Ayaanle cayr
Hordhac
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Ayaanle waa laf ka mid ah beesha Cayr, Habar Gidir. Ayaanle waa laf beeleed aad u tira badan laguna sheegaa inay iyaga u badan yihiin beesha balaaran ee Cayr dagta Koonfurta, Waqooyiga, Galbeedka iyo bartamaha Soomaaliya iyo Dowlad Deegaanka Soomalida ee Ethiopia. Ayaanle waa laf beeleed mug iyo taariikh ku leh Somalia iyo guud ahaan taariikhda Somaalida. Beesha waxay kamid tahay ama koow ka tahay beelaha Soomaaliyeed ee deegaanada Soomaalidu degto kuwa aadka looga sharfo ha noqoto mid gobanimo u dirir iyo midkalaba, waxaana ka dhashay halyeeyo caan ka ah guud ahaan gayiga ay Soomalidu degto. Taariiqda beesha ay leedahay maaha mid halkaan lagu soo koobikaro balse sharaxaad kooban waanu ka bixin.
Dhalashada beesha iyo siday u kala baxaan
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Beesha Ayaanle Cayr waa beel ka tirsan beel weynta cayr maxamed. Dad badan ayaa mooda in odayga Cayr Maxamed uu toos u dhalay Ayaanle balse sidaa maaha. Cayr maxamed iyo Ayaanle Caroole dhowr fac oo odayaal ah ayaa u dhaxeeya balse dadka ayaa Ayaanle Cayr isaga waca, abtirka saxda ee beesha waa:
Ayaanle, Caroole, Axmed, Samadoor, Dhowrakace, Abti-Edeg, Mucle ''Tolweyne'', Cayr Maxamed, Madarkicis, Hiraab.
meeshaan ka eego wada dhalashada iyo kala dhashada beesha Cayr (beel).
Ayaanle Caroole waxaa la sheegaa in waagii uu noolaa in aabahiisii Caroole Axmed inuu u duceeye wiilkiisa Ayaanle owna ugu duceeye inuu helo owlaad tiro badan oo guusha la derista xaqa ilaaheyna ku dirira. Waxaa sidoo kale loogu duceeye inay noqdaan qaac aan la qaban karin oo loola jeedo inay noqdaan dad aan dhabar go'in.
Ayaanle Caroole sheekooyin dhowr ah ayaa ka jira dhalashada beesha waayo waa beel miisaan culus leh oo beelo qaar ah rabi lahaayeen inay ka mid noqdaan balse Ayaanle sida dhabtaa waa dad Caroole Axmed ah oo Cayr Maxamed ah.
Odayga Ayaanle waxaa dhalay Caroole Axmed iyo Hooyadiisa Faadumo Xassan Gaalshireed oo u dhalatay beesha Mareexaan walaalahiisa waxaa kamida Babaanshe Caroole iyo Suubiye Caroole oo ay isku bah yihiin iyo Cabsiiye Caroole iyo Caalin Caroole(Reer Ugaas) oo ay Aabo wada wadaagaan.
Odayga Ayaanle Caroole waxuu ku aasan yahay Gobolka Mudug qaas ahaan meel la dhaho Geed Jimcaadkii Ayaanle oo ku taala degmada Xarardheere meel xoogaa yar banaan ka ah Magaalada Xarardheere oo ah meel geed aad u dheer oo weyn leh oo Xarar ah, waxuu dhalay 3 wiil keliya oo labo bah kala ahaa waxayna kala yihiin
- Weheliye Ayaanle oo loo yaqaan Cumar Weheliye
- Fiqi Cumar Ayaanle oo loo yaqaan Fiqishini
- Eybakar Ayaanle oo ah Yaraanka Ayaanle
1.Cumar Weheliye
[wax ka badal | wax ka badal xogta]-Reer Liibaan (Liibaan Maxamuud)
-Reer Ciyoow (Ciyoow Maxamuud)
-Reer Ilmo Adeero cumar oo ka kooban jufooyin ilmo adeero ah oo Cumar Weheliye ku wada abtirsada oo la isku geeye si ay magta iyo qaaraanka si fudud u bixiyaan kadib markii ay dagaalo faraban ku le'deen.
2.Fiqishini ama Fiqi Cumar Ayaanle
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Fiqi Cumar waxuu ahaa nin Fiqi ah oo diinta si fiican ugu soo bartay magaalada Harar ee Ethiopia ku taal oo ahayd xarun diimeed waayihii hore. Waxuu ahaa nin Sheikh ah oo dadka diinta iyo quraanka bara weliba waxaa la sheegaa in uu aad u baray quraanka dadka uu ka dhashay iyo qolooyinka uu hadhow la dagay ee dega Sool iyo Sanaag. Waxuu ku aasan yahay degmada Xudun ee gobolka Sool waxuuna dhalay 3 wiil laakiin 2 wiil ayaa ka faracmay keliya midka saddexaad waa wiilkii sababta u ahaa inuu odayga fiqi Cumar u carro kaco inuu dego Sool oo ay maanta si xoogleh faraciisa u dagaan. Labada wiil waxay kala yihiin:
-Xassan Fiqi Cumar (Kuuloow) oo degan Galgaduud iyo hiiraan.
-Iyo Ismaaciil fiqi Cumar oo ay ka soo jeedaan afarta ardaa ee beesha Fiqishini ee degan gobolka Sool ahna xooga iyo tirada Fiqishini.
3.Eybakar Ayaanle
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Eybakar waa yaraanka Ayaanle Cayr da' ahaan waxuuna dhalay 2 wiil oo oo sii kala noqda reero tiro badan sida walaalahood kale. labada wiil waxay kala yihiin
1-Maxamuud Aybakar(Reer Maxamuud Qurbac)
2-Weheliye Aybakar(Reer Weheliye Dheere)
Taariikhda Beesha
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Beesha Ayaanle Cayr waxay leeyihiin taariikh aad u fog oo ummada Soomaaliyeed taariikhdeeda ka mid ah. Beeshaan waa beel lagu tilmaamo inay hormuud u yihiin walaalahood Cayr Maxamed iyo guud ahaan Beesha Habargidir. Ayaanle waxaa lagu tilmaamaa inay yihiin dad geesiyaal ah xaga dagaalka iyo cadow la dirirka. Waxaa ka dhashay Saraakiil ka dhex xusan taariikhda Soomaaliyeed oo la diriray cadowga ummada Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin General Maxamed Nuur Galaal, General Abdulqadir Cali Diiriye 'Subxaanyo', General Maxamed Xaashi Maxamuud 'Shabeel', Korneyl Xasan Daahir Aweys iyo rag kaloo fara badan oo Somalida usoo hoye taariikh lama ilaawaan ah. Waa dad Soomaalinimada ay ku weyntahay, naceb dulmiga oo mar walba xaqa iyo cadaalada raadiya.
Taariikhda beesha isticmaarkii ka hor
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Cabdille Faarax Caddow Goroyo ''Cabdulle Guure''
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Dagaalkii lafo gumcadle
Xiligii imaamadii Hiraab jirtay waxaa beesha Cayr hogaanka u haaye beesha Yabadhaale Cayr oo ah jufo kamida jufooyinka beesha Cayr oo xiligaas beesha Cayr ugu tirada iyo xooga badnayd. Nin la dhihi jiray Cabdulle Guure oo u dhashay beesha Yabadhaale ayaa qarnigii 1700 hogaanka u qabtay guud ahaan beesha Cayr. Cabdille waxaa lagu sheegaa inuu ahaa nin adadag oo hogaan adag leh oo aanan la jabin Karin markii fooda la is daro. Waxuu ahaa nin dagaal badan, mar walbana tolkiisa Cayr ayuu ku tashan jiray inay u dagaalamaan oo ay difaacaan saldanadiisa iyo guud ahaan Saldanadii hiraab uu ka tirsanaa balse waa lagu kala dheereyn jire hiilka isaga loo galo qoys ahaan.
Cabdille waxaa lagu sheegaa inuu ahaa ninka keliya ee beesha Cayr wada xukuma taariikh ahaan warkiisana ay dhageystaan kuna dhaqmaan. Somali baa tiri dad waxaa laga warsadaa nin u taliye iyo nin u martiyay Cabdillena waxuu u taliyey beesha Cayr beesha Ayaanlena si gaara ah ayeey isagu ula socdeen oo beelaha kale uga soocnaayeen.
Goor u talinaaye Cabdille Guure, niman u dhashay Beesha Ogaadeen gaar ahaan jufada Makaahiil ayaa soo dagay dhulka ay beesha Cayr degnaayeen iyagoo abaaru keentay waxaana soo dajiyey Cabdille Guure oo Somalinimo ku soo dhoweeye waxuuna dejiyey deegaanka Bulacle loo yaqaan oo dhuusamareeb bari ka xigta waxuuna u ogolaaday inay dhulka daaqsadaan xoolahooda biyuhuna ka cabbaan ceelasha. Muddo sideey dhulka u joogeen oo ilaa heer loo ogolaaday inay boqorkooda ku caano shubtaan oo la oran jiray Xersi Fiin. Deegaanka Bulacle oo xarun u ahayd beesha Cayr ayee waxay ragii Ogaadeen ee la soo dhoweeye dileen niman u dhashay Ayaanle Cayr weliba Reer ilmo adeero u badan oo ka dhashay jufooyin la dhaho reer xuseen gurumo iyo reer aamin.
Nimankii Ogaadeen waa laga dabo ergeeye waxaana lagu yiri magta iska bixiya oo meesha nabad nagula jooga. Nimankii Ogaadeen ayaa waxay arinkii meereystaan waxayna bilaabeen ineey santaag iyo kibir ugu jawaabaan nimankii ergada ahaa ee ka socday beesha Cayr. Muddo sidii looga dabo ergeynaaye ayaa Cabdille waxuu bilaabay abaabul ciidan iyo guubaabo waayo waxuu ahaa hogaamiye naceb bahdilka iyo islaweynida. Cabdille intuu abaabulka waday jufooyin qaar ah ee beesha Cayr ayaa dagaalka ka baaqday oo qaarka ay kamid yihiin jufada Yabadhaale ee Sabuux wace uu isaga ka dhashay oo u kacay dhinaca bari iyo Xarardheere.
Cayrku beel ahaan waa beel aad u dhib badan xaga talada dhexe weyna adagtahay in xil, xayndho iyo ciidan Cayr ah meel la isugu geeyo si ay arin u wada dhameeyaan ama ka soo baxaan. Cabdille intuu abaabulka waday beelo badan oo Cayrka ah ayaa liicay kaalintii laga rabay inay ka soo muuqdaan si loogu aaro nimankii laga dilay. Ugu dambeystii Cabdille waxa uu go'aansaday inuu gabay tiriyo oo guubaabo ah asoo ka xanaaqsan sida ay Cayrka u kala gaabiyeen balse ku dhaartey inuu aarsan doono intuu Ayaanle garab ka helaayo oo waagaas ahaa beel aan aad u badnayn. Waxuuna gabayga u dhacay sidatan:
''Eebow Ayaanlaan kuu ahay odaga aan sheegto
inta kalana uurkiyo afkey iga inkaaraane
Nimankii idiinta u ekaa amase Reer Aamin
alashoobyadii Reer Xuseen soo angaraf maahan
asaraarka aadamigaa waa loogu dowgalayee
ilaahayow inaan aarsadaa wey ii ekoontahay''
Cabdille waxuu guubaabada sii raaciyey intaan asigoo Ayaanlaha kicinaayo markuu hiil ka waayey Cayrka kale:
''Aaway gaadiyo guufiyo Guuleedkii gadfanaa ee gabuun qaadka badnaa
Aawaya geesa cagaartii reer Xuseen gurumo
Gurboodkii yaryaraa iyo Maxamuud Gondaweyne
Geesi yaalkii tolkeey iyo meeye geeyshkii Ayaanle?
Gulufkaan geli dooniyo keena gurmadka
Ninkii Gaabiyey caawee gadaal uga laabtay
Gabadhuu dhali dooniyo geyaankeena hadhow
Guur waa ka mamnuuc!''
Cabdille markuu leeyahay ninkii gabiyey caawee gadaal uga laabtay waxuu ula jeedaa cidiisa ee dagaalka diiday.
Ugu dambeystii Reer Ayaanle waxii ay waran iyo falaar heysteen intey gurteen ayeey Cabdille raaceen oo ay dagaal kula galeen nimankii gardarada ku laaye raggooda. Dagaalka dhowr maalmood buu socday farahana waa la isaga gubte waxuuna ka dhacay deegaan isku xirkiisa tahay 1200km2 oo u dhaxeeya Ina med, Cadaxaar, Lafo gumcadle, Kediye, Afweyn, Bulacle oo Dhuusamareeb Bari ka wada xiga ilaa Xaduuda itoobiya deegaanada kala ah Ceel Habreed iyo Xamar tuurad oo ahayd meesha lagu qabtay Xersifiin oo ahaa ugaaskii Makaahil waagaas boqol rag ahna lagu yiri soo wareeji hadaa nabad rabto oo dibna looga laaye.
Cabdille baa waxuu yiri: Boqol rag ah ii bixi Xersi fiinow
Xersifiin boqolkii rag wuu bixiye asiga oo aan rabin inuu baxiyo.
Xersifiin waxuu yiri asigoo careysan: Cabdillow waad i gumeysatee gun alahaa kaa dhigo waxaana alle ka barye inuusan bahdaa(Cayr) boqol ka reebin.
Cabdilaa u jawaabay oo yiri: Xersifiiin doqon baa tahay hadaad xidigaha iyo ayaamaha wax ka ogtahay waxaad ogaan lahayd in xalay xil iigu dambeyse *Tolweynaana* xilka la wareegaayo ee boqolka nin soo wareeji.
boqolkii nin iyagoo la soo wareejiye ayaa isla bartii lagu dilay iyagoo laga aaraayo kibirka iyo dagaalka ay la galeen beesha Cayr.
*Tolweyne* waa 9 Kamida 10ka jufo ee Cayr maxamed marka laga reebo Beesha Yabadhaalo oo waagaas aad u badnayd lana ekayd Cayr intiisa kale.
Ugaaskii markii dagaalka looga adkaaday Cabdulle Guure gabay buu raaciye oo uu ugu baanaayo inuu ka adkaade Xersifiin waxuuna yiri:
''Ugaaskii Xaglaha weynaa xaaluf baa galaye
Xersifiin ma soo dhugan wuxuu xoolo soo tubaye
Xunbo daadataa laga dhigiyo xoor dabeyl helaye
Xir galoolan baa lagu celshiyo xagar madowgiye
Aniguna xanaaq baan qabaye xuliye teydiiye
Xagga xabashidu ukacey ninkii godobta noo xeeray
Xayawaanka sida fardaha xamarka mooyaane
Xiliyada kuleylkaa xil baa saaran gooniya'e''
Waxaa xaqiiq aan la difiri karin ah in ciidanka horintiisa ah ee uu Cabdille Guure ku tashan jiray ay u badnaayeeyn Reer Ayaanle sida odayaasha beesha isku raaceen ciidankaas oo isaga u noqday garab iyo gaashaan uu isaga dhiciyo rag badan oo xifaaltan beeleed kala dhaxeeye sida Samatar dhaandhoobe, Jaqe iwm.
Cumar Oreey
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Cumar Oreey waxuu la xili noolaa Cabdille Guure qarnigii 1700 oo isaga iyo Cabdille Guure ayaa taariikh badan dhex martay balse isagaa hadhow beesha Ayaanle hogaamintoodu la wareege markuu Cabdille da' gaaray. Cumar Oreey waxuu u dhashay reer ahaan Beesha Cayr gaar ahaan Reer Ayaanle Reer Oreey waxuuna ahaa nin abaanduul ah oo reerka ku hogaamiya iska caabin iyo iska celin markii lagu soo duulo. Cumar Oreey waxaa deegaanka uu joogey oo ey wada degnaayeen Hawiye iyo daaroodba looga yaqaane inuu ahaa nin birlab ah oo aanan laga lib keeni karin. Cumar Oreey waxaa fariisin u ahaa meel ka hooseysa magaalada Ceelhuur ee gobolka mudug oo maanta loo yaqaan Burkii Cumar Oreey. Burkii Cumar Oreey waa meel weli loo dalxiis iyo booqasho tago ilaa maanta iyadoo la xusayo Cumar Oreey sideeda kalena waa meel aad u qurux badan.
Waagii uu Cumar Oreey noolaa Cabdulle Guurana uu noolaa waxaa mar dhacday in Jiilaal adag cida Cayr habsato. Cumar Oreey nin culumo wuu ahaa balse wuu dagaalami jiray oo tolkiisa ayuu gardarada ka difaaci jiray waxaana jirta oraah caan ka ah gobolada dhexe oo ah ''Cayr waa culumo, Culumadoodana waa dagaalamaan wax iyaga ka adagna Alle baa jira.'' Cumar Oreey oo xidid la ahaa Beesha Mareexaan derisna la ahaa ayaa waxuu beesha Cayr kula taliye iney u guuraan dhulka mareexaan oo roob ka da'ay oo iyagu dhulkooda sararta ku haaye. Waxuu yiri ''War heedhe Cabdillow Cayrka abaartu haku horinine dhinaca mareexaan baa roobkii maraye axdina waan la galaye na mariya aan Awrta ku furane dhulkooda'' Cabdille waa u cuntamis weysey waayo waxuu yiri
''Roobka dhulka mareexaan maray oo daruurteeda hadeer dusheena saarantahay waxba haka cararinee abaarta, ilaahey wuu noo jeedaa aan halka naga ku sugano roobka waan ku heleynaaye''
Wuu diiday Cumar Oreey cidiina wuu la guuray. Nin Gabooye ah oo mareexaanka la degnaa baa inta u yimid Cumar baa waxuu yiri ''Caano iigu shub dhiisha saaka kadib inaan la iga siin baan u maleynaya'' oo ah digniin in lagu soo aadan yahay oo la dhici doono halaha. Cumar Oreey wuu fahme digniinta waxuuna Geelii iyo cidahii usii daayey dhinaca Cayrka oo abaartu heysate. Geelii inteysan gaarin dhulka Cayrka degnaa ayaa nimankii Mareexaan soo duuleen waxeyna dhaceen Geelii waxii ay ka gaari kareen intii Kalana dhulkii Cayrka ah ayeey galeen. Cumar Oreey iyo intii la socotay oo qeylo dhaan ah ayaa u laabtay Cabdille Guure iyagoo leh waana la dhacay. Cabdille wuu hadlay waxuuna yiri asigoo Cumar Oreey ku xanaaqsan
''Axmaqyahow caqliga gaaban lihi Awr la' baa maanta tahaye
Maku iri ha degin irdood iyo Ximan ileygooda (Oo bari uga aadan dhuusamareeb)
Maku iri Orshe markaad maree Awrta dib u laab
Maku iri Afweyne haku furin adigu malaheyne
Maku iri Axdiga la isku maray beyd kama abuurna(Oo uula jeedo mareexaanku axdi ma ilaaliyaan)
Aamina rasuulka iyo halkuu ina Oreey joogay
Maku iri axdiga la isku maray beyd kama abuurna
Maku iri nin aradood qaboon eedin lama sheegin.''
Dagaal ayuu u kacay Cumar Oreey asoo tolkiisa wata waxaana gacanta mareexaan laga fara maroojiyey geelii ay dhaceen, geel ay iyagu lahaayeen iyo Ceelkii Gujaale oo Mareergur maanta loo yaqaan kadibna ay soo dageen beesha Cayr. Ninka mareexaan ee waagaas Mareexaanka hogaan u ahaa waxuu ahaa Samatar Dhaandhoobe waxuuna ku calaacale
''Ceelkaa gujaalow hadii lagugu gaafeysto goorba qolaad ku raacdaba hadaan gacalo kaa dhowro'' Gacalada waxuu ula jeedaa seedigiisa Cumar Oreey oo ceelka isaga kala wareege. Ceelka gujaale waxuu ahaa Ceel ey beelaha Gobolada dhexe dega oo dhan ka wada cabaan waxaana Ceelka qoday Ajuran kadib waxaa la wareege Sheikhaal waxaa sii xigay Mareexaan waxaa la sii wareegay Habargidir Cayr oo ilaa haatan gacanta ku haaya.
Waxuu dagaal iyo difaac wadaba waxaa reerka uu ka dhashay ee Hawiye u caadaa ineysan faanin oo dadka iyaga usoo baxa eysan qaad qaadin magaciisa iyo taariikhdiisa. Cumar Oreey waxuu qabay 4 naag oo Daarood wada ah iyaga ayaana mar uga marag kacay ninka libaaxa ah ee uu ahaa iyagoo isla cidiisa dhaliilayaan. Mid ka mida naagaha daaroodkaa uu qabay ayaa waxey dhaheen:
''Cumar Oreeyow Hawiye noqo isma laheyne ilaahey baa kaa dhige'' oo ey ula jeedo hadaa Daarood maanta ahaan laheyd oo Hawiye ku dhigi laheyd waxaa tolkayaga ku dhigtay magacaada geyi walbo waa la gaarsiin lahaa. Cumar Oreey waxuu ahaa nin culumo ah balse nin abaandula oo gobolada dhexe taariikh ku leh xaruntiisana ilaa maanta ayaa la booqdaa 250 Sano kadib faraciisana aad ayeey u badan yihiin maanta waana reer dhan oo Ayaanle laga yaqaan.
Baayac mushtarnimada Beesha(ilbaxnimada)
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Beesha Ayaanle kahor intaan gumeysiga dalka soo cag dhigin waxeey ahaayeen dad dhulka Soomalida degta ku dhaqan oo dhaqanka Soomaliyeed ee xoolo raacatonimada iyo reer guuraanimada ku dhaqan sida Soomaalida kale.
Guud ahaan beesha Cayr iyo Hawiyeba weligood waxey ahaayeen reero la macaamila dunida kale oo la ganacsada dalalka kale goor hore iyo haatanba. Waxaan ka soo xiganay Odayo dhaqameed u dhashey beesha Ayaanle in waagii hore ey jireen rag beesha ka tirsan oo dalal kale u safri jiray waxna ku kala iibsan jiray dalalkaas iyagoo badda doon ku maraya ama dhulka xeebaha Somalida waxooda ganacsiga ah la tagaya halkaana ka ganacsanaaya. Beesha Ayaanle baayac mushtarnimadooda waa mid xadaari ah oo ilaa goor ey reer yar ahaayeen ayeey dalka banaankiisa u ganacsi ugu safri jireen waxaana laga gartaa in odayada ey ku kala abtirsadaan reeraha hoos uga daga beesha ey reerahaas odayaashoodu ku sheegaan iney ganacsan jireen markii ey Xajka tagaan. Waxey sidoo kale ku ganacsan jireen dhulalka Somalida sida magaalada Harar oo aheyd xarun Ganacsi, Magaalada Zeylac iyo Magaalada Berbera.
Dalalka ganacsiga ugu badan ee beesha ku ganacsan jireen waxuu ahaa dalka Yemen weliba magaalada Cadan ilaa goortii uu ingiriis ka soo dagay Cadan uu Xoghayaha Bulshada Somalida ee Cadan u wakiisheen ni Ayaanle Cayr ah oo Fiqishini ah iyo Wadanka Cumaan oo u talineyse qeybo kamida dhulalka Africa waagaas. Waxyaabaha ey ka ganacsan jireen ayaa waxaa kamida Qaxwada, faan maroodida, Baal Goroyo oo carabtu aad u jecleed, Dharka, Dhagorta xoolaha weliba idaha, Subaga, Biraha, Maacuunta deeganada iyo guud ahaan xoolaha. Waxyaabaha qaar ey ku badalan jireen waxaa kamida Xawaajka, Dahab, Biro, dhar ey gashtaan, cilmi ey bartaan, hub iyo waxyaabo kaloo badan.
Talada guud ee beesha Ayaanle waxaa goyn jire Ugaaska beesha Cayr oo hada toban oday soo tixan. Beesha waxey hogaamo u gaar ah yeelatay kadib markuu isticmaarka dalka soo galay eyna noqdeen beel aad u tira iyo xoolo badan waxii markaas xige oo kaligood magta iska bixin kara.
Nabadoonadii ugu horeeye ay yeeshaan beelaha Ayaanle
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Ka hor intuusan gumeysiga dalka Somalia soo caga dhigan beesha Reer Ayaanle waxay ahaayeen beel hoos timaada Ugaaska Cayr oo ay weli hoos joogaan xukunkiisa. Hase yeeshe waxaa xiligaas soo if baxay baahi loo qabo in beesha yeelato talo hoose iyo nabadoono ka taliya danaha beesha sababo la xiriiri beesha oo aad u balaaratay iyo guud ahaan beesha Cayr oo noqotay dad aad u fara badan oo hal ugaas uusan arimahooda xallin karin. Waxaa la doortay 6 nabadoon oo talo dhexe ku lahaa arimaha beesha.
Nabadoonada beesha Ayaanle waxey kala ahaayeen:
Nabadoon Diini Beereed oo u dhashay jufada Weheliye Dheere hadhowna
Nabadoon Sheikhdoon Cismaan Qeylo oo u dhashay jufada Reer Qurbac
Nabadoon Coloow Aftaag oo u dhashay jufada Reer Ciyoow
Nabadoon Mataan Axmed 'ilkoweyne' oo u dhashay jufada Reer Liibaan
Nabadoon Kaariye Kheyre Geedi oo u dhashay jufada ilmo Adeero
Caaqil Maxamed Cabsiiye oo u dhashay jufada Fiqishini oo taladiisu gaar u ahaa.
Sikasto haloo qeybiyo beesha weligood waxey ahaayeen dad isku duuban oo weligood gumeysigii dalka soo galay ka soo horjeeda mowqifkooduna waxuu ahaa Soomaali oo xor ah. Beeshu waxay aad uga soo horjeeday gumeysiga Koonfurta Somalia ka jirte gaar ahaan Ceelbuur iyo agagaarkeeda oo ey beeshu degnayd. Gumeystaha Ceelbuur Talyaani u fadhiye ee magaciisu ahaa Captain Carolei waxaa dilay 11 oo Beesha Cayr ah weliba Ayaanle u badan.
Cigayoon
[wax ka badal | wax ka badal xogta]"Maandhow Hawiye maanan diran maanta ka horowe..."
Allah ya raxma Cigayon Maxamed wuxuu ka mid ahaa kumaanyaalkii Darwiish ee beesha Fiqishini uga qayb galay halgankii Boqor Diiriye Guure magac iyo guulna u soo hooyey Soomaalida degen Geeska Afrika.
Inkastoo suugaanta iyo taariikh ururinta Soomalidu reer keliya gacanta u galeen hadana waxaa laga dhex helaa mid sida xabad hadhuudha uga badbaado naxariisdarada is weydaarka mooyaha iyo tibta!
Cigayoon Maxamed oo Noolaa bilowgii qarnigii 19aad ma ahayn oo keliya mujaahid Darwiish ah ee wuxuu ahaa gabyaa ka mid ahaa khusuusidii ka ag dhoweyd sayidka ee uu talada iyo xogtaba weydiin jirey.
Sida la malaynayo hilaadii 1901 ee qarnigii hore mar ay halganka Suldaan Diiriye Guure xoogiisu bilawga ahaa ayaa Sayidku u direy Cigayoon dhulkii ay maamulayeen isticmaarkii ingiriisku iyo inuu xog ka keeno gumaystaha iyo dadkii uu sayidku markaa u aaminsanaa iney midiidin u ahaayeen ingiriiska iyo xukunkiisa.
Sayidku guubaabo Dhiirragelin, iyo tilmaanba siinaya darwiishkaa ayaa Wuxuuna ku yidhi:
''Maandhow Hawiye ma aanan diran, maanta ka horoowe
Bal inaad halyey leedihiin, la hubsan dooneeye
Heelkaa horeetana Ilaah, hogol ha ka siiyo
Geelkii Hargeysaad baruur, ka hirqan doontaaye
Iiddoor waa hanfade, oo ku hubsan maayaane
Hadey haybta kugu sii badshaan Habarjeclow sheego
Hannaad baa Ilaahay ka dhigay, hoos u farara e
Meeshay ku haasaawayeen, horay u sii joogso''
markuu ala yaa raxma Cigayoon soo noqday isagoo Sayidka u warramayana wuxuu yiri:
''Sayidii geddoodii la baray gaala qurunleeye
Soo guure oo waxay degeen Dabagallooleeye
Wuxuu gaashka dhow damacsanaa Gobolkii dheeraaye
Waagoo guduutay alaab gibila qaataan e
Gubniyuu u kala joojiyaa gegi habaas weyne
“Goo” iyo wuxuu “Raydh” lahaa waanan garaneyne
Gudub bay u fuulaan fardaha gaban sidiisiiye
Sayiddii darmaan gaaxsanaa gaari mahayaane''
Dilkii gaalka fadhiye degmada Ceelbuur sanadka 1925
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Cabdulle Ciroobe
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Cabdulle Waxuu qeyb ka ahaa 11 Nin oo u dhalatay Beesha Habargidir Cayr welibo Reer Ayaanle oo abaabul ku sameye dilka gaalkii fadhiye Ceelbuur(El-bur) ee la oran jirey Captain Carolei.
Xiligaas waxaa gaalka Ceelbuur fadhiye la shaqeynaye nin la dhihi jirey Ghelle Galaal oo adeer ugu aadan Gen. Maxamed NUUR Galaal. Waxuu bilaabay abaabul lagu dili lahaa gaalkii uu isaga u shaqeynaaye. Maalintii loo qorsheeye in la dilo gaalka waxaa gudaha u galay gaalka 3 nin oo 11kamida oo kala ah dhicishow faarax axmed, Ghelle Galaal iyo cabdule ciroobe 8 nin ee soo harte waxey joogeen bananka waxeyna kuwa gudaha ku jire ka ilaalinaayeen ciidanka talyaaniga oo banaanka jooge ee waardiye u ahaa Cap. Carolei si eysan isaga u badbadin.
Ragga banaanka jooge waxaa ka mid ahaa Galaal Gawaafe oo dhalay Ghelle, iimaan Sharmaarke, kaahiye gabarow, Dhoore beereed ikwk.
Gaalka waxa ku boode waxuu ahaa Cabdulle ciroobe oo si adag ula legdamey markii uu ka fakaday labadii kale ee Cabdulle la socotay waayo waxuu ahaa ninka meesha ugu xooga badnaa surtana midi ka geliye gaalkii oo isku dayaaye inuu cararo markuu bastooladiisa waaye.
Markuu Cabdulle qabte gaalkii oo dhiig baxaa waxuu u yeeray labadii kale ine la qabtan waxuuna dhowr jeer ku bireeye qoortiisa, calooshiisa iyo lugtiisa mididiisa ilaa uu baqtiye.
Gaaladii banaanka joogtay ayaa cabaadkiisa maqashay waxeyna isku dayeen inee badbaadiyaan balse ragga banaanka jooge ayaa la dirire oo iska caabiye.
Dadka wax galka ah ee ka dhashay beesha
[wax ka badal | wax ka badal xogta]General Maxamed Nuur Galaal
General Cabdulqaadir Cali Diiriye "Subxaanyo"
General Maxamuud Maxamed Xaashi "Shabeel"
General Daahir Faarax Seed
General Xasan Maxamed Xaashi ''Anteeno''
General Abdulqaadir Xaaji Diiriye "Hambacoor"
General Mascuud Maxamed Warsame
General Joondhoore
Korneyl Xasan Daahir Aweys
Xil. Mahad Maxamed Salaad
Xil. Ilyaas Sheikh Axmed
Xil. Maxamuud Salaad Nuur
Xil. Salaad Cilmi Dhurwaa
Dr. Mohamed Adam Jimcaale "Koofi"
Maxamuud Geelle Cilmi
Korneyl Sheikhdoon Faarax Xalane
Korneyl Maxamed Xirsi Dhoore "Curre"
Korneyl Faarax Xaashi Maxamed-Carab
Korneyl Maxamuud Cabdille Maxamed-Carab "Raambooye"
Korneyl Af-iyo-Gacan Cabdille Maxamed-Carab
Korneyl Bashiir Salaad Cilmi
Korneyl Cabdi Guutaale Daqaf
Korneyl Maxamed Ilkayare
Korneyl Xersi Cali Mire
Korneylad Ardo Faarax Cibaar
Korneyl Maxamed Kaarabeyle }
Korneyl Muxumad Kaarabeyle } walaalo
Korneyl Cali Jiirow Sharmaarke
Korneyl Cabdulle Dhanged Warsame
Korneyl Gaambe Rooble Guure
Korneyl Maxamed Cabdi Sandheere
Korneyl Faarax Shiiwaar Ciye
Korneyl Seerosento
Korneyl Cabdi Nuure Siyaad "Cabdiwaal"
Korneyl Shaatigaduud
Sheikh Daahir Aweys
Sheikh Muuse Daahir Aweys
Sheikh Maxamed Rashaad
Sheikh Cabdikariim Maxamed Warsame
Abwaan Ismaaciil Geelle Faruur
Abwaan Gabeyre Qool Mugooye
Abwaan Xaashi Dugfaa
Abwaan Dhuunkaal Faarax Barre
Abwaan Axmed Faarax Kaahiye
G. Baarlamaan Dr. Aadan Cabdullahi Aw-Xasan
Gudoomiye Caliyare Cali
Gudoomiye Maxamed Axmed Cantoobo
Gudoomiye Cabdixakiim Dhagajuun
Gudoomiye Faarax Cabdi Macalin
Gudoomiye Cali Fahle
Gudoomiso Maryan-Qani Subeer
Gudoomiye Goleey Xasan Diini
Gudoomiye Axmed Samatar-yare
Nabadoon Maxamuud Jamaac Bootaan
Nabadoon Bashiir Sheikhdoon
Nabadoon Xasan Cabdullahi Ciidagale
Nabadoon Muuse Xaashi (Goodir)
Suldaan Mahdi Cabdirizaaq Maxamuud
Suldaan Mustafe Awseed
Ganacsade Xuseen Goleey
Ganacsade Xuseen Cali Salaad
Ganacsade Cabdinaasir Xaashi Garuun
Ganacsatad Daruuro Xirsi Dhagoole
Ganacsatad Qadro Dagaal Siyaad
Beerale/Ganacsade Saleebaan Maxamed Saalax
iyo dadkaloo farabadan oo aan halkaan lagu soo wada xusi karin