Adna Adan

Adna Adan Ismaaciil (Dhalatay 8dii Sabtamar 1937) Waa umuliso, kalkaaliso caafimaad, Halgamaa , Siyaasiyad iyo wasiiradii u horaysay ee haween ah ee qabatay xilka wasaarada arrimaha dibada ee Soomaalilaand. Sidoo kalana waxa ay ahayd wasiiradii ee u horaysay ee Arrimaha Qoyska iyo Daryeelka ee Soomaalilaand. [1]
Waxa ay aasaastay maareeyana ka tahay Cusbitalka caanka ee Edna Adam ee ku yaal magaalada Hargeysa, Kaas oo ku takhasusay Daryeelka umusha iyo caruurta lana furay 2002dii. [2]
Adna Adan waxa kale oo ay ahayd marwadii Ra'iisal wasaarahii hore ee dalka Soomaaliya sidoo kalana ahaa madaxwayniee labaad ee Soomaalilaand, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. [3]
Buug ay nolosheeda kaga sheekaysayso ayaa soo qortay kuna qoran afka ingiirska soona baxay 2019 "A Woman of Firsts". [1]
- 1 2 https://www.goodreads.com/en/book/show/51029856
- ↑ "Nuqul Archive". Archived from the original on 2019-06-30. Retrieved 2022-09-09.
- ↑ https://www.dailymail.co.uk/femail/article-7356829/Somaliland-midwife-recalls-harrowing-night-mother-paid-friend-perform-FGM-aged-8.html