Wayne Rooney

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi
Wayne Rooney

Xidga kooxda Manchester United iyo qaranka Ingiriiska Wayne Rooney waxa magaciisa oo buuxa la yidhaa Wayne Mark Rooney waxana uu dhashay 24-kii October sanadkii 1985,tii waxana uu ku dhashay xaafada Croxteth, ee magaalada Liverpool oo ka tirsan gobolka Merseyside-ka oo ku yaala waqooyi galbeed ee wadanka ingiriiska Dheririkiisuna 1.78 mitir. Rooney waa curadka labada waalid ee Irish-ka ah Thomas Wayne iyo Jeanette Marie,waxana uu ka weyn yahay 2 wiil oo ay walaalo yihiin oo lagu kala magacaabo Graeme iyo John Rooney, Rooney ayaa wax barashada kasoo bilaabay School kuyalaa magaalada Liverpool gaar ahaan xaafada uu kudhashay ee Croxteth Schoolkan oo lagu macaabi jiray De La Salle School. Bilawgii Waayihiisa kubada cagta

Wayne Mark Rooney ayaa xirfadiisa kubada cagta kasoo bilaabay kooxda Everton oo yaraantiisii taageero uu u ahaa jiray waxana markii ugu horeysay lagu daray xidigaha 10 jirada ee kooxda Everton. Dadka Britishka ah qaar ayaa rumeysan in Rooney hooyadii ay wiilkeeda ugueysay kooxda Everton in uu kayaraado Hilibku oo uu dhuubto maadaama oo uu aad u buurnaa waqtigaa balse nasiib wanaag waxa uu noqday ciyaartoy heer ka gaadhay kubada cagta. Kubiiritaanka Rooney ee kooxda Everton waxaa sidoo kale gacan kageystay xidigii hore ee kooxaha Everton iyo Newscastle Duncan Ferguson oo waqtigaan ku noolaa jasiirada Majorka ee wadanka Spain. Ilaa uu kagaadho da,da 17 jirka Weyne waxa uu ahaa mid uciyaarayay kooxda labaad ee kooxda Everton ama juuniyarka waxana markii ay buuxiyay ee uu gaadhay da,da 17-ka sano uu usoo dalacay kooxda heerka 1aad ee Everton. Rooney ayaa markii loosoo dalacsiiyay kooxda koowaad ee Everton waxa uu kooxda lagalay heshiiskii koowaad waxana musharar ahaan Todobaadkii uqaadanayay 80 Euro. kariarahisa sida ciyaariyahan


-Klubb Sesong Liga Cup Ligacup Europa Annet[5] Totalt -Kamper gool ciyaar gool ciyaar gool ciyaar gool ciyaar gool ciyaar gool -Everton 2002–03 33 6 1 0 3 2 – 0 0 37 8 -2003–04 34 9 3 0 3 0 – 0 0 40 9 -Totalt 67 15 4 0 6 2 – 0 0 77 17 -Manchester United -2004–05 29 11 6 3 2 0 6 3 0 0 43 17 -2005–06 36 16 3 0 4 2 5 1 0 0 48 19 -2006–07 35 14 7 5 1 0 12 4 0 0 55 23 -2007–08 27 12 4 2 0 0 11 4 1 0 43 18 -2008–09 30 12 2 1 1 0 13 4 3 3 49 20 -2009–10 29 26 1 0 3 2 5 4 1 1 39 33 -2010–11 27 11 2 1 0 0 8 3 1 0 38 15 -2011-12 18 13 0 0 0 0 4 2 1 0 23 15 -Totalt= 235 115 25 12 11 4 67 27 7 4 345 162 -Totalt= 302 130 29 12 17 6 67 27 7 4 422 179