumaa duudka loo sudhiye 52. Dalka nimanka joogee ku hadhay damac xumaantooda 53. Mid wax dillo' mid daalima' midaan daay ku oraneeynin 54. Mid la diro' midaan dowlad rabin' Mid u danaaneeyo 55. Mid daciif ah,Mid dukaanle iyo Darawal biilkiisa 56. Dirqi meesha kaga keenayiyo' mid u dalaaleeyo 57. Mid siyaasi dabataagan oo'shacabka daaduunsha 58. Dalki waxa ku hadhay saaxbow damanayaashaase 59. Sida diishka satelaatyadaa'dunida¬ guudka joogo 60. Afartaasi doorabiin ma sudhay' diirad lagu eego 61. Daahyada halkeey kaga xidheen' ma u dabool qaaday 62. Dadku waa marqaatiye xaqii' anni ma deeqsiiyay 63. Afarkalena waa hadal duxloon ugu dambeeysiine 64. Dacasyadda raggeenii xidhnaa daacad ugu sheega! 65. Haddeey dirac fariid wada yihiin kuma danbaabeene 66. Danta guud haddeey eeganayaan daal ma aragneene 67. Afartaas dabiibaye mid kale waxan ku duuduubay 68. Oon qalin damiin iyo farweeyn daabac uga yeelay 69. Doolarkiyo xisaabtaa ninyahow deeyra oraneeyso 70. Haddey nimanku deeystaan asaad dowladnimo haaysan 71.Misna aad dalkii kala ququbi' duriyadii joogtay 72. Siddeed shacabka ugu doojin leyd' daaqsin barakeeysan 78. Dhaaxaad dul taagneeyd'illeeyn waa dad li'daase W/Curiyay.Saciid Muuse Axmad (Ustaadka) GABAYGII 8AAD (Dawga garashada) Gabaygii 9aad ee silsilada Debed jog iyo degel jog Taariikhda:3/9/2014 Curiye : idiris bashiir

  • Duulaanka gabay waataankadegay dawgii maansada'e
  • Dubaaqiyo maankaba waataan kajaray diririgtiisiiye
  • Dayaxbaan ahaanjiray dadkiyo duulka kala haga'e
  • Deegaanka maansada hadaan daaha kayarqaado
  • Anigaan dafsoo odhan hadaan daanyar ka iftiinsho
  • Dadka dalkoodii nacee debada aadaya
  • Dadkaa dabaylaha yurubkamid daristay laabtooda
  • Dadkaa dhamaantood lumee diifta ku,idlaaday
  • Dalkaloo qalaadbay dushii dulikujoogaane
  • Diintoodibay badhkood duurla xulayaane
  • Damiirkiiba katagay dawgi garashada'e
  • Dadnimada dalkiisiyo ninkii bidaya doorkiisa
  • Darajada ninkii doonaye galaya diiwaanka
  • Diirnixiisiyo dalkaba ninkii sagu danaynaaya
  • Dakharada wadnaha ninkay doogtu ugutiilay
  • Dareenkiisiyo qalbigu wuu damqanayaaye
  • Mar hadaad doolarbaan soodira igula doodaysid
  • Dariiqii saxaad duudsido lumaye
  • Dardaaran iyo duca lagu dega noqota shayduuga
  • Degelkiisii nin diido debada doormooday
  • Danseeg inuu kulumay doodi kamtaale
  • Diciifbaad kunooshihiin iyo daba raxlayn gaallo
  • Diinteennu daray dayrisa darajo moodeene
  • Doqonbaa dufraaciyo taqaan dooga meesha lehe
  • Durbaanada yaanu kuutumin ninaan diinbaysanine
  • Waxba yaanan gabay daroor kaaga dhigin dirirsidiisiye
  • Dulucdiisa gabay waxaan kusoo gaabshay
  • Deegaan shisheeyiyo dalkale kuma daryeelaane
  • Diyad baadkujoogta dalkiyo debadad meertaye
  • Dalkii hooyiyo kusoo noqo degalki hoygenna

GABAYGII 9 AAD Mgc mansada ‪#‎diyaargaraw‬ curiye: Abwaan_a.aziz_mohamed_warsame #{samaale} jimce_5/9/2014 ‪#‎time_10‬:00 kamida silsilad DEBED JOOG IYO DEGEL JOOG =silsiladaa la diirdiishaye xarafka lagu doojay =Ninba dhinac u danshoonaye doorkii ka hadlaayo =Ana deelka gafimaayo oo waan ku sii digane =Inkastoon ka duulaayo dibada kuwa jooga =Dabuubtaydu waxay tahay waa niman aqoondoontay =Dacaayadu mafiicnee hadaan hadalka deelqaafno =waa inoo damiir xumo nacayb kii inoo dirane =Gaaladu haddii uu dirsado damacu waa shaqo e =Dabadaa haddii lagu baxsado doonku waa nabade =Dibjir malaha dabad joogtu iyo danseeg shaqo e =Doqon malaha aan xoogsanayn iyo fadhiku dirirkiiye =Waa shacab dareen wacan lahoo lacagta soo dira e =Danyartay wax badan soo taraan dhulkii duuruufaysan =Dawladay la taban taabiyaan danaha guud samo e =Ha dagdagin waqtigu malaha waa kama danbaystiiye =Ha difaacin nin dalka jooga oo qaad u diriraaya =Ha il duufin ruux duulay oo hurumar kula damacsan =Dunidaa waxdhigashiyo ku dhisan qalinka dabadiiye =Haddii aad damiin tahay jahligu wuu ku dagi goore =Isku duubni bayn wada rabna damac la'aaneede =Digtoonada umadyahay cadawgu waa duline =Diyaar garawgu waa lama huraan dunidan maanta ahe Magaca : DUL IYO DAABAC Curiye: ABWAAN MUSTAFE MAXAMED TAARIIKH: 5/9/2014 U jeedo: wuuxuu ka mid yahay silsilada DEBED JOOG IYO DEGEL JOOG Tirsiga: waa gabaygii 10aad 1. Duxda gabayga suugaan dahaba deelka curintiisa 2. Damac ii ma qabanoo baryahan maba danayneeyne 3. Ma dareerin maansooyinkii dulucda toosnaaye 4. Daa,imo iyo goortii ninweyn laysla wada doobyey 5. Ee dalaa-dhaciisii bataan aamus doorbidaye 6. Hayeeshee debnuu waxay bartaan daa, ma karayaane 7. Kolba anoo ka soo doogayey wax i danqaabaane 8. Maantana dul iyo daabacbay dirir ka joogtaaye 9. Bal dayaay waxa doorkan dhacay waa mid dihinayde 10. Inay dunidu ciirciir tahoo laga dareeraayo 11. Dad allow ufiirsada baryahan dabo-rog weeyaane 12. Daaduunka caydheed raggaa debad la meeraaya 13. Ee dalkoodii hooyiyo ka tagay darajadii taalley 14. Diciifnimo kuwan daa,imee gaalku diranaayo 15. Een dariiq waligood xornimo duhur u laafyoonin 16. dalkiisana ninkii sii fadhiyey damiin ku sheegaaya 17. Degmo iyo halkuu darajo bidi, ya iga degi weydey 18. Afartaa intaan moy udayey daag dhan ma caseeyey 19. Mays la doontay dibi, iyo harqood laysku wada daabey 20. Daf ma siiyey shubadkoo irfida dacal ma haaneeday 21. Dullehaan la dhacaybay markaba sii durduriyaane 22. Afarkale mid aan dood ka qabo aan ka daba geeyo 23. Dawarsiga shisheeyaha darbaa loogu dawgalaye 24. Diifiyo waxay silic qabaan maba dareemaane 25. Docda aan ahayn taada waa lagu dayoobaaye 26. Dhookhaaga meel aad socon karayn noloshu waa diiqe 27. Waagii dilaacaba adoo daarad kale xaaqa 28. Oo dala,si xaalkaagu yahay deelku waa qadaf 29. Darmadaada mooye waxkale kuma daryeelaane 30. Intaad daar ragkale taagaysay taadii dumayasaaye 31. Idinkaa docdaad naga jirtaan dayac ka muuqdaaye 32. Dirirtiyo haddii ay colaad degalkii saamaysay 33. hayeeshee raggii damin lahaa uu ka dalandoolo 34. Oo danaystihiyo looga tago deeydey iyo maati 35. War dalkii yaa ucida ood ka sugi dibu habayntiisa 36. Bal in laydin doorshoo waxkale laydunku soo duubay 37. Durtiiba waydinkaa dafiray degaladiiniiye 38. dajintiisa yaa idin ka xiga , oo loo daba joogsan 39. dalka iyo dadkiisiyo dhamaan duunyo iyo maalba 40. dani inaanay idinka hayn dibu hishisiinta 41. Oo duulshisheeye ah tihiin heley daliilkiiye 42. Afartaa sidii dalawo geel doobi ma ubuuxshay 43. Darartii ku taagnayd candhada ma ka darandoorshay 44. Daf ma siiyey gaawii anoon danbeedada gaadhin 45. Sidii danbarka caanaha murtida ma idin deeqsiiyey 46. Afarkale halkii ugu darayd bal aan daraaseeyo 47. food-saarkan dabo-saar urogan dunida yaabkeeda 48. Ajaniba ragaa daba socdee diilalyadu hayso 49. bal waxan dhulkii idinku diray mar uun na deeqsiiya?? 50. wuxuu daayinkeen kuu qoree duunyo iyo maala 51. ee adiga uu kula damcee galiyey diiwaanka 52. duleedkaba adoon dhaafinbaad doolar helaysaaye 53. dariiqada sharciga iyo hadaan diinta laga leexan 54. Eebe deeqdi kama magansateen diir-caddaalaha,e 55. midkaloo ka sii daran hadaan diirka ka cadeeyo 56. inkastoo dakhli iyo heshaan dahab iyo dheman 57. ama aad diktoorro wada tihiin xanuun dabiibaaya 58. oo cilmiga daryeel caafimaad digree wada qaatay 59. balmaxaa ka dana waatanoo dalba ma haysaane?? 60. doolarkiinu waa waxa qaribay danabadeeniiye 61. idinkaa durbaanada utumay duulkan baaba,aye 62. da,yarteenii waxaa haligay daramalkiinaase 63. dariiqaad jidaysaa dad badan bad ugu daateene 64. wax dhallintii ay ku dabargo,een dayashadiiniiye 65. damashaadka gacan haadintaad damac ku beerteene 66. hadii aad ka digaysaan qurbaha somay dareereene 67. doonyaha iskumaysoo gureen duhur dharaareede 68. dadkan waxad haleyseen markad debad amaanteene 69. dabaalo-joogtadiinay arkaan digniinla,aaneede 70. doolar iyo markaad lacag tustay soo dalbanayaane 71. denbigooda idinkaa qabee gali damiirkaaga 72. war yaan diyo laydiin qabsane daysta lacagtiina

Gabayga magaciisa ( Dibindaabyo) curiye ---- shaakir xood. waxaana uu ka mid yahay silsiladii DEBED JOOG IYO DEGEL JOOG GABAYGII 11AAD ........ 1Indhawaydba deelayda gabay waanan daadihine 2 Dibnahayga waa taan ka xidhay duurxulkii gabaye 3 Wax I daaray mooyee hadaan soo digriyeyaaye 4 Dawankeeda maqal gabayaa waan kuu dawdabiye 5 Oo dubahaan la helo waan kaga dayaanshaaye 6 Dananakeeda waxa laga maqlaa duurka kaymaha-e 7 Dabarkaan ka furo bay gacmuhu sii durkinayaane 8 Dadaw maqal laban doonayaa kala daweyntoode 9 Dood kululna waan leeyahoo aan daweriyaaye 10 Dal joog iyo ninkii dhoofaybaan weedh u dirayaaye 11 Dhegihiina fura durbaan iyo daasadaan tumiye 12 Dalka hooyo waa lama huraan daa'in abidkiiye 13 Duunyona ninkii foofsaday sharafi dayrtaaye 14 Dugsiyada kuwaa aadayee wada dedaalaaya 15 Digriiga iyo diploma kuwaa darajadii gaadhay 16 Askariga dirayskii xidhee gaadhka dalagiisa 17 Diintiyo dhaqaalaha midkii deriska dhawraaya 18 Dumarkana masruufee dahabka siinaaya 19 ee daaja xoolaha nimcada amase duurjoogta 20 Danseeg laguma sheegiyo daalinimo weeyne 21 Waa kuba danbawdeen kala dihashadiiniiye 22 Ka durduurta maansada mar kale waan dulmarayaaye 23 Dhexdu waxay dalooshaa ninki dhoofka daynsadaye 24 Dawarsigay ku faanaan qurbaha diifta caydha ahe 25 Damiir laawayaal in ay yihiin waa dugsanayaane 26 Damiin dhegala say wada yihiin waa is dirqiyayaane 27 Dal shisheeye ninkii doorbiday dacari haysaaye 28 DUbia iyo sucuudiga amase yurub daluunteeda 29 Ama aa dawaaftaan arliga debed wareegiisa 30 Inaa dulundulcaysaa ka roon degeladiiniiye 31 Ka durduurta maansada markale waan dul marayaaye 32 bal dareema daraasaadka waan idin dareensiine 33 Dayrada dhabcaalnimo qurbaa daalib ku ahaaye 34 kala duruga Ehelka isu dhaw bay dogobyo saaraane 35 Diradiraha waa u wada hugaan debed ku nooluuye 36 Dagaalkana horseed bay yihiin dayday jaahil ahe 37 Durbaankaa u garaacdaan dhuuni doqoneede 38 Alaylehe danseeg inaa tihiin cidi ma diidaan dheh 39 Dumistana intaa waa wadaan waana dedeysaane 40 Dawladii timaadaba badhkiin waa dafirayaaye 41 Daalaa dhaciinaa hadeer muuqu daahiraye 42 Dalanbaabi iinaa bulshadu daawataa abide 43 Daalka ini haleelaa hadana kala dayaanteene 44 Dibinihina xidha oo xaniba cidlaa kala dayawdeene 45 Docdaa naga xigtaan baa quus la daa'imaye 46 Degdeg isu daba qabtaay hooy hays dulaynina-e 47 Degaankoo la dumiyaa intaa nala dul joogtaane 48 Duqayn baa intaa nagu wadaan baaba dabar goyne 49 Dhaqankiina waa dooriseen duugagii hore 50 furitaan dariiq baa wadaan oo deriyeysaane 51 duufaan sidiisaa wadaan xoog dabaylo lehe 52 Diinaaro idinkoo hayiyo Euro iyo doolar 53 Dibindaabyadiinaa kadaran diirka nololeede 54: Waxba hay danaynina marnaba waan kala didaynaaye.


Magaca gabayga : DUBAAX GABAY Ujeedka : MIDKA MIDA SILSILADA DEBED JOOG IYO DEGEL JOOG Taariikhda: 10/10/2014 Curiye: abwaan:cabdiraxmaan xiiray Tirsiga: WAA GABAYGII 12 AAD


1. Deelayda maansada hadaan furo diwaankeeda 2. Waligay madaalaa dhacshee waan dudubiyaaye 3. Markaasay dadweynuhu bogtaan dunida joogaaye 4. Caawana durduur teenu waa gabay dubaaxdiiye 5. Bal dadyaw u fiirsada macnuhu daaran yahay kaygu 6. Maansadan goluhu daabacee dunida maaxaysa 7. Ee deelka laga qaadayee qadafna loo diiday 8. Qofwaliba dareenkii ka hadal door siduu bidaye 9. Darka hadhayna inay soo galaan way u dihinyiine 10. Ana labada daamood markaan dooda falanqeeyay 11. Dal joogaan ku taageerayaa dool umaan bogine 12. Afartaa duntii shaalka iyo gabay dubaaxdii dheh 13. Sidii dirir onkoday iyo ugbaad daahay u baxii dheh 14. Afarkalana daahiyo hadaan daaqad ka iftiinsho 15. Dalka hooyo maanaa qurbaha maanta dacal joojay 16. Oo waliba doorbida kufriga diidan noloshayda 17. Miyaa lay dirqiyayaa maxaa igu ducduucaaya 18. Nimanyahaw duljoogii hadii daacad lagu qawlo 19. Dibad waxaydun ugu faanasaan dookhu garan waaye 20. Waad deedafayseen dalkiyo danabadiisiiye 21. Dhaqankana inaad doorisaan waa dariiq fudude 22. Macsiyadu quluubtay dishaa aad la deristeene 23. Mawax teena lagu doorsadaa duniba guudyaalla 24. Marti iyo dulsaar baad kutiin dagal kaad joogtaane 25. Xariir uu dadkale leeyahood galiso duudkaaga 26. duuggaaga adigoo toshaa daynka ka haboone 27. Fariid aan dirkula ahayn adoo dhawra danihiisa 28. Doqon kaaga adigoo hagaa doorka ku haboone 29. Dulucdiyo ujeedada haldoor duubli wuu garane 30. Damanaha haloo sheego yuu daadin caanaha‘e 31. Afartaa duntii shaalki iyo gabay dubaaxdii dheh 32. Sidii dirir onkoday iyo ugbaad daahay ubixii dheh 33. Afarkalana daahiyo hadan daaqad ka iftiinsho 34. runta hadaan la daahaynin oon laga dadayn uunka 35. Dagaal bay islaamkiyo u hayd daallin waligoode 36. Rabibaa xigaal loo dugsado nooga digay gaalle 37. Imakana nas lagu dooriyaa sooma dagin taase 38. Alle nuurku dunida u ushiday damiya leeyiine 39. Adigana danbay kaa wataan durugsan oo dheere 40. Caydhay dajinayaan dibaa looga murugoone 41. Marka dhaqanka laga dooriyee kooda lagu duubo 42. Dibay kuugu soo celinayaan dulinkay naaxsheene 43. Kuwaasaa ku filan duufsi inay kugu duleeyaane 44. Dagaal kaa qabawbaa ganbiyey duni islaameede 45. Daad xoorta waa kuwan noqdiyo sida dabaylaaye 46. Ee gaalka daba qaadayeen diin ku hiranayne 47. Idinkuna daryeel kuma qabtaan dibadad joogtaane 48. Dibin daabyadiinaad malaa naga dadaysaane 49. Gudintii ku dili layd hanoqon daabki loo jaraye 50. Digtoonada nacabkiinu wey idin dagaayaane 51. Afartaa duntii shaalka iyo gabay dubaaxdii dheh 52. Sidii dirir onkoday iyo ugbaad daahay ubixii dheh 53. Afarkalana daahiyo hadaan daaqad ka iftiinsho 54. da‘ayartii dabaylaa luliyo xiiso dibaddeede 55. sidii goosan didaybay noqdeen goor habeen dumaye 56. magafaa dilaaliyo cawaan duurka ku xasaysata 57. oon cidi udiidayn haduu dumarka haaneedo 58. doonyahan gaboobee badaa dubuq ku siinaaya 59. raqdan uu dugaagii ku mamay darabta hiigaayo 60. darxumooyin kaasaa jiriyo qaar kasii darane 61. hambadoo dadaal loo galoo diifta laga baajo 62. damacayagu kaasuu ahaa dibad rag joogoowe 63. idinkuna durbaan baw tunteen uuga sii daraye 64. dahab bawga yeesheen halkii looga digilaaye 65. daadkaanu moosa is lahayn waydun dumiseene 66. durduriyo ciyaar kuma habsama dood abwaan yidhiye 67. dib u eega xaajada wuxuu dhalayo duuggeedu 68. digrigana xasuusnaada waa lagu dawoobaaye abwaan:cabdiraxmaan xiiray


U JEEDKA : SILSILADA DEBED JOOG IYO DEGEL JOOG AMINTA 09-09-2014 Gabay Dukumiinti CURIYE:Abwaan Faysal Bariir Adem TIRSIGA: WAA GABAYGIII 13 AAD 1:Da.da. Maanso deelayda gabay dihinta suugaanta 2.Duriyad hoose ilmaaa dunjiga duudadiyo dhuuxa 3:Daf ku maanan soo oran baryaba waanka daahso.maye 4:Daal baan ka muujiyay dibdhicid saa.idoo darane 5:Hayeeshee hadaan doonayaa inaan durbaanshaaye 6:Daa.im haydin daayeee murtitida waydin deeqsiine 7;In Yar Dhago idaymiya Murtaan idin durduursiine 8;Afartaa daleeyaye hadaan doorkale u leexdo 9;Silsiladii dabool laga rogee daaha laga qaaday 10;Ee la.bada daarrood la dhigay gabayo door wayn leh 11;Dalka iyo dushiisana la yiri Aan u kala doodno 12:Duca qabe farxaan bawkaxoow waan ku diirsadaye 13:Duurxul maanso gabaygiii ahaa Iba furkii deelay 14:Doogahii fadhiyay waa kacshiyo door hurdada yiile 15:Hayeeshee silsiladaad daniday waa dan garad wayne 16:Nin waliba halkuu damacsanaa kaga diryaansiiye 17:Aniguna hadaan doonayaa maanso door adage 18:Daa,im haydin daayee murtida waydin d eeqsine 19;In yar dhago idaymiya murtaan idin darduursiine 20:Dalka joog marnaba lama simeen duul dabayshadaye 21:Oo door ka biday gaaladii diinta caasidaye 22:Inkastoo lacago duubaniyo doolar laga qaato 23:Inkastoo tacliin darajaliyo Barasho loo doonto 24:Daa.la bay yiraahdaan sharciyo duubanoo badane 25:Dukumiinti bay kaa dalbaan waa dal baadiyahe 26:Da.badeedna hadal diir kacshay kugu dam siiyaane 27:Xabsi daa.im way kuu diraan lagugu dooxaaye 28:Duli baa tahay kugu dhahaan Aan dalba lahayne 29:durrid iyo waxay kugu wadaan hadal An doornayne 30:Intaas oo daciifnimo ah iyo doorsamiyo liidid 31:Dabadaha ayaa laga helaa Ama dal gaalaade 32:Maxaan kaga dul geeraarayaa diif ayaa qubane 33:Afartaa daleeyaye hadaan doorkale uleexdo 34:Dumar diinta xooroo ka tagay Dubid xijaabkeeda 35:Oo daalukhyaayoo xarago suuqa duluc leeya 36;Dabadaha ayaa laga helaaaama dal gaalaade 27;maxaankaga Dul geeraarayaaa diif ayaa qubane 38;Afartaa daleyaye hadaan doorkale u leexdo 39;Fadhi dirir ragoo doonta iyo hadalo doog reeba 40;Oo uu qabiil diirka xulay doogta iyo dhuuxa 41;Oo aan daliilkii xurmayn diinta dhaqankeeda 42;Dabadaha ayaa laga helaa Ama dal gaalaade 43:Maxaan kaga dul geeraarayaa diif ayaa qubane 44:Dulinimo intaas oo ah iyo dabakhyo sii dheerba 45;Dabadaha ayaa laga helaa Ama dal gaalade 46:maxaan kaga dul geeraarayaa diif ayaa qubane 47:dalka iyo nimcada taal hadan dib ugu soo laabto 48;ciidayda tahabkaa hadaaan eego darafkeeda 49:Doolar iyo waxaa iiga wacan dabad dhaqaalkeeda 50:Da.yartoo wax iibarata oo diinta u adeegta 51:Dugsiyada quraankoo guryaha darafka ii saaran 52;Dumarkoo xijaabkii hantiyay oo sharciga doortay 53;Raga oo dantiisana yaqaan damacna meel saaray 54;Daai.m oo la kaashado kufrina damcu aw diido 55:Dalka hooyo baa laga helaa damal barwaaqaade 56:Dib isugu noqdaaay maqalka waa la isku daa.yaaye

MAGACA GABAYGA: Debed Joog Waa Dan guud. U JEEDO: jawaab celin gabygii saaxiibkay Abwaan Mustafe Maxamed ee DUL IYO DAABAC ee silsilada DEBED JOOOG IYO DEGEL JOOG ee inoo socotay. TIRSIGA: waa gabaygii 14aad CURIYE: Ibraahin Siciid Maxamed TAARIIKHDA: 12/9/2014 JIMCE 1. Da’da gabayga doodii murtida Degelka suugaanta. 2. Duur xulka iyo hees Danaanigeed jiifto Dacalkeeda. 3. Qofkastaa markuu Daabacaan Daayey hadalkeede. 4. Maantana waxbaa igu Dirqee mabaan Dareemeene. 5. Waa lay Damqaayaa murtida mabaan Dareersheene. 6. Waan dayn lahaa maansadane Duur xul baa jira e 7. Ragaan Degelka wada Joogno aan Diiday baa jira e 8. Aan Dayaansho DUL IYO DAABAC baan Dood ka leeyahaye. 9. DEBED JOOG INAY TAHAY DAN GUUD baan Dul marayaaye, 10. Afartaasi waa arar Dadbane Daaha ma u laabay. 11. Ma Dur-duurtay suugaanta waa, lagu Da’daalaaye 12. Idinkana sidii Xoorki Deeb ma idin Deeqsiiyey. 13. Afar kale hadaan Daydayoo Duco abwaan sheego. 14. Mustafow abwaan Daaciyoo Daacadaad tahay 15. Qof dabeecad loo dhiibayoo Diiin leh baad tahay. 16. Deris fiican ruux lala noqdoo lala Degaad tahay, 17. Ilahayna Danahaaga guud Degelka kuu soo dhig 18. Afartaasi waa Duco abwaan Daah ma u laabay 19. Ma Dur-duurtay suugaanta waa, lagu Da’daalaaye 20. Idinkana Sidii xoorki Deeb ma idin Deeqsiiyey 21. Afar kale hadaan Daydayoo, Diirka ka xayuubsho 22. Waxa ay naftay Diiday iyo, Damaqa aan sheego 23. Waxa Dacarta igu kaakacshiyo, Dulucda aan gaadho. 24. Markii ay Dagaaladu dhaceen, Dumeyey reerkeena 25. Soomaali kala Daadatee, Debeda loo yaacay. 26. Ee sidii Dabayl Roobabow, inaba Daan aaday 27. Doonyaa la raacee badaa, Laysku wada Daadshay. 28. Duunyada ragii laa markii, dawcad laga raacshay. 29. Daaraa ragii laa’ markii, Daafta laga keenay. 30. Maatiyo caruur aan la Dayn, Dumar lalaynaayey. 31. Ragi Dayday bay wada noqdeen, Dirira maantaase. 32. Dagaal oogayaal bay noqdeen, Daalin duur gal ahe, 33. Markaasaa Damiir wixii lahaa, Debeda aadeene. 34. Dalka waxaa ku hadhay maalintaa, ninaan Danaynayne. 35. Damiirlaawa yaal baa ku hadhay iyo, Danseegiiye, 36. Inta Debeda loo aaday iyo, Diric yar mooyaane, 37. Inta Doolar loo soo Diriyo, Daba gal mooyaane. 38. Iyo niman Duruus soo bartoo, Dahaba mooyaane 39. Inta degelka joogtaba Darxumo, Deris la weeyaane. 40. Waa kuwaa dhadhaab Daadsanaan Cidi Danaynayne. 41. Dib jir waa kuwaa wada noqdaan, cidi Daryeelayne. 42. Qaadka waakuwaa Daaligaan Cidi u Diidayne, 43. Waa kuwaa Dalkii Duminayaan, Daa la odhanayne. 44. Jeelal waata lagu daa’imaan, cidi u Doodayne. 45. Bada waata lagu Daadiyaan, Diyo la waydiine. 46. Ninka Daarad kale fiiqabaa Dhaama Degelkiiye. 47. Isagaa Daryeel lagu qabaa Doorkan maanta ahe, 48. Iyagaa Diktooriin ahoo Daawo noo qora e 49. Iyagaa Danaha guud qabtaan , cidi u Diidayne. 50. Ha dafirina Danaheena Guud, Debed jir weeyaane. 51. Afartaa sidii aqal la Deday, Daaha ma u laabay. 52. Ma Dur-duurtay suugaanta waa, lagu Da’daalaaye 53. Idinkana sidii Xoorki Deeb, ma idin Deeqsiiyey. 54. Afarkale hadaan Daydayoo, Diirka ka xayuubsho 55. Waxa ay naftay Diiday iyo, Damaqa aan sheego 56. Waxa Dacarta igu kaakacshiyo, Dulucda aan gaadho. 57. Mustafow tusaale aan Dadbaan kuu Dulmarayaaye. 58. Ha Dafirin runtana Daah ha gelin, Daaci baad tahaye. 59. Hadii uu nin Daartiisa raro Degelkale u baadho. 60. Isagoo dhul Doog badan leh iyo Helaya Deegaanta. 61. Oo Daalin ubadkiisu oo Dacalka jiidaynin. 62. Qoraxdina Dam aanay dhihine Duhur cad uu joogo. 63. Dhul Diraacdu saamaysay oo roobna Dacal saarin 64. Oo Dayrta laga guurayoo Dulinku yaacaayo. 65. Oo qaniinka Dooxada ku jira Digadii moodaysid. 66. Oo aan Dureemona lahayn daaqo adhigiisu. 67. Nin damiir li muu degi lahaa Doqonka mooyaane,???????? 68. Dalki inuu sidoo kale yahaan kuu Daniyayaaye, 69. Ha Dafirin bal Danaheena guud, Debed Jir weeyaane. 70. Afartaa sidiii aqal la Deday Daaha ma u laabay. 71. Ma Dur-duurtay suugaanta waa, lagu Da’daalaaye 72. Idinkana sidii Xoorki Deeb ma idin Deeqsiiyey. 73. Hada gabaygu wuu ila Durkaye waxaan kusoo Dayray 74. Nimankaa Duqaymaa wade, shacabka Daandaanshay. 75. Waagii Dilaacaba Ragaa Dooxa ubadkeena. 76. Ee Daadsha dhiigeenabaan Diyo lawaydiine. 77. Maxaybaad nin Danaheena wada Diirada u saari.!!!!!! Curiye: ibraahin siciid maxamed

MAGACA: degelka dulinba kama filayn Tirsiga : waa gabaygii 15aad Curiye: lucky aadan yuusuf (lucky cooraaf) Taariikhda 12/10/2014 Ujeedka : jawaabta GABAYGA IBRAAHIN SICIID

1) deelayda gabay waayo badan daayay oo dhigaye 2) ma dedaalin oo waayadeer waan dafiray taase 3) dunteeda inaan gooyo baan doonayoo rabayr 4) deefaaq kastaa goorti uu daadiyaan nacaye 5) ha yeeshee dan baa caawa tidhi daah fur gabygiiye 6) degel nabada anigoo hurdaa daad isoo galaye 7) dulin baa ku baxay xeradii aan dayray shalay uune 8) doc kastaba gafane dooli leeg baa ka soo galaye 9) adhigii didyoo goorkastaba waa dib jirayaaye 10) intaan aqalka daahisa hore dacawo ii seexan 11) ama anan degelkaan dhisiyna dumarku xaabaysan 12) aan dagaal u kaco doqon xun baa duhur la boobaaye 13) Afartaa dushii ceelka iyo debeda maw saaray 14) ma dudubiyay doqon baan aqoon baaci cadawgaaye 15) dayr mawga xidhay daadku waa goor xun soo dhece e 16) afr kalena aan daajirshee wada diyaar haada 17) doqon baa hadhaw soo cawdee qori digaha saarta 18) kolay layma dagayee dadoow sii fikira maalmo 19) deelaydi maansee dadyohow golan duulaysay 20) daacad bay u socotee dar baa didiyay geeliiyee 21) wiil baa dafiray xaajadii golaha dooxnayde 22) ibroy debeda nimankaa jiree doolar duni mooday 23) nimankaas dalkoodii nacee debeda door mooday 24) daandaansi. nimankaas wadee daldhacaynaaya 25) degelkii ragaa diidayee deelay soo tiriyay 26).waadigan difaacee sidii aar dinaahiyaye 27) waadigan durbaan qaataye dawyo daadegaye 28) dalacaada waadiga u diray iyo doobi caano ahe 29) degelkiina waad na lagashaa waanad dilaysaaye 30) afwax diray xishooy baa la yidhi oo daacad uun noqoye 31) ma duulkii. xagaas aaday baa doolar kuu diraye 32) waa lagu dugaashady miyaa taasi waa dawe 33) mise dee darmaan gabadha baa debeda kaa joogta 34) waadigan dudada aaday ee noo danaahiyaye 35) waadigan sidaad tahay halyeey noo difaac tegaye 36) dhabarkiina waad naga durtoo waad na dilaysaaye 37) dagaal laysku aastoi jilbaha duulba dhinac joogoo 38) oo laysku dabar go.i raboo dirirta loo xaytay 39) haduu ruux damiir laa.we ahi duulka kale aado 40) oouu fariimaha diroo cadawga soo duusho 41) duulkuu ninkaas baas ku jiray waa la dagayaaye 42) adiguna gedaas baad rabtaa duur xul iyo doore 43) hadal lama dudubiyee waan gabay ku soo dayray 44) inaad samaha nala doonto oo duulka nala xaaqdo 45) iyo inaan sidii dibi la nacay debeda kuu saaro 46) oo aad dudada joogto oo bahal ku duursaysto 47) kala dooro labadaas nin yohow diidnay sida teere 48) anagaa dalkii joogna oo waan ku dilaynaaye 49) nin dal dheer jiriyo debed mid jira kuuma daahirine 50) nafta hayka dabar goyn yarkoow waad degdegaysaaye py lucky cooraaf Gabaygani waxuu ka mid yahay silsiladii (debed joog iyo degel joog) waana gabaygii 18 sida an ku qiyaasayo magaciisana waxaa la yiraahdaa (Duubka ii xidhane) ka bogasho wacan TIRSIGA 15 AAD Curinta : Saciid muuse Axmed (Ustaadka) 1. Deeleyda maansada baryahan waan ka daahsadaye 2. Wax i daaray mooyee ka diday dihashadeediiye 3. Markaa daa iraahdaba waxbey igu duqeeyaana 4. Markaasaan sidii dawri aar' deeyrka soo jabine 5. Afartaasi Daruustaan bartiyo dan iska sheegey dheh 6. Deeyr curatay diihaal bixiyo'daaqsin iyo roob dheh 7. Doodii wacneyd oon mar kale dib u galaayaa dheh 8. Afartaas daliigaye hadaan duluc kaleed baaro 9. Waxaan ahay'nin duub loo xidhoo laga danbeeyaaye 10. Dibnahaba markii aan fureey dahab dhalaayaane 11. Markaaseey danbiilow dhigteen dagala joogiiye 12. Maantana waxaan doonayaa inaan u daadshaaye 13. Durbaanadi la tumay wiilashii diisha laga keenay 14. Damta iyo ciyaartiyo waxii digasho yeeraayay 15. Daandaansigey falahayaan damanayaasheeni 16. Dushaan kalaan socdoo'waxan ahaa ruux dulqaad badane 17.Kalluunkaba ninkii dabi yaqaan'biraha loo daadsho 18. Dafta hore afkuu kaga qabtaa dacaladeediiye 19. Dirqi beena goortuu dhuftaa loo dabcinayaaye 20. Markaasuu dareenkii lunshaa damacna qaadaaye 21. Dam intuu ka siistuu laquu dib ula jeestaaye 22. Waxa loogu daw galay ileeyn waa duntuu liqaye 23. Daldalaada xoogaa ninwaday kaga dig siisaaye 24. Dibadaaba loo soo baxshaa'duhur dharaareede 25. Iyaguna sidaas waxoow dabciyay' waa dundaan xidhaye 27. Markaaseey dareenkiyo lunsheen diiradaan sudhaye 28.Iyadaana lagu daldali dacaslayaashiiye 29. Bal maxeey difaacii xirteen'kala dareereene 30. Halaquba markuu doog dhax galo waa is dahaaraaye 31. Oo waxeeysu duuduubayaa dirin sideediiye 32. Shimbiraha dureeraa' waxuu siriq u daadshaaba 33. Dacaluul asoo qaba waxuu dabada laabtaaba 34. Isha waxuu ka daajiyoo' afkii kaba dabooshooba 35. Markeey deeyrka soo wada gashoo qaar ku dagayaaye 36. Dan inteey u kala yaacda beey diririgleeysaaye 37. Ana woowgu duurxulahayaa damanaayaashiiye 38. Waa wada dallaal aan fahmeyn diiradaa surane 39. Waa wada dugaag miiran iyo dawac abaareede 40. Duunyadeey aroorinahyaan wax isma doorshaane 41. Iyagaa na kala daayacee dibad ma joogneene 42. Iyagaa dableey nagu noqdoo dowlad aan rabine 43.Iyagaa siyaasiga dulmiya' diiday oraneeyne 44. Daacadnimo haddeyy garanayaan lama dallaalaane 45. Duhurkii yimaadaba colaad daris ma laayeene 46. Iyagoow danbeeyee dadkii dacas ma qaataane 47. Daash iyo ma seexdaan gureed dirin u taalaaye 48. Deeyna qaadka kuma soo raadiyaan'daan la galiyaaye 50. Dabeeyshaba a waxeey nooga timi dagala joogiiye 51. Daaqadooda furan beey qalqiga nagu dacaayeeyne 53. Afartaasi daruustaan bartiyo'diririgteydi¬i dheh 55. Deeyr curatay diihaal bixiyo'daaqsin iyo roob dheh 56. Doodii wacneyd oon mar kale dib u galaayaa dheh 57. Afartaas daliigaye hadaan duluc kaleed baaro 58. Waxaan ahay'nin duub loo xidhoo laga danbeeyaaye 59. Dibnahaba markii aan fureey dahab dhalaayaane 60. Markaaseey danbiilow dhigteen dagala joogiiye 61. Dibad jiruhu waxa lagu yaqaan daacdanimadiiye 62. Daljaceeylku waa waxu wadnahu ula dikaamaaye 63. Waa waxu u doondoonayaa dowladnimadiiye 64. Duhurkiiyo waa waxey habeen ugu duceeyaane 65. Nimankii la kala daadiyoo kala dareereene 67. Nin dantiis yaqaanaa ma rabo dayaca qaarkiise 68. Hadduu Ibraahin deeyrkoodu' nacay dawacadeey joogto 69. Daabacaad hadii uu ka qoray daaliminadooda 70. Oo uu hadalka leeyskuma dadee'diirka cadeeyay 71. Dirqi maaha noloshee'waxbaa la is dareenshaaye 72. Dambastiina dhaca waxu' ka koray dabaq sareeyaaye 73.Dooqoodu waa maran yahoo'wuu dabeeyshadaye 74. Doolar iyo asoon qaadan lacag dahabna loo dhiibin 75.Haddii uu dubaaqiiyo'nacay dibudhaciinaasba 76. Ii daayo waxuu wiilku dagay'dabaq sareeyaaye 77. Hadduu daain dhaho saadanbaad ina duljogtaane! 78. Xiireeyba doon baan u diray'soo durdurisaaye 79. Cooraaf diyaareey rabtaye'diiday baan niriye 80. Mustafana hadduu dalab qortoo waan ku soo dariye 81. Degel joog ka soo baxa halkani weydin darajeeyne 82. Ama raaca duunyada cidlaad dawac la joogtaane By:Saciid Muuse Axmad (Ustaadka) Ujeedo: Jawaab Celin Ku Socota Garabka Qurbe Amaanka Ah Iyo Saaxiibada Abwaan Ibraahim Hormoodka U Yahay Ee Laba Gar Daaqa Ah. Magaca: Deel-Qaaf! Hillaad: Monday, 15 September, 2014 Sahanshe: Nageeye Cali Khaliif (Safiirka) Addis Ababa, Ethiopia Waa Gabaygii Saddexaad Ee Aan Silsilada Kaga Qaybqaato. TIRSIGA 16 AAD 1. Deelkiisa Gabay Waanigii Daayay Ee Dhigaye, 2. Waan Idiin Darsaday Maalmahaan Dooda Gees Maraye, 3. Marka Hore Ilaah Darajadii La Idin Deeqsiiye, 4. Golaheena Doorka Ah Wanaag Durugsan Gaadhsiiya, 5. Rabbi Haydin Daayee Salaan Diiran Iga Hooya, 6. Dagal Joog Raggii Naga Qaxee Daadku Naga Qaaday, 7. Nimankii Didee Xaajadii Doojin Kari Waayay, 8. Nimankaa Hubkii Daadiyee Baqasho Door Mooday, 9. Ibraahim Iyo Duulkiisibaan Baaq U Dirayaaye, 10. Haddii Ay Dagaaladu Dhacaan Amase Duufaantu, 11. Sanqadhaha Dabayshuu Fuluhu Dirir U Qaataaye, 12. Geesiguna Halkii Loo Diruu Libin Ka Doonaaye, 13. Adiguna Dar Jiidhoo Xaqii Diiday Maalmahane, 14. Darajada Ilaahay Ninkii Doonayaa Hela E, 15. Dulinimada Waa Laga Durkaa Daayin Abidkaaye, 16. Diiwaanka Maansadu Ma Aha Shay Dubaax Gala E, 17. Wixii Nabigu Uu Diidaybaan Kuu Dul Marayaaye, 18. Diintaada Lama Iibsadoo Waa Dugaanimo E, 19. Dib U Noqo Waxaan Kaaga Digay Daranyo Ceebeede, 20. Afartaa Intaan Da’da Ka Dayay Maysku Wada Duugay, 21. Ma Dawamiyay Deelqaafku Waa Kaa Dilaa Hadale, 22. Erey Kalena Waa Iga Digniin Diir Walaalnimo E, 23. Nimanyahaw Malaha Dunidu Waa Kama Dambaystiiye, 24. Damaciina Waan Yaabanahay Wada Dubaaqdaaye, 25. Qaarbaaba Hadal Soo Daldalay Duub Cad Iyo Faane, 26. Iska Dooda Maahee Runtaa Lagu Dadaalaaye, 27. Anba Dawri Aarbaan Ahiyo Geesi Dirireede, 28. Ha Degdegine Joog Yaan La Odhan Yaa Ku Soo Dagaye, 29. Duco Waalid Ruuxii Qabuu Hadalku Deeqaaye, 30. Anigaa Dalkii Jooga Oo Duunyo Foofsada E, 31. Anaa Cadawga Kaga Dayran Iyo Gaalka Dibadeede, 32. Waa Deeq Ilaah Oo Fulaha Laga Daboolaaye, 33. Idinkaa Danseegoo Kufrigu Duub Idiin Tolaye, 34. Dibjir Iyo Waxaad Qorantihiin Deexatiyo Tuuge, 35. Bal Maxaa Igula Doodaysaan Doqoni Yeelkeede? 36. Erey Kalena Waa Duurxul Iyo Dood Markhaati Ahe, 37. Dacalada Nugaaliyo Anoo Jooga Darar-Weyne, 38. Dakadii Kismaayiyo Anoo Xamar Dawaafaaya, 39. Doonyaha Hargeisiyo Anoo Haro-Digeed Aala, 40. Diridhaba Awaariyo Ilaa Sagag Duleedkeeda, 41. Dalkaygoo Barwaaqo Ah Anoo Dabac Ku Maalaaya, 42. Waa Su’aal Da’ Wayn Oo Nin Ragi Maragga Diidayne, 43. Maanigaa Dalkaygoo Nimco Ah Duhur Ka Dheemaala? 44. Maanigaa Intaan Dibada Tago Dumar U Maydh Maydha? 45. Maanigaa Dameeraha U Dhiga Qamandi Duugawday? 46. Maanigaa Daroogada Caboo Diinta Ka Caraaba? 47. Maanigaa Kiniisado Dagoo Caydha Dahab Mooda? 48. Doofaarka Iyo Maanigaa Eyda Daba Jooga? 49. Balse Nimanka Ila Doodayoow Waa Su’aal Dihine, 50. Car Bal Diida Waydinkii Lahaa Waanu Dirirnaaye, 51. Waxba Gabaygu Yuu Ila Durkine Waxaan Ku Soo Dayray, 52. Waa Dardaaran Waayeel Waxaan Kuu Dul Marayaaye, 53. Doqoniimo Biirtaan Ilayn Cidi Dabiibayne, 54. Alle Dooriyoow Hadalku Waa Kaaga Darayaaye, 55. Dugsi Malaha Ruuxii Tashiga Laga Daboolaaye, 56. Idinkaa Dalkiinii Nacoo Duunyo Dhaafsadaye, 57. Aniguna Waxaad Doonaysaan Diiday Baan Idhiye, 58. Waxba Vise Haysoo Dirina Doorkan Maanta Ahe, 59. Dalkaygaan Ku Noolaanayaa Daayin Abidkaye, 60. Taariikhda Duuga Ah Ku Qora Dhaxalku Waa Doore, Nageeye Cali Khaliif (Safiirka) Addis Ababa, Ethiopia Gabaygan magaciisu waa danab mahiigaan waa markii labaad ee aan ku soo laabto silsiladda DEGEL JOOG IYO DEBAD JOOG sidan filayo waa gabaygii 17 naad silsilaDda 15/9/2014 Gabaygiina waa kan Curinta Abdiraxmaan xiiray • Hadaan hadalku wuxu daaran yahay cidi danaynaynin • Oon dulucda loo fiirsanayn looga damal waabay • Oo laga dabayshayday naxwii deeqi jiray uunka • Uu daw ninkii laga gar helay diiday inu qaato • Waxaan doodba caawa u idhaa waa dabbaal nimo,e • Hayeeshee tixaan dayriyoon diido magaceeda • Duul kale ha sheegtee murtaan soo dalacayaaye • Dhegihiina door ii huroo dood yar iga qaada • Afartaa jir duufaan watiyo danab mahiigaan dheh • Warka sidaan udeeqsiin ogaa guurti duub xidhan dheh • Afar kalana daymada ka bogo waan dab ridayaaye • Dalka ribadan loo daasayiyo caydan dami wayday • Darxumadan la sheegaayo ee dibad kasoo yeedhay • Degaankii ammaan baa ka jira daraf yar mooyaane • Iyaguna dadaal bay wadaan inay dagaan guule • Nimcadaa kasoo daahirtiyo deeq lamahad shaaye • Darandoori roobaa u helay xaadhay digadiiye • Dayrayste xoolii marki doogu soo baxaye • Caanuu durduurtaa qofkii dayi karaayaaye • Sixinkaa duddada yaala ay dumarku kayd shaane • Dagalki waxaasa ka jira dibad rag joogawe • Waar Dalka xaal usoo dira hadad garanasaan dawga • Hadii kale dambbiga maalin uun laga jar duudkiina • Afartaa jir duufaan watiyo danab mahiigaan dheh • Warka sidaan udeeqsiin ogaa guurti duub xidhan dheh Afar kalana daymada ka bogo waan dab ridayaaye Dagal nimanka joogaw fariin doora iga hooya • Diricyadan laliidaayo ee doqonka loo loogay • Nimanyahaw dantii guud wade daalka u adkaystay • Waalidkiyo duqaytida ragyahaw duudka ku xambaaray • Ee daranyo ka ilaaliyee ducada loo kiishay • Ee maatida u deeqayaa duunyo wuxu dhaamo • Ee dugaaga ka ilaaliyiyo cadawga soo duula • Abwanada naxwaha dagal fadhiya looga dano qaato • Mustafaha murtida deeqda iyo dagalka loo siiyay • Laki oo markay gabay danido looga hadho dooda • Safiirkoo dadkuba soo shiraan dibin marku saaro • Iyo kuman dubaalada fogooy dihintay maaxdoodu • Iyo dagalka ruuxii kastee jecel daryeelkiisa • Darajada inlaydiin taxaad dow ku mudateene • Digashiyo miyaad qadaf gaydaan duulba ku hadaaqo • Indho doqonku yaal waxay arkaan kii dadkaw xigaye • U dulqaataa xaajada wixii idinku deelqaafa • Afartaa jir duufaan watiyo danab mahiigaan dheh • Warka sidaan udeeqsiin ogaa guurti duub xidhan dheh • Afar kalana daymada ka bogo waan dab ridayaaye • Dibad nimanka joogaw fariin doora iga hooya • Inkastoo aqoon durugsataan hagayo gaal duufli • Inkastoo dikrii qaadataan uunku darajeeyo • Ama aad diktoor sheegataan cudurka daaweeya • Dabadeey ku qarin layd haday riyi dub leeday,e • Ma nintiisa dayrshaa anfaca dunida waa liide • Daroogada rag lagu soo mudoo dacayda laalaadshay • Oo dareemayashii lahayn damaqsan laa ceebta • Iyo qaar kasii daran lasheeg deris inaadtiine • Reer dagay tisbaa loo ritaa doodna ereygeede • Dalku maalintuu qiiqayee la isku dooxaayay • Ninka ragi dilkuu baajiyaa lays dag dhabayaaye • Danta gaara nacaskaa xigsada meel dadkii go,aye • Giir yaalahaa dida sidii deeradoo kale,e • Idinkuna darkaa ina tihiin waxa daliil noo ah • Ibrahimbaa Tixdiisii ku daray oo taa ku daabacaye • Waydinkii durbaanka u tumeen diidin qodobkaase • Fulaydii dabayshaday miyaa waliba doodaaya • Dadka haysu sheeg sheeginee daaha magaciina • Ama haydin doogtee fadhfadha dakharka guudkiina • Afartaa jir duufaan watiyo danab mahiigaan dheh • Warka sidaan udeeqsiin ogaa guurti duub xidhan dheh • Afar kalana daymada ka bogo waan dab ridayaaye • Aniguna dan iigaara aan dood yar ka idhaahdo • Fariintii aad iiso dirtiyo helay duxdeediiye • Siciidaw baddii inaan dagaan mooday oo didaye • Dadki waxa ka hadhay wey yaryiin aaday dibadaaye • Dabbaal kaga baxdaa iyo dhibiyo diif ku mudataaba • Duulyar baa sidiina ka nool doonyihii tagaye • Intii kale dugaagbaa cuniyo mawjad iyo diibe • Ana daranyadaasad Itidhi doorkan soo qabo,e • Habaar laysu diro kuma habsama duul walal ihiye • Waar inaaderow iisoo ducee waadiga iduraye • Hadiise eerjat iisoo dirtaan doontu waa sahale • Oo doolar ii raacisaan daayin abidkiisa • Oon daaro dhaadheer galoo laygu darajeeyo • Oon derisno gaalada anoo duunyo u ordaaya • Anoo dibada seexdaan kabiday kayn dareen badane • E waxba haygu daakirin dhaguu ima daloolaane • Daydayo siciidaw ciduu doorsho hadalkaagu • Produced by: abdirahman xiiray Gabaygan oo aan ugu magic daray dirir waxaan kaga qayb qaadanayaa Silsilada dal joog iyo debed joog anigoo aan wax hore ku lahayn silsilada Waxaanaan taageersanaahay qoloda daljoogta Waxaanuu gabaygu soo baxay 19/09/2014 Curiye abwaan :c/raxmaan xasan c/laahi {c/raxmaan chemistry} magaalada burco Titsiga 18 aad Dirir Indhaweyba deelayda gabay daar isma lahaynee Daayinkaygu gabayguu baray kuma danookhyayne Gabaldhacay habeaankoo dumaan soo dankaabsadaye Dagaalbaa barbaartii dhexmaray labada daamoodee Aleylehee ku diirsaday markaan doodihii helaye Hambalyaan udirayaa ragii daaray maansada 'e Anoo dacalka saarayn ragay diritu saamaysay Aan difaaco dagaal joogta iyo geesiyda diiran Oon deelka maansada udiro dibadyo meermeerta Dalka hooyadaabaa ka wacan duur gal iyo dhoofee Diifyo ilaah naguma badin darato caydheedee Durdurada xareediyo nimcaa lagu dabaashaaye Dalxiisbaan umeeraa dhulkii demalka weynaaye Dirirkii gu'gaa noo da'oo darare xooliiye Dacalada togdheer iyo berbera xeebta dacalkeeda Dayniile iyo bay ilaa webiga daaftiisa Ama xamar dusheediyo markiyo daarah hargeysa Nin dalxiis utegaybaa yaqaan duuda booramee Malaa wey deyoobeen ragani soo duryamayaaye Markii caydha lagu deeqaybay duni ilaaweene Markii doolar loo dhiibaybay wada dayaameene Deeqda eebbe waxay moodayaan daartaa inay taale Oo dunida gabal uu udamay debeda mooyaane Oo dumarka gaaladu yihiin xuurar cayn dumare Ana uma dareensani inay duniba joogaan Mid ay diifi ay iga dishoo jooga dagelkiisii Oo dalkiisa lagu aasaba igala door roonee Allaw yaa dareenkaan kaqabo dunida gaadhsiiya Afartaa sidii dirir onkoday ma isu daba joojay Ma duqeeyay nimankii qurbaha dawna ma asteeyey Weli hadalka maan dayn murtida deelka maansada'e Hal iidaran ayaan doonayaa inaan dareenshaaye Hablo doora hablo dooran iyo dahab daraad moodo Oo diin xishood iyo wanaag eebbe ugu deeqay Degan iyo suleekhaa kunool degal soomaale Dabagaabta dibad meeraysee diinta ka halawday Maana ku doorsada walee damucu waa yaabe Maana dalkaygani nacoo debad usii dhoofa Maana dubkaygani bedela diirka midabkayga Diintayda maanaa nocoo kiristan doormaada Waxba arartu yay ila durkinee waxaan ku soo deyray Nimankaa dalkoodii nacee dibada meeraaya Ee degalka gaalada ka jecel daartii gurugooda Waxaan uga danlaynuun murtida wax ha dareemaan Mar haday difaac soo galeen hadala deeqaynin Duurjoog ma dhaamaan ragaa dibada meeraaye Dareenkayga waa niman durkoo doorayshay dhaqankiiye War haku daalinaay nimankaa dheguhu uma daloolaan

Ujeedo Ka Qayb Galka SIL-SILADA DEBED Magaca :DANAN Lanbarka Iigu Dara Mahadsanidiin Curiye Farhan Mohamed Tirsiga 19 aad 01.Maansada Dad Kama Dhaxlin, Duq Iyo Waayeele 02.Dibnahyga Eebaa Ku Shubay, Waa Ddudubiyaaye 03.Deg-Deg-siiyo Iiguma Bax-dee, Waw Da Tiriyaaye 05.Walaw Muddaba Dayriyayoo, Gabayna Aan Daayay 06.Diif Kuma Qabee Xik-Madu, Way Dudadan Dhaw'e 07.Afartaa Araar Dala-Malkeed, Dul Iyo Hoosuun Dhe 08.Tix Dastuur le Suugaan Dawayn, Dayashadeedii Dhe 09.Afaklaena Waa Dulucda Iyo, Doonistaan Rabo'e 10.Maansadu Dul-Xaadis Bay Ahayd, Doorarkii Hore'e 11.Marsay Budii Dilaac-Sheen, Waa Dar-Dhanayaaye 12.Anaguba Xumaan Doora Oon, Dedayno Baa Taale 13.Diracyada Ragii Wada Sheegtay, Dawrigiyo Aarka 14.Xaajo Aan Dahsoonayn Hadaan, Dib Uga Faaloodo 15.Gooratay Is Dishay Ilmeedeer, Degelna Qiiqaabay 16.Goortay Is wada Dooxataye, Duunyo Kala Qaaday 17.Goortay Is Dabar-jartee, Layna Kala Daad-Shay 18.Goortay is wada diiratee, Dacal-ba Meel Aaday 19.Gooray Is Wada Diidayee, Kala Dilaamay-say 20.Dhaawaca Ragii Daweeyay, Doqontu Waa Mooge 21.Jahli Waa Dulaamee Ragii, Furayay Duuruusta 22.Maatada Ragii Daryeelay, Noo Damqaday Jiidhku 23.Qurbe Joog Inay Deeqow Tahay, Doodi Kama Taale 24.Dul iyo Hoos Ibraa Ku Sheego, Doodi Kama Taale 25.Abwaan Xiiray Ma Dafirayoo, Doodi Kama Taale 26.Afartaa Dhaatada Ka Dayayee, Cidi Miyay Diiday 27.Dad Ku Saw Ma Wada Oga, Duq Iyo Dhalaan-ba 28.Afarkalena Waa Dulucda Iyo, Doonistaan Rabo'e 29.Maansada Anoo Derinta Iyo Dalab Ka Dhawraaya 30.Daakhilka Intay Weli Jir-taabaa, Lagu Dadaalaaye 31.Hadiise Debeda Ay Kaa Timaa, Waa Delegantaaye 32.Hubsiimo La'Aan Dad Baa Tiriya, Daadiyoo Quba'e 33.Anse Denbiga Laaxinkaan Tiro, Amase Deel-Qaafka 34.Daalimo Yar Sidiisoo Kalaan, Daadahinayaaye 35.Afartaa Sidaan U Dego Iyo Dan Iska Sheegay Dhe 36.Wax Dinaahiyaa Waa Dameer, Doodan Oo Xidhane 37.Dananka Iyo Gadan Gad Waa Faras Nin daystaaye 38.Ragaan La Dardaarmayee, Gabayga Deeq Siiyay 39.Daljoog dhe ama dan,seeg, Labada Kaad Doonto 40.Tixuhu Waa Uga Dareenoo, Waa La Duufsadaye 41.Kamase Daalayoo Murtida, Waw Daf-tirayaaye 42.Silsiladu Dacda Bile Hagaadhiyo, Degelka Norwaye 43.Ku Disa Kuna Daqiqoo Xikmada, Diinta Uga Eega 44.Afartaasi Waa Daruuri Ay, Guushu Daba Taale 45.Afarkalena Waa Dulucda Iyo, Doonistaan Rabo'e 46.Dalka Markaan Soo Gaadho, Dar Alle Soo Booqdo 47.Derbi Jiifka Aan Kaal Meeyo, Diilal Yadu Hayso 48.Inta Duubka Laysoo Raadiyaa, La Igu Doortaaye 89.Idina Durbaan Kaa Tuntaan, Nala Dawaaftaane 50.Markiise Aynu Wada Doodnay, Xaajo Kala Diidnay 51.Indacaayad Aa Soo Qortaan, Gar Iyo Waa Dawe'e 52.Waxaanu Idin-ku Dal-Dalayee, Doollar Idin Siinay 53.Idinmabaysan Dawayninoo, Wa Dawakhan Teene 54.Arimuhu Intay Dihinyihiinee, Dunida Saamaynin 56.Dib U Wada Tashada Oo Xaal, Duhurka Nookeena 56.Marka Tashiga Loo Duur-Xulee, Rag Isla Doodaayo 57.Doqon Iyo Nin Liitaa U Fila, Dirir Colaadeede 58.Derbi Iyo Dhir Lala Hadlaa, Damac Ma Yeeshaane 59.Dal-joog Yahay Waxii aan Dayrtan Idhi Maanso 60.Dabaylaa Hadaan La hadlilaa, Waa Duri Lahayde 61.Wixiise Dux Aan U Wadaa, Dacar Ka Leefteene 62.Bal Dur-Duurta Maantadana, Deelaka Aan Qoray

UJEEDO: silsilada debed jog iyo degel jog Curiye: Abdikariim Maxamuud Tirsiga; 20 aad

dagal barwaaqo

deelka baxaya maansada dunta ah dooda iyo faanka 1. eray daraya abwaanada dihdiyo maskaxda duugaysa 2. fariin dadan dadkaa soo diree dunida faaqaaya 3. alaylaha da.daydii dalkiyo doorkii iikacay dheh 4. ninka duulay dood uma samee dagalo joogtii dheh 5. deeqsiyaashii nabadiyo samaha daajis qarankii dheh

6. afartaa intaan deel ka raray dagalkd maw saaray 7. dacwadeedii intaan dood ka furay maysku daba taagay 8. afar kalana diraacdoo arlada doog ka soo baxay dheh 9. dall weeyee hadii dirir onkoday dacal ka soo hooro 10. uu dabaasho ciduu dull maro dooga iyo cawska 11. uu darr jiidho dooxadii nugadl darafyadii dheendo 12. uu ku daalo daraygii gal saxar deeble iyo dhuurta 13. uu darr.dhiyo dacawiyo ugaadh idilba duur joogta 14. uu dakeeyo banaanadii xalxalirs daadna kaga yaacsho 15. uu dul.baxo daalo iyo dhulkii bilicda loo daayay 16. uu dawaafo buuraha dadbama dacalka hoosteeda 17. uu duraaxdo dakadii berbera dabaqyadii moodka 18. uuku da.o damashii fankiyo xoriyadii doorka 19. uu dul hoobto duudkii laftiyo dareemadii hawdka 20. uu ku deexdo quruxdii dalkiyo damashii gaaroodi 21. uu dabaalo xareedii dul tiil dooxadii xarafyo 22. qurux daraya daawasho iyo muuq dixida soo booday 23. duunyo naaxday ugaadh doora iyo shinbiro duulaaya 24. diibka farawga daa.uuskoo xarago tamashle daanshooda 25. ninka haysta dagalkaa nimcadu dookhwalba utaalo 26. eedareersha boqol dayr cadoo awrku daba doobyo 27. miyuu dacal istaagaa ninkii quudka dawaraaya 28. ee dul.taagan daasadii fakhriga gaalna daba jooga 29. ee dardhaday baraekii ku da.ay dushana haaraystay 30. ee doorsamay siduu gaal du.liya doc uga quudaayay 31. ee dayacay daliilkii sharciga diintiina aan suubin 32. ee dull.tagin masaajidkoow dikriga daa.in lagu kaashto 33. een ku duxin eedaankii dadkiyo dunida nuuraayay


waa gabay gii labaad aan kaga qaybqaato silsilada dibad joog iyo degal joog curiye : c/raxmaan xasan c/laahi magaalada ;burco taariikhda 24/9/2014 jawaab to abwaan farxaan maxame iyo dhamaan garabka dibad joog raali gelin waxaan ka raali galinayaa dhamaan xubnaha golaha gabaygan oo dib udhac igaga yimi mudo TIRSIGA 21 AAD 34. Duufaan 35. Nimanyahaw dabuub gabay anaan daarin waayadanba Dubaaqayga anoo kajaray deelka maansadaba Dirir gabay markii aan diree debada gaadhsiiyey Nimanbay ka degi weydayoo dacar la leefsiiyee Doodayda gabay iyo murtida hadalka aan daaro Sida malabka doocaan ayaa loo dudubiyaayee Shalay dirir hadduu yaab ahaa amase dood reebay Maantana ragbaan doonayaa inaan ku duulaaye Duufaan ayaan soo wadaa dunida gaadhsiiya Afartaa wax laskuma daree dihasho maansood dheh Hadal daacad loo yidhi murtida da'iyo waawgeed dheh Haddii aan dabuubtiyo udego dulucda weedhayda Nin dalkiisa joogaa ka mudan ruux dal doorsadayee Inkastoo dagaal uudhacoo degalka saameeyey Laga doog dhibtii iyo abtaw diridtii waagiiye Dalka hooyo waa lama huraan dunida maan dhawee Waxa ladilo dulmig qaawan iyo maanto dibad daadsan Danyartiyo agoomaha markuu cadawgu dooxaayey Dibad joogto nimankaa qurbaha debada meeraaya Baqa dirirka waataa farxaan debad uroorteene Dabka huriya mooyee walee daaya may odhan Doolarkiinu waa kii noqday dab iyo baaruudee Hubkaa soo dirteenbaa wax guboo daaray hawlahee Dilaal iyo malaal ayaa tihiin doorshay samihiiye Anagoo dal roon joogna iyo daaro qurux roon leh Soo duula oo kaalayoo debed usoo dhoofa Waa waxaa imbadan nagu dagteen debedyo meertaaye Kumanaan cadaawuhu diloo dooxay ubucdooda Doonyaha halaagsamay badaha meydku degi waayey Saxaraha kuwaa daadsanee diibku ku casheeyey Iyo kuwa ku daa'imay xabsiga dawladna udoodin Magafuhu kuwuu daabulee doolarka uhaysto Idinkaa dilaal ka ah dadkuna waa ogsoonyahaye Dembigaas nimankii falee degelka aafeeyey Oo doodayoo nool ahadana diric ismoodaaye Doqoniimo saw maaha iyo digasho meel weyday? Afartaa taariikhda la dededay dib uga faalood dheh Hadal daacad loo yidhi murtida da'iyo waawgeed dheh Haddaan dulucda maansada udego dulucda hadalkayga Nin daryeela tiisaa tukale daayaca kajiree Waa darajo beel dibad nintegay labada daaroode Derbijiif ayaa wada tihiin dooxyadaa qubanee Taana duuyo kuma raacataan dig kolay tahaye Tana doolar uma soo dirtaan dayaca hawleede Inyaroo dantood garadoo dibicsan mooyee Allaa idiliyee idinkaa kadaran xoolo daaq tagaye Duco waalidkiin kama heshaan daa'im waligiine Maydiinkaa dictoornimo aqoon derejo roon gaadhay Diblo maansi kiinee ahoo dawlad ushaqeeya Waxaan ararta aan kaga degaan hadal kusoo duubay Inkastoo dadbani jecelyihiin debada loo dhoofo Dalka hooyaday waan jeclahay degalka soomaale Docdiisaan ku noolaanayaa daa'im abidkaye Dahab iyo macaadin ayaa daa'im igasiine Iinshaa allaahu daaraan ka kicin dabaqyo dhaadheere Markaasaa dal xiis iigu iman daawashiyo aragee Fiiso kaama doonaayo iyo dhalasho doorsoone Nimanyahaw maruun soo degoo degalka soo booqda Oo daadaha aan idin dhehee daacad isu dhiiba Haddii kale dushaa joogoo debeda meeraysta Oo gaalka baaradu ku taal dawarsadoo tuuga Udacaska idin heliyo qarsada daanadiyo ceebta Oo dooda naga daaya iyo hadalka deelqaafka


RAALI GELIN IYO CUDUR DAAR 1. HADAY JIRTO CID KALE OO GABAY KAGA QAYB QAADATAY DIB HA U SOO GELISO WAANA KA CUDUR DAARANAYAA HADAY JIRTO CID AAN KA TEGEY WAAYO UGU TALA GELIN 2. CIDII DANBE EE KA QAYB QAADANAYSAA HA SIISO TIRSI (LANBAR) ADOO EEGAYA HALKUU KII U DANBEEYEY MARAYEY 3. FG:WELI GABAYADA SILSILAD LAMA KALA SAARIN LAMANA QIIMAYN GUDOOMIYAA: GABYAA MA TAHAY GROUP Ibraahin Siciid Maxamed aad baa u mahadsantihin