Astrid Lindgren

Ka Wikipedia
Astrid Lindgren
Astrid Lindgren sanadihii 1960
DhashayAstrid Anna Emilia Ericsson
Nofembar 14, 1907
Vimmerby, Iswidhen
DhintayJanaayo 1, 2002
Stockholm, Iswidhen
ShaqoQoraa
LuuqadSwedish
WadankaSweden
Wakhti19441993
GenreWaxbarashada ciyaaalka, buugaag sawiro ah, himilo madadaalo
Sameeyay
  • Hans Christian Andersen Award 1958

Astrid Lindgren (Af Iswidhish: Swedish: [ˈastrɪd ˈlɪŋɡreːn] ( dhageeyso)) waxay dhalatay 1907 waxayna dhimatay 2002. Astrid waa mid ka mida dadka qoraaga ah ee ugu caansan dalka Iswiidhan.

Buugaagteeda waxaa lagu turjumay in ka badan  90 luqadood oo kala duwan oo addunka ka mid ah.

Qaar badan oo ka mida buugaagta Astrid Lindgren waxa ay noqdeen kuwa caan ah sida filimada iyo TV –yada. Qaar ka mida heesaheeda ku jira filimada waxa ay noqdeen kuwa caan ah. Astrid Lindgren ayaa aliftay heesaha, ayadoo kaalin ka helaysa dadka codka iyo muusiga sameeya. Waxaa kaloo ay samaysay riwaayado ka hadlaya filimada kala duwan ee ay buugaagteeda ka qortay.

Mid ka mid ah buugaagteeda kii ugu horeeyey  waxaa la yiraahdaa (Barnidii iskaalshada dheereey)  (Pippi Långstrump) kaasoo la soo saaray 1945. Buuggu wuxuu ku saabsan yahay gabar timo guduudan oo madax banaan (xor ah). Magaceeda waxaa la yiraahdaa Pippi Långstrump iyo saaxiibadeed Tommy iyo Annika. Buuggan waa midka kaliya ee lagu turjumay Af-Soomaali.

Barnidii iskaalshada dheereed = Pippi Långstrump

ISBN 978-91-974793-6-3

91-974793-6-5     2009

Dhimashadii Astrid Lindgren ka dib waxaa la aas aasay abaal marin la bixiyo sannadkii hal mar si loogu xasuusto Astrid. Abaal marintaas waxaa la yiraahdaa Astrid Lindgren Memorial Award (ALMA-priset). Abaal marintaas waxaa la billaabay 2003, waxayna noqotay abaal marin buugaag oo la bixiyo mida ugu weyn addunka oo dhan, waxaana diiradda lagu saaraa buugta ka hadlaysa carruurta iyo dhallinyarada.

Mareeg[wax ka badal | wax ka badal xogta]

sido kale fiiri[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Isha uu ka yimid [wax ka badal | wax ka badal xogta]