Aamina Jire

Ka Wikipedia
Aamina Waris Sheekh Maxamed Jirde
Aamina iyo Sayigeeda Axmed-Siilaanyo oo Dharkii Waajibaadka Xajka Gudanaya
Booqashada Bulshada ee Aamina Waris
Marwo Aamina Waris iyo Sayigeeda Axmed Siilaanyo

Aamina Jire waa marwada [[Madaxweynihii Soomaaliland] Axmed Maxamed Maxamuud oo ku magacdheer Siilaanyo. Waxa ay Aamina Waris ka mid ahayd hablihii ugu horeeyey ee Soomaaliyeed oo [[dead link]] wax barta. Dugsigeedii Dhexe markii ay dhamaysay waxa laga dhigay ardeydii Nursing baranaysay, wakhtigaasi ka dib waxa ay u baxday Wadanka Ingiriiska, iyada oo 18 Bilood ka baranaysay dugsi A level ah si ay Jaamacaddaha wadankaasi Ingiriiska u gasho. Intaasi ka dib waxa ay Jaamacaddii ku takhusustay Umulisada iyo Nursin-ka, iyada oo ay ku qaadatay shan sanadood iyo badh, intaasi ka dib waxa ay ku soo noqatay Xamar, iyada oo ku xigeen u noqotay gabadh Austaralian ah, waxaana qalliin lagu sameeyey Walaalkeed Cali Jirde oo Maalqabeen ahaa u wareegtay shaqadii walaalkeed. April, 1969, waxa ay is guursadeen Madaxweynaha Somaliland [Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)], oo wakhtigaasi Somalia ka ahaa Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, iyada oo lix Bilood guurkooda ka dib noqday Wasiirka qorshaynta Cadaadiskii Inqilaabka Ciidamada Siyaad Barre ku hayeen dadkii reer Somaliland, Aamina iyo caruurteedu waxa ay u guureen London, intaasi ka dib waxa ay sii wadatay Jaamacadeedii, iyada oo shahaadada labaad ee Jaamacadda (Master) ka diyaarisay wadankaasi, shaqana halkaasi ka bilawday. Aamina, waxa ay wakhtigaasi si weyn uga qayb qaadatay halgankii dalka lagu xoraynayey, iyada oo ka mid ahayd dumarkii qurbo jooga ahaa ee dhaqaalaha iyo taakulada ka soo ururin jiray dibadaha.

Marwo Aamina Waris oo Khudbad u jeedinaysa Bulshada

Ka dib markii dalka lagu soo noqday Aamina, waxa ay noqotay garabka uu ku duulo Madaxweynaha Somaliland (2010- ilaa hadda), Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), iyada oo ka mid ahayd dadkii halganka dheer u galay sidii uu ugu guulaysan lahaa jagada Madaxweynenimo, muddo Sideed sano oo uu guddoomiye xisbi Mucaarid ahaa waxa ay ahayd garabka bar bar taagnaa ee aan ka nasan hawlaha halganka talada dalka lagu gaadhayo. Marwo Aamina Waris, ka dib markii uu Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ku guulaystay jagada Madaxweynenimo 26, June, 2010, isla markaana jagadaasi la wareegay 27, July, 2010, waxa ay ahayd dadka sida weyn heeganka ugu jira horumarinta bulshada, iyada oo qaadatay door muuqdana ka soo baxday caawinta Agoomaha, sidoo kalena goobaha horumarinta bulshada si weyn uga dhex muuqata.

Marwo Aamina Waris oo Booqasho ku tagtay Cusbitaalka, Ilmo yarna Dhabta ku qabanaysa
Aamina Waris oo ka qayb qaadanaysa ololaha Nadaafada Qaranka, Madaxtooyada horteedana Nadiifinaysa
Marwo Aamina Waris oo Ururka SODRA guddoonsiiyey abaal marin kaalinta ay horumarinta bulshada kaga jirto