Xubabays

Ka Wikipedia

TAARIIKH KOOBAN EE DEEGAANKA XUBABAYS Deegaanka Xubabays waxa uu ku yaal Gobolka Bari ee maamul goboleedka Puntland-Somalia waana Deegaan ka leexsan laamiga dheer ee isku xira gobolada Somalia. Deegaanka Xubabays waxaa la aasaasey sanadkii 1997 dii aasaaskii Puntland sanad kahor. Waxa uuna ku yaal dhul dooxooyin ah istiraatiijina ah, waxa ay isku xirtaa bariga fog, magaalada ganacsiga Puntland ee Bosaso iyo dhamaan magaalooyinka laamiga ku yaal.Deegaanka Xubabays waxaa dega beesha Cabdirixiin Saleebaan (Saleebaan Maxamed - Majeerteen).

Waxaa dhinaca bariga ah ka xiga tuuladda Isgorosaar, dhinaca galbeedka waxaa ka xiga tuuladda Xiriiro dhinaca waqooyiga ah waxaa ka xiga degmada Iskushuban, dhinaca koonfurta ah waxaa ka xiga tuuladda Mareer. Waxay magaalada Bosaso u jirtaa masaafo dhan qiyaas ahaan 250KM. Deegaanka Xubabays ayaa ku fadhiya bad ahaan 4km2 (Afar Kilo Mitir oo isku weer ah)

Deegaanka ayaa lagu qiyaasaa dadka ku nool celcelis ahaan 2000 ilaa 2500 Qoys. Dadka deegaanka ayaa ku tiirsan dhaqashada xoolaha nool iyo ganacsiga yar yar.Deegaanka Xubabays Waxaa soomarey laba gudoomiye iyo ku xigeenadooda. Gudoomiyihii ugu horeeyey ee ay yeelato Deegaanka Xubabays ayaa ahaa Salad Ali Shire iyo ku xigeenkiisa oo ahaa Muse Said Ali. Mudo dheer oo ay hayeen xilkaas waxaa kala wareegey Ahmed Ismail Mohamed oo ah gudoomiyaha hada haya xilka gudoomiyonimo ee Deeganka Xubabays iyo kuxigeenkiisa oo ah Ahmed Abdullahi Mohamed Farah oo ku magac dheer (Ganiibo).Deeganka Xubabays ayaa sameysey horumar dhinac walba ah mudadii ay dhisneyd sida:

DHINACA WAXBARASHADA

Dhinaca waxbarasha deegaanku waxa uu leedahay iskool Hoose/Dhexe oo ay dhigtaan ardey gaareysa 213 ardey.Sidoo kale waxa ay leedahay dugsi qur’aan oo ay dhigtaan ardey gaareysa 70 ardey.

DHINACA CAAFIMAADKA

Deegaanka xubabays ayaa iska leh xarun caafimaad oo ay ka hirgeliyeen dadka deegaanka oo kaashanaaya dawlada Puntland gaar ahaan wasaaradda caafimaadka. Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa bil walba Deegaanka xubabays geysa daawooyin kala duwan.

DHINACA BIYAHA

Dhinaca biyaha Deegaanku waxa uu leedahay baraagado hoos u qod ah oo ay ka cabaan dadka deegaanku kuwaas oo roobku xiliga uu roobku do’o biyo geliyaan.Sidoo kale Deegaanku waxa uu leedahay biyo xireen kaas oo roobku biyo geliyo lana isticmaalo ilaa iyo laba bilood.Deegaanka xubabays ayaa la rajeynaayaa sanadka 2020 ka guduhiisa in laga hergeliyo ceel biyood (ceel riig ah).

DHINACA ISGAARSIINTA

Deegaanka Xubabays ayaa dhinaca isgaarsiinta isticmaasha shirkada isgaarsiinta Golis taas oo u fududeysay la xiriirka eheladooda jooga caalaamka wadanadiisa kala duwan, waxaa intaas dheer in ay shaqo abuur ka heleen dhalin yaro kamid ah dadka deegaanka.

DHINACA KORONTADA

Deegaanka Xubabays ayaa layr/ iftiin ahaan u isticmaala solar oo laga helaayaa inta badan guryaha iyo meheradaha , iyada oo la rajeynaayo mar dhow in shirkada Golis ay geliso Koronto.

DHINACA URURADA

Deegaanka Xubabays ayaa iska leh ururo sida:

Ururka Dhalinyarada iyo Ururka Haweenka

Ururka dhalinyarada ayaa sanad walba afar jeer u qabta tartano kala duwan ardeyda dhigta iskuulka iyo dugsi qur’aankaba sida:

  • Tartanka qur’aank kariimka ah laguna abaal mariyo ardeyda kaalmaha hore ka gasha tartanka.
  • Tartan aqooneed oo loo qabto iskuulka Hoose/dhexe ee tuuladda xubabays
  • Iyo tartan kubadda cagta ah oo loo qabto dhamaan dhalinta tuuladda. Ururka Haweenka ayaa ka shaqeeya isdhexgalka bulshada ku nool tuuladda kana qeyb qaata wax kasta oo laga qabanaayo tuuladda Xubabays.

TIXRAAC Waxaa xogtaan inta badan iga saacidey dad deegaanka dagan oo uu ka mid yahay Nabadoon Farah Mohamed Guuleed. Waxaa kaloo kasoo xigtey reports horey ay u diyaariyeen Wasaarada Caafimaadka, Arimaha gudaha, Waxbarashada iyo tan Qorsheynta dawlada Puntland.

W/Q Mr: Ali Abdi Ali (Ali Kiimiko).Former lecturer at Mogadishu University Bosaso campus and Social Activist 

Alikiimiko15@gmail.com