Boqor Mayow Xuseen Abow Aala-sheekh

Ka Wikipedia
Boqor Sheekh Mayow Xuseen Abow Aala-sheekh

الملك: شيخ ميو حسين أبو ءال-شيخ

King Sheikh Mayow Hussein Abow Aala-sheekh
Waqtiga caleemasaarka1/January/1987
Waqtiga xukunka1987 - ilaa hada
WadaniyadaSoomaali
DiintaIslam
QoyskaAala-sheekh
QabiilkaAjuuraan
Boqor Sheekh Xuseen Abow Aala-sheekh

الملك:شيخ حسين أبو ءال-شيخ

King Sheikh Hussein Abow Aala-sheekh
MagacaXuseen Abow Aala-sheekh
WadaniyadaSoomaali
DiintaIslam
QoyskaAala-sheekh
QabiilkaAjuuraan
Boqor Sheekh Mayow Abow Aala-sheekh

الملك: شيخ ميوا أبو ءال-شيخ

King Sheikh Mayow Abow Aala-sheekh
MagacaMayow Abow Aala-sheekh
WadaniyadaSoomaali
DiintaIslam
QoyskaAala-sheekh
QabiilkaAjuuraan

Boqor Mayow Xuseen Abow Aala-sheekh oo ah Boqorka Boqortooyada Soojireenka Soomaaliya waxaa la caleemasaaray Taariikhda markay ahayd 1/January/1987 Caleema saarkaasi Oo ka dhacay Gobolka Shabeelada Hoose gaar ahaan Tuulada Hakaaw Ooka tirsan Gobolka Shabeelada Hoose Waxaana Kasoo qeeb galay Caleemasaar kaasi Dadaad iyo aad u farabadan oo ka kala yimid Gobolada Soomaaliya oo dhan Haba ugu badnaadeenee Dadkaas Kasoo qeeb galay Kuwa Ka kala yimid :

1 . G. Banaadir

2 . G. Shabeelada dhexe

3 . G. Shabeelada Hoose

Waxeyna gaaraayeen dad kaas ugu yaraan 4000 ruux Iyadoo dad kaasi horumuud u ahaayeen Reer Sh. Xassan buraale iyo reer Sh. Cashir Maadoow, Waxeyna aheyd Maalintaasi Maalin oo ku weyn shacabka Soomaaliya , waxeyna aad iyo aad ugu faraxsanaayeen in ay caleema saareen Boqorkooda Boqrtooyada Soojireenka Soomaaliya Boqor Mayow Xuseen Abow Aala-sheekh. Boqor Mayow Xuseen Abow Aala-sheekh oo fac ka fac Waalidiintiisa ahaayeen Boqoro is dhaxla, Asiga oo Ka dhaxlay Aabihiisa Boqor sh. Xuseen Abow Aala-sheekh Asagana uu ka dhaxlay walaalkiisa

Boqor Sh. Mayow Aala-sheekh , Asigana uu ka dhaxlay Adeerkiisa Boqor sh. Ibraahiim Aala-sheekh , Asigana uu ka dhaxlay walaalkiisa Boqor Sh. Maxamed Aala-sheekh , Asigana uu ka dhaxlay Boqor sh. Axmed Aala-sheekh, Asigana uu ka dhalay Boqor sh. Cabdule Aala-sheekh , Asigana uu ka dhaxlay Boqor sh. Abow Aala-sheekh ,Asigana uu ka dhaxlay Aabihiisa Boqor sh. Sheegow Cusmaan (Aala-sheekh), Asigana uu ka dhaxlay Aabihiisa Boqor Sh. Cuthmaan , Asigana uu ka dhaxlay Aabihiisa Boqor Sh. Ibraahim Xassan Asigana uu ka dahaxlay Aabihiisa Boqor sh. Xassan Samow Asigana uu ka dhaxlay Aabihiisa Boqor Sh. Samow Xassan Asigana uu ka dhaxlay Aabihiisa Boqor sh. Xassan Nuur ,Asigana uu Ka dhaxlay Aabihiisa Boqor Nuur Bowre, Asigana uu ka dhaxlay Boqor Bowre Carfaale , Asigana uu ka dhaxalay Aabihiis Boqor Carfaale Aw sheikh Asigana uu ka dhaxlay Aabihiis Boqor Aw Sheekh Cali Asigana uu Ka dhaxlay Aabihiis Boqor Cali Ciise, Asigana uu ka dhaxlay Aabihiis Boqor Ciise Cumar, Asigana uu ka dhaxlay Aabihiis Boqor Cumar Tukul, Asigana uu ka dhaxlay Aabihiis Boqor Tukul Cabdalla, Asigana uu ka dhaxlay Aabihiis Boqor Cabdale deyle Asigana uu ka dhaxlay Aabihiis Boqor Deyle Adke Asigana uu Ka dhaxlay Aabihiis Boqor AdkeKasaanle ( Gareen), Asigana uu ka dhaxlay Aabihiis Boqor Kasaanle Kulle , Asigana uu ka dhaxlay Aabihiis

Boqor Kulle Waalmage.

Kadib waxaa ugu horeyntii Munaasabadaasi ka duceeyay Sh.Muqtaar Sh.Abayuunus Sh.Cashir Maadoow, intaasi ka dib waxaa xusid mudan Culumadii waaweyneyd halkaasi soo xaadiray oona saxiixay warqada caleemasaarka Boqorka Boqortooyada Soojireenka soomaaliya Boqor Mayow Xuseen Abow Aala-sheeekh waxaana ka mid ahaa:

1 . Sh. Muqtaar Sh.Abayuunus Sh.Cashir Maadoow.

2 . Sh. Maxamuud Xaaji Sh.Maxamed Sh. Cashir Maadoow.

3 . Sh. Cashirow Sh.Xassan Sh.Cashir Maadoow.

4 . Sh. Ismaaciil Sh.Xuseen Sh.Cashir Maadoow.

5 . Shariif Sheekh Cali Sh.Muxidiin Sh. Cashir Maadoow.

6 . Sh. Cali Sh. Yuusuf Sh. Muxidiin Sh. Cashir Maadoow.

7 . Sh. Muqtaar Sh. Cabdi Sh. Abuubakar(Sacmaweeye) Sh. Cashir Maadoow.

8 . Sh. Xuseen sh. Yacquub Sh. Maxamed Maadoow.

9 . Sh. Cabdi casiis Sh. Muqtaar Sh. Abayuunus Sh. Cashir Maadoow.

10. Sh. Saalax Sh. Maxamed Sh. Aweys Maxamed Maxamuud.

11 . Sh. Abuubakar Sh. Shariif Sh. Baawoow.

Dadweynihii Caleemasaarkaasi kasoo qeeb galay ayaa wakiishay Culumadaasi in ay saxiixaan warqada caleemasaarka Boqorka Boqortooyada Soojireenka Soomaaliya Boqor Mayow Xuseen Abow Aala-sheekh Ayadoo la joogay markaasi siyaaradii Sh. Xasan Buraale iyo Siyaaradii Sh. Xuseen Cashir Maadoow waxaana lagu caleemasaaray halkaasi Boqorka Boqortooyada Soojireenka Soomaaliya Boqor Mayow Xuseen Abow Aala-sheekh.

Caleemasaarkaasi oo jawi fiican ku dhacay dadweynaha ay ka muuqatay farxad iyo jaceel ay uqabeen Boqorkoodii 703 aad .

Ayadoo dadweynaha halkaasi ka soo qeeb galay ay hormuud u ahaayeen Culumada reer Sh. Xasan Buraale iyo reer Sh. Cashir Maadoow , Waxayna aheyd Maalintaasi Maalin taariikhi ah oo lama iloobaan ah aad iyo aadna ugu weyn shacabka Soomaaliya .

Ugu dambeyntii Munaasabadaasi Caleemasaarka ah ayaa ku dhamaaday Jawi degnaan iyo Farxad leh.