Jump to content

Axmed kayse

Ka Wikipedia

Axmed-kayse Ducaale Cabdalle, AHN, samir iyo iimaan qoys, qaraabe iyo qaranba. Maanta ayuu geeriyoodey. USA ayuu ku noolaa waayadii dambe.

Waxa uu ka mid ahaa hormoodkii SNL. Waxa uu xubin ka ahaa weftigii London loo diray ee qaadashada gobannimada soo saxeexay.

Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Axmed-kayse Ducaale Cabdalle waxa ay metelayeen SNL, Cali Garaad Jaamac iyo Xaaji Ibraahim Nuur na waxa ay metelayeen USP, AHN, idilkood maanta aakhiro ayay ku wada maqan yihiin oo Axmed-keyse ayaa u dambeeyey.

Axmed-keyse waxa uu ka mid ahaa barlamaankii ugu horreeyey ee Somaliland ee Feb 1960 la doortay. Burco ayuu ka soo baxay. Waxa uu xubin ka ahaa afartii wasiir ee ugu horreeyey ee Somaliland, waxanu noqday wasiirkii ugu horreeyey ee beeraha markii uu is raacu dhacay ee Hargeysa iyo Muqdisho ku mudoobeen jamhuuriyadii Soomaalida, 1st July 1960.

Axmed-keyse waxa uu iska casiley xilkaas wasiirnimada ka dib markii ay xukuumaddii Aadan Cabdalle Cismaan is la garan waayeen qorshihii siyaasadda beeraha ee jamhuuriyaddii curdinka ahayd.

Danjire ayuu muddo ahaa Axmed-keyse, waayadii dambena waxa uu ku noolaa USA oo uu maanta xaqii ku haleelay. AHN. Aamiin.

Axmed-keyse waa ninka taagan ee timaha jilicsan ee ilka caddaynaya.