Jump to content

Abdisalam Farah

Ka Wikipedia

Abdisalam Farah

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Abdisalam Farah (عبدالسلام فرح) (ku dhashay Gobolka Galgaduud, Soomaaliya, sannadkii 1974) waa qoraa Soomaaliyeed[1], mulkiilaha shirkadda Best Language Services Ltd.[2], oo ah shirkad adeegyada luuqadaha oo ka shaqaysa UK iyo caalamka. Abdisalam Farah waxuu sidoo kale Soomaaliya gudaheeda caan ku yahay u doodidda xuquuqda xoolaha; oo kuu ka muuqday barnaamijyo badan oo ka baxay dalka gudahiisa. Waxa uu caan ku yahay buugaagtiisa iyo shaqadiisa horumarinta luqadda Soomaaliga, iyadoo si gaar ah loogu aqoonsaday kaalinta uu ka qaatay eray-bixinta Soomaaliga ee ay adeegsadaan turjumaannada maanta. Shaqadiisa ugu caansan waa buuggiisa la yiraahdo "Korinta Ilmo Madax-bannaan."[3], oo wax weyn u taray waalidiinta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool qurbaha.


Abdisalam Farah
QoomiyadaSomali
ShaqadaAuthor/Linguist/Entrepreneur
UrurkaBest Language Services Ltd.
Shaqooyinka ugu muhiimsanBook (Raising an Independent Child)
Website
https://bestlanguageservices.com/

Waxbarashada Sare

[wax ka badal | wax ka badal xogta]
  • 2001–2004: Jaamacadda De Montfort, Leicester, UK
    • HND ee Injineeriyadda Korontada.
    • Barashadiisa jaamacadeed waxay xoogga saaraysay farsamada, xisaabta sare, iyo isgaarsiinta teknoolajiyadda, taas oo u sahashay xirfad aad u saraysa oo ku saabsan fahamka tiknoolajiyadda iyo hababka cilmi-baarista.

Waxqabadka Qoraalka

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Abdisalam Farah waa qoraa sare oo si gaar ah diiradda u saaray buugaagta aan mala-awaalka ahayn ee waxtarka u leh bulshada Soomaaliyeed. Shaqadiisa qoraalka waxaa hagta himiladiisa ku aaddan sidii uu uga caawin lahaa waalidiinta iyo dhalinyarada Soomaaliyeed inay gaaraan guul iyo madax-bannaani.

Shaqooyinkiisa La Xuso:

  • "Korinta Ilmo Madax-bannaan":
    • Buuggan oo la daabacay sannadkii 2014 wuxuu diiradda saarayaa habka dhaqanka reer-guuraaga ee korinta carruurta. Waxa uu soo bandhigayaa talooyin ku saabsan sidii waalidiintu ugu dhiirrigelin lahaayeen carruurtooda inay yeeshaan madax-bannaani, kalsooni, iyo mas’uuliyad.
    • Buuggu waxa uu gaar ahaan ka caawiyay waalidiinta Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha inay helaan aragti cusub oo ku saabsan korinta carruurtooda iyagoo adeegsanaya hab dhaqameedka Soomaalida oo ay ku dheehan yihiin aragtiyo casri ah.
    • Waxaa laga heli karaa Amazon Kindle, waxaana si weyn loogu ammaanaa waxtarkiisa.

Sannadkii 2012, Abdisalam Farah waxa uu aasaasay Best Language Services Ltd. (BLS) oo ku taal magaalada Leicester, UK. Waxa uu noqday Soomaaligii ugu horreeyay ee si guul leh u bilaaba shirkad bixisa adeegyo turjumaad shahaadaysan oo rasmi ah gudaha UK iyo caalamkaba. Degmada Leicestershire ee dalka Ingiriiska ayaa shirkaddiisa u aqoonsatay inay bixiso addegyada luuqadaha ee ay dadka deegaankaasi u haaban yahiin, iyada oo shirkaddiisa lagu daray qaybta adeegyada ee gobolka.[4] BLS waxa si joogto ah loogu qiimeeyaa shirkadaha ugu sarreeya bixinta adeegyada luqadaha ee UK.

Guulaha BLS:

  • Bixinta adeegyo turjumaad sharci, farsamo, iyo kuwa rasmiga ah oo caalami ah.
  • U adeegista hay’adaha dawliga ah, shirkadaha waaweyn, iyo ururada caalamiga ah.
  • Furashada xafiis rasmi ah oo ku yaalla Muqdisho, Soomaaliya, si loo daboolo baahida sii kordheysa ee adeegyada af-Soomaaliga.

Horumarinta Luqadda Soomaaliga

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Abdisalam Farah waxa uu door muhiim ah ka qaatay horumarinta iyo horumarka luqadda Soomaaliga[5]. Waxa uu gacan ka geystay dejinta eray-bixinta Soomaaliga ee dhinacyada kala duwan, sida sharciga, caafimaadka, iyo farsamada, taas oo sahashay in turjumaannada Soomaaliyeed ay helaan aalado luqadeed oo sax ah oo xirfad leh.

Aqoonsi iyo Saameyn:

  • Abdisalam waxa si weyn loogu ammaanaa dejinta qaamuusyo iyo eray-bixinno si gaar ah loogu talagalay turjumaadda Soomaaliga.
  • Shaqadiisa horumarinta luqadda ayaa wax weyn ka taray sidii loo kobcin lahaa fahamka iyo isticmaalka af-Soomaaliga ee xaaladaha casriga ah.

Xuquuqda Xoolaha

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Abdisalam Farah waxa sidoo kale si weyn loogu yaqaannaa u-doodista xuquuqda xoolaha[6], gaar ahaan gudaha Soomaaliya. Waxa uu ka soo muuqday barnaamijyo badan oo ku saabsan xuquuqda xoolaha oo lagu baahiyay warbaahinta ku hadasha afka Soomaaliga.

Hawlaha Xuquuqda Xoolaha ee la Xuso:

  • Waxa uu ol’ole u galay joojinta dhibaatooyinka xoolaha loogu geysto Soomaaliya, sida daabulidda xoolaha iyaga oo aan helin daryeel ku filan.
  • Waxa uu ku baaqay in la ilaaliyo caafimaadka iyo nolosha xoolaha oo ay Soomaalidu ku tiirsan tahay dhaqaalahooda.
  • Waxaa si joogto ah looga arkaa telefishinada iyo idaacadaha Soomaalida, halkaas oo uu ku faafiyo fariinta ku saabsan daryeelka xoolaha iyo badbaadadooda.

Shaqada Abdisalam Farah waxay saamayn ballaaran ku leedahay bulshada Soomaaliyeed iyo qurbajoogta. Qoraalladiisa iyo turjumaaddiisa waxay isku xiraan dhaqanka, aqoonta, iyo horumarka, halka u-doodistiisa xuquuqda xoolaha ay sare u qaadday wacyiga ku saabsan muhiimada daryeelka xoolaha.


Xiriirro (Links)

[wax ka badal | wax ka badal xogta]
  1. Korinta Ilmo Madax-bannaan
  2. Best Language Services Ltd.
  3. Jaamacadda De Montfort
  4. Society of Authors Profile
  1. [1] Author Profile
  2. [2] Best Language Services Ltd.
  3. [3] Boog: Korinta Ilmo Madax-banaan
  4. [4] Best Language Services in Leicester
  5. [5] Somali Phrases for Doctors
  6. [6] Sheeko Sheegis Mudan