Wajigahore

Ka Wikipedia

'CASAAWAJALLAAH NOO GARGAAR WAAN CABSANAYNAA'

Casaawajalla noo gargaar waan cabsanaynaaye Cidii qoomu Luud iyo thamuud amase reer caadba Nabi Nuux kuwii caasiyay ee caadilkaba diidey Cajabtii fircoon lagu dhuftey cadawyadii diinta Kuwii cawdii loogooyay ee ciribta loo siibey Iyo camalka soomaaliyeed wey is celiyaane

Mali`igaha aan cidiba arkayn ciidamada EEBBE Nabigii carshiga laga soo boqrey ee calanka loo dhiibey Iyo caadilkii ina khalqey aan ceebi qabanaynin Kuwa caayay baa nagu jira tawbad celinayne Iyagaa cadaab xoogsadey iyo naar culays badane Inaadan noo caroon baan rabiyow kaa codsanayaa

Cidoo nabada soomaaliyoo caada wada joogta Oo coodka baadiyaha iyo beledku ceegaago Oo calafku taam nooyahay aan ruuxna cabnayne Oo nabadu lagu ciidayaa Baa niman caroodeene Markaaseey colaad maamuleen cudurna beereene Carigoo dhan bey gaadhayoo waaba lays cunaye Cabsi eebaheen iyo ka tage caaqibiyo diine Cuqubada waxii gala ayuun baa lagu ciqaabaaye Inaadan noo caroon baan rabiyow kaa codsanaynaayee

Casar iyo cadceed duhura iyo camal maqaariifta Cishada iyo aroor yada horey cuur adimayaane Masjidadda camiran iyo guryaha iyo bananada ciida Camal falasho waa leenahay iyo diin cibaada lehe Caqli gaabka mooyee rabow caabudkaa badane Inaadan noo caroon baan rabiyow kaa codsanaynaayee

Kuman caydh ah kuman cood yar iyo kuman cadaan waayay Kuman camal la`a kuman caymada iyo kuman ciyaaliina Kuman culimo kumanyaal cira leh kuman curyaamiin Kuman ceebla`a kuman caagan iyo kuman cadaaliina Kuman caamo kuman cudur hayo kuman loo caal waayay Intaas oo kunoo ciirsan oon cidi wax siinaynin Oo adiga kuu cabanayaa caadilkoow jira e casaawajale noo gar gaar waan cabsanaynaaye

casuus bay hawadu leedihiyo ciiriyo qiiqe caad baa ku meegaaran iyo midab camuudeede cirku maleh daruurtii badnayd iyo cigaalkiiye cisho qura intay soo kacdaa bay kala carawdaaye cuqdad iyo walaac baa na galay iyo caloolyowe haddii curasho roob iyo raxmad ciidan helo waayo caatadiyo baahidu dhaqsey noo cawiraayane casaawajalle noo gargaar waan cabsanaynaaye

cosob iyo ugbaad ma leh nugaal iyo cirifyadeediiye cadaygiyo higladii baa gubtiyo cawdhay darantiiye waa culay madow jeexyadii carunka fiicnaaye cirku kuma onkodo dhuudiyo caws ka bixi waaye cidlo weeye labadii bog iyo ceelashii dhexe e cawshiyo deeradii badneyd way ka carareene ciyowga iyo guuguulihii kuma caweeyaane caanihiiyo subigii la waa iyo cadiintiiye casaawajalla noo gargaar waan cabsanaynaayee

allahayow warshadda caadiya oo waaya laga ceesho ama ceelal shidaal ahoo calafka loo doonto ama beera ceenceen ahoo na cokonaysiiya ama dawlad caawima leh oo calan leh oo taagan casiis adiga mooyee inaanan ciirsi kale haysan adigaa cadaan u arkaya oo caarif baad tahaye casaawajalle noo gargaar waan cabsanaynaayee XUQUUQDA GABATGAAN WAXAY U NOQONAYSAA ABWAANKII LAHAA JAAMAC KADIYE