Bayra

Ka Wikipedia

Magaalada Bayra waa Magaalo Facwayn waxaana ay ka tirsantahay Gobolka Mudug Mageecdu waa Beyra waxaa loogu dhawaaqi jiray Bayra , Dadka qaarkiisna waxay dhahaan Bayro.

Meesha ay Dhacdo:

Waxay 24KM u jirtaa Magaala Madaxda Gobolka ee Gaalkacyo, waxayna ka xigtaa Dhanka Galbeed, Waxaa mara Wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Galdogob, iyo Bursaalax, Dhanka Bari Waxaa kaxiga Magaalada Cagaaran, Dhanka Waqooyina Bursaalax, Dhanka Galbeedna Galdogob, Dhanka Koonfureedna waxaa ka xiga Dhul Daaqsin ah.

Aasaaskeedii:

Waxaa la aasaasay 195otameeyadii, waxaan Aasaasay Alle ha u naxariistee Aadan Shiikh Doon.

Waxay Caan ku tahay:

1-Beyra waxaa ay caan ku tahay Ceelal biyood oo Xoola dhaqata Deegaanku ay usoo waraab tagaan.

2-Waxaa kale oo ay Caan ku taha Ciidda Afarta ah ee Ciid Cad, Ciid Madow, Ciid Cas, iyo Dul ama Dhagax.

3-Waxaa kale oo ay Caan ku tahay Beeraha laga Beero Dalagyada la quuto si gaar ah, Digirta. waxaa kale oo ka baxa Macmacaanada sida Liinta, Qaraha, Saytuunka, iyo Canbaha. waana loosoo dalxiis tagaa Beeraha Xiliyada Doogga oo Roobku uu Do'o.

Maamulka Deegaanka:

1.Aadan Shiikh doon maadaama Odaygu uu Masuul ka yahay Reerka.

Aadan wuxuu ahaa Ganacside Xirfad yahan ah, waxaa uu ahaa Oday Fikir Dheer, waxaa uu ahaa Beeralay Dhulka iyo Dalaga kala yaqaan.

Dadku markay Deegaanka kusoo bateen waxaa ay yeesheen Odayaal iyo Culimo Dadka kala saarta marka ay is dhaafaan raggii talada goyn jirtay ee aan laga daba hadli jirin waxaa kamid ahaa :

2.Maxamuud Gurey Cilmi Sarmaan: Maxamuud Gurey waxaa uu ahaa Hogaamiyaha Ruuxiga ah ee Beyra Dadka qaarkiisa marka ay ka sheekaynayaa waxaa ay yiraahdaan (hanaan Hogaamiyenimo horaan iyo gadaalba Beyra waxaan Maxamuud guray ahayn masoo marin) taasina waa ku xeel dheeraansho Meeqaamkii uu lahaa.

Maxamuud guray Dawlida masoo magacaabin laakiin rabitaanka Bulshada iyo Dadka Deegaanka ayuu ku noqday Hogaamiyaha Magaalada Beyra iyada oo wax doorasho ama codayn ahi aysan dhicin.

3.Cabdul Maxamuud Gurey.

4.Il weyne Cabdul Maxamuud.

5.Maxamuud Cabdul Maxamuud (Boole)1990-2010

6.C/kariim Cabdul Maxamuud (Il buur)2010- ilaa hada.

Waxbarashada:

Beyra waxaa ay leedahay Goobo wax barasho oo kala gadisan.

Sida Caadada Soomaalidu ay tahay Ubadka yar yar waxaa loo diraa Subixii Dugsi Quraanka Beyrana waxaa ay Leedahay Dugsi Quraan.

Dugsiga H/Dhexe ee Beyra:

Dugsiga Hoose Dhexe ee Beyra waxaa la aasaasay Xiligii Talyaanigu uu guumaysanayay Soomaaliya waxaana uu ahaa kii 4aad ee Talyaanigu ka dhiso Dalka Soomaaliya intuu guumaysanayay, waxaana ka horeeyay, Muqdisho, Baydhabo, iyo Kismaayo, Waxaa uu Dhisay laba Qol oo kaliya, Xiligaasina ma Dugsiga Magcaan ma uusan lahayn.

Dugsiga H/Dhexe ee Beyra waxaa uu ka tirsan yahay Dugsiyada Gala Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Dhexe heer Puntland waxaana uu hoos tagayaa Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland.

Waxaa kale oo uu leeyahay Qaybta Jiifka iyo Cuntada oo loogu tala galay Ardayda Agoomaha ah.

Ardayda uu Dugsigu soo saaro ayaa Waxbarashada Dugsiga Sare waxaa ay u raadsadaan Magaalada Gaalkacyo halkaas oo ay kasoo muuqato kartidooda iyo fahankooda aadka u xeel dheer, iyada oo la arkay Ardayda Beyra oo hormuudka u haya Dugsiyada Sare ee Gaalkacyo.

Caafimaadka:

Beyra waxaa ay leedahay MCH loogu tala galay Hooyada iyo Dhalaanka, iyadoo ay jiraan Dawooyinka yar yar ee Dadka la siiyo marka ay Madax xanuun iwm ay dareemaan

Waxaa kale oo Beyra ay leedahay Farmashi loogu tala galay Dabiibidda Xoolaha waxaanala yiraahdaa Alifdoon Veterinary Pharmacy, kaasi oo Xoola dhaqata Deegaanka ay kusoo hirtaan kana dal dashaan Dawooyinka ay u baahan yihiin Xoolohooda ha ahaadaan Ari Lo' iyo Geel intaba.

Ganacsiga iyo Xirfadaha:

Beyra waxaa ku yaalo Xarumo Ganacsi oo kala gadisan oo midba Shaqo Gaar ah ay qabato waxaana kamid ah:

1.Mehradaha Shaaha. 2.Dukaamada iyo Sandaqadaha Baayac Mushtarka, 3.Makhaayadaha Cuntada (sida Makhaayadda Calas Alle ha u naxariistee oo la yiraahdo-Deeq rabbi- iyo Makhaayada C.laahi) oo inta badan ay kusoo hirtaan safarlaydu. 4.Kaalmaha Shidaal 5.Hotelada Hurdada (Sida Safar Noolays oo Hal kudhiggiisu yahay: "Ruuxii Hebeen lada Halmaami maayee, kusoo hiro Hoyga Raaxa".) 6.Xirfadlayda Guryaha Dhista.

Isgaarsiinta:

Beyra waxaa ka shaqeeya Labada Shirkadeed ee Golis iyo Somtel.

Waxyaabo Mamnuuc ka ah Beyra:

1.Sagaarada iyo Duurjoogta in la ugaarsado.

2.Dhirta in la jaro oo laga dhigto Xeryo Ari, ama Beero, ama la shito.

3.Bacaha noocyadooda kala duwan oo aafo ku ah Deegaanka (Xoolo iyo Beero)

Gabagabo

Beyra waxaa ay ku leedahay waan ku qaabilayaaye ii imow , isoo booqo si aad ugu raaxaysatid Nimcooyinka Alle uu igu abuuray, Quruxda Deegaanka, Jawiga dagan, Dalxiiska indhuhu u baahan yihiin ee Doogga iyo Xareedda.

Haka laba labayn inaad isoo booqatid ama aad isoo martid mar uun , hadaad igu nagaatid oo aad Muddo joogtid waa midaan rabay hadii kalana kaa hagran mayo wax aan hayo.