Axmed Cawke

Ka Wikipedia

Axmed Xassan Cawke wuxuu Ku dhashay magaalada wajaale 1943 kii waa rugcadaa saxafi ah oo intabada noloshiisa ku soo qaatay mihnada saxaafada waxaanu ka soo shaqeeyey Raadiyo Muqdisho,BBC,VOA, Honecable iyo Universal Tv.

Wuxuu sidoo kale ka soo shaqeeyay Telafeshinkii Soomaaliya, kadibna wuxuu noqday Afhayeenkii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ilaa burburkii soomaaliya sanadii 1991.

Axmed xassan cawke waa nin inta badan lagu tiriyo wariyeyaasha fiican dhanka majaajilada weecsan waayo waa nin aad iyo aad af ka soomaaliga ugu hadla adeegsadana oraah inta badan la jeclaysto.

Allaha unaxariiste wariyuhu wuxuu geeriyoday taarikhda markey ahayd 17 November sanadkii 2015.

Wariyaha waxaa aad loogu xasustaa dadaalkii dheeraa ee u galey dib uso celinta qaranimadii somalida asago adeeksanaayo xirfadisii wariyenimo. Wariyaha wuxuu caan ku ah bashaashnimo iyo fidinta wararka midnimada keena.

Waxaa aas qaran looga sameyay Jamhuriyada Somaliland. Waxaa kamuuqday aaska wariyaha hubnaha madaxda ka ah xisbiyada mucaaridka iyo qaybo kamid ah muxaafudka Somaliland. sido kale waxaa lagu maamusay tacsida wariyaha qoraal kasobaxay Madaxweynaha Jamhuriyada dowlada federalka Somalia Xassan Shiekh Maxamuud oo sheegay in Cawke, uu baal dahab ah ka galay taariikhda ummadda Soomaaliyeed. .

Aaska wariyaha waxaa sido kale jogey Madaxweynaha dowlada ismaamulka somalida ee Ethiopia.