Beer Xaano

Ka Wikipedia

Beerxaana Waa Degmo ka mid ah Gobolka Jubbada Hoose. waxaanna degan beesha Doqondiide oo ka mid ah beel weynta Geeljecel. Waa degmo xaga beeraha iyo xoolo dhaqashada aad ugu wanaagsan, waxeyna u dhowdahay magaala madaxda gobolka ee Kismaayo. waa meesha looga Keeno waxyaabaha asaasiga u ah nolosha magaalada Kismaayo sida caanaha, dalaga beeraha qeybahiisa kala duwan, dhuxusha iwm. Degmada waxaa ku yaala suuqa ugu weyn oo lagu iibiya xoolaha. Dadka ku dhaqan degmadan waxaa lagu yaqiin waxbarashada diinta suuban ee islaamka. Degmada waxaay dhaqaalaheeda ugu badan ka hesha xoolaha sida geela, lo'oda iyo ariga. Degmadan waxaa ku dhashay Masuuliyiin iyo Culima sare sida: 1. Suldan Maxamed Cali Sulgaraar (uur xuub) 2. Xuseen Daafeedow 3. Cismaan Kusow 4. Weydow Waranle 5. Xaaji Ibraahim 6.Xaaji Cabdirisaaq 7. Sheikh Cabdullaahi Baalbayeeri 8. Agaasime Maxamed Xusseen (Madnuur) 9. Halgamaa Cabdi Xasan 10. Macalin Ciise Xasan Dhukuble 11. Halgamaa Ibraahim Macalin 12. Eng. Cabdullaahi Cabdi (Jacel) 13. Halgamaa Aden Dheemow 14. Aqoonyahan/Halgamaa Axmed Cumar Cismaan 15. Xasan Shaale Madnuur 16. Halgamaa Cali Cabdi Guuled 17. Xaaji Maxamed (Gaabow) 18. Wasiir Cabdinuur Cali Aden jiidow 19. Cabdullaahi Aadan Shaacir 20. Eng. Cabdi Buule 21. Col. Maxamed Buule 22. Suldaan Rashiid Dhurre Omar 22. Dr. Xaamud Muxumed Ibraahin 24. Taliye Mahad Cabdi (Faragurow) 25. Cabey Sankuus 26. Col. Cabaas Cadow 27. Sayid Isaaq 28. Aqoonyahan Cabdikarim Cumar Cismaan(Mzungu).29.halgamaa cabdiqaadir Cumar cismaan

Weydow Waranle waxaa uu caan ku ahaa la dagaallanka tuugada Seyyid Maxamed Cabdille Xassan oo isku dayi jiray inuu dhaca xoolaha sida geela ay lahaayeen beesha Gaaljecel gaar ahaan Doqondiide. Weydow Waranle iyo Rooble Koroor taariikh geesinimo ayey ku leeyihiin beesha Doqondiide iyagoo si geesinimo leh u difaacay xoolahooda. Waxa la sheegay in labadooda iyo gaar ahaan beel hooseedka Garaar ay zaaid ugu halgameen la dagaallanka burcadda iyo tuugada caadeystay inay dhacaan xoolaha beesha Doqondiida. Aragtida Rooble Koroor iyo Weydow Waranle waxay ilmaha ka soo ridi jirtay haweenka uurka leh, nimankana sida dumarka ayey dharka dumarka u xiran jireen cabsi ay ka qabaan.

Sidaa darteed beel hooseedka Garaar waxaa lagu yaqaannaa inay yihiin dad aan gaban, cabsina aan aqoon. Taariikhda ayaan la qorin maadaama ay ku howlanaayeen dagaal. Inta badanna ay ahaayeen dad aan waxba qorin balse qori iyo gammuun ku dagaallamo.

Beerxaano waxay kismayo u jirtaa 53 km woqooyi Degmada waxaa hoos yimaada tuulooyin badan sida: 1. Qabri shariif 2.Dhalaja 3.Kubikibir 4.faaf garseey 5.Qotey gaduud 6.Ceel cad 7.Canjeel 8.Hararmiin 9.Hareeri Balaa 10.Galool shimbi 11.Libi kuus 12.Nambar 13. Awoodan 14. Kaam jaroon 15. Buula xaaji 16. Yaaq shiniile 17.Janaa Cabdalla 18. Shabac 19. Xaar Xaar 20.Ool oole 21. Kaliil 22. Murush 23.Yaaq Raar 24. Birta Dheer 25.Yaaq Dabeel 26.dharkeenaruur 27.yaaqxaluul 28.cabdidhoore 29.gaabowgabdhoole 30.afnool 31.habaaqaa 32.yaaqacalaan