Beesha Ciise

Ka Wikipedia
Jump to navigation Jump to search

Beelwaynta Ciise waxay kamid tahay beelaha Dir. Beesha Ciise waxay degtaa dalka ((Djibouti)), Gobolka Awdal ee Somalilia iyo Gobolka Siti ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Ismaamulka magaalada Diridhabe iyo Zone 3 ee dowlad deganka cafarta gaar ahaan magaaloyinka kala ah (Cundufo), (Cadhaytu) iyo (Gadhamalu). Beesha waxay walaalo hoosaad yihiin Beelaha Abgaal ee Hawiye ee Degta gobolada Banaadir, Mudug iyo Hirshabeele.


Beesha Ciise oo ku caan ah kala danbaynta, kudhaqanka xeerka beesha u yaalla iyo wannaaga guud. Beeshu waxay leedaahay xeer facwayn iyo ilbaxnimo hore. Ugaaska beeshu wuxuu si rasmi ah u deggan yahay magaalada Diridhabe oo uu kuleeyahay guriga ay 12ka oday ee matala 12ka aqal ee ciise ay ku shiraan. Beesha [CIISE] waa beel kamid ah beelaha SOOMAALIDA kuwa ugu faca-wayn tariikh ahaan,dhaqan iyo hido ahaanba taas oo mararka qaar dadka taarikhda baadha iyo dhaqanada (archeologists) iyo dadka wax garad ah muran galisa in ay marka ay baadh-baadhaan ama dhinacyoo badan ka eegaan dhaqanka iyo taariikhda beesha ay ku sigtaan in ay dhahaan somaalida waxa ay ka farcameen beesha CIISE ama SOOMAALIDA asalkeedu waa CIISE in kastoo oo ay beeshu qirsantahay in ay SOOMAALIDU walaalyihiin AYNAAN AABOO U AHAYN. Ciise waxaa ka dhashay

1. Madaxweyne Xasan Guuleed Abti doon 2. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele 3. Generaal Faarax Waceys Duule (Militeri) iyo madax kale oo badan.

BEESHA CIISE WAXA AY GAAR UU LEEYIHIIN (1) XEER QORAN OO QOFNA KA TALAABSAN KARIN. (2). OGAAS (BOQOR)GARTA GOYN OO GARTA AY GUDIGU GO`YAAN KU DUCEEYAA. (3)DHULKA OO UU DHAXEEYA IYO LAANDHERANIMOO OO LASHEEGAN KARIN. beeshu waxa ay gaar u ledahay buug ay xafidsanyihiin oo la dhahoo XEER-CIISE. oo run ahaanti ku cajabgalinayaa marka aad akhrisatid jawaab dhan u noqonayaa dadka xaqiraa dadka xoola dhaqatada ama gaar ahaan SOOMAALIDA kudhaha waa dad-jaahilah oo nidam iyo sharci lahayn oo dhulka ay dagaana waxa iska lahaa boqortooyadii kristaanka ahayd ee ITOOBIYAA amaba dadkale iyaa dhulkan iska lahaa oo ay sharci daroo kaga qaateen sida qoomiydaha christian ah KENYA ku nool iyo ITOOBIYAA.

BEESHA CIISUHU deegan ahaan sida dadkii hore ee SOOMAALIDU sheegaan iyo dadka uu dhuundaloola tariikhda beesha amaba guumastayaashii dadka SOMAALIDA qabsaday waxa ay isla qireen in dagii jireen degaanada ka mid ah wuqooyiga SOOMAALIYA(SOMALILAND)in kasto ay sheegaan dadbadan sheegan in ay XIIS iyo MAYDH sheiekh CIISE iyo shiekh ISXAAQ iyo shiekh SAMAROON wada dagijireen iyo DAAROODKA kale oo dhan.arinta kale ee ku muran galinaysa marka ay dadka MAJARTEENKU sheegaan in ay CIISE gabadhiisu dhashay besha majeerteen taas oo iadna la yaraysan karin.balsee waxa hubaal ah in ay dagi jireen SAYLAC, LUGHAYA iyo BULAXAAR oo ay ila hada daganyihiin, in kastoo CIISUHU hada daganyahay dhulbalaadhan oo xata ADDIS-ABABA(ETHIOPIA)dhawr boqol oo killo-meter u jiraa iyo DJIBOUTI.

Sidoo kale Ciisuhu waxey Degaan Wanlaweyn waa magaalo ku taala koonfurbari gobolka Shabeellaha Hoose ee Soomaaliya. Magaalada Wanlaweyn waxay ku taala 50 miyl (80 kilomitir) waqooyigalbeed ee caasimada Muqdisho.