Cabdi Xosh Ashkir

Ka Wikipedia

Abdi Hosh Ashkire waa ganacsade Soomaaliyeed oo caan [1] ah isaga oo ka soo jeeda qoyska reer "Xoosh."

Abdi Hosh Ashkire, ganacsade hawlgab ah, waxay ku dhowdahay 38 sano oo jawi ganacsi oo firfircooni ah gudaha iyo dibedda dalka.

Xilligii 1970aadkii Abdi Hosh wuxuu bilaabay howlgal ballaaran oo ganacsi ah oo la xiriira dhoofinta ilaha badda iyo guryaha hantida maguurtada ah, isaga oo ka dhigaya mid ka mid ah ragga ugu taajirsan wakhtigiisii gudaha somalia


Dhoofinta Soomaaliya[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Cabdi Xoosh wuxuu ka mid noqday ganacsato faro-ku-tiris ah oo dhoofinayay malayga badda Soomaaliya.

Sanadadii berisamaadkii ee Soomaalida kala wareegtay shisheeyaha dhoofinta dallaga beeraha iyo khayraadka badda ayuu maraakiib tiro leh ku bilaabay inuu dhererka badda Soomaaliya ka jilaabto kaluunka kala duwan sida:

  • Yuumbi,
  • daambiri
  • jeedaal
  • sayban
  • qajaar
  • batroolka
  • saliid

Hantida[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Waxaa uu Xoosh Degmada Wadajir ee galbeed koonfureed ee Muqdisho ka dhisay dhul balaaran oo markii dambe loogu magac daray "Xaafada Xoosh" halkaas oo dhismayaal iyo ganacsiyada iyo dalxiis leh magaalada Xamar caan kaga noqday, cabirka tan ayaa ah 1000x1000 mitir

Waxaa intaa dheeraa inuu Hosh lahaa guryo badan oo shirkado, ganacsato iyo daljirayaal ay ka kiraysan jireen kuwaas oo dhammaan Xamar ku yiilay.

Hantida caanka ah ee uu Abdi Hosh lahaa waxaa ka mid ahaa hoteelada Florence iyo Indian Ocean oo labaduba Hamar ku yiilay sidoo kale loo yaqaanno Muqdishu

Wuxuu maal galiyay ganacsiyada kale oo aduunka oo dhan, ooykujiraan New York ,Malaysia, Arabia iyo meelo kale

Maalgashi Cusub iyo Cabdi Xoosh[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Abdi Hosh wuxuu waayahan dambe maalgashi ku samaynayaa deegaanka Soomaali Galbeed sdia magaalada Jig Jiga halkaas oo fursado badan ka jiraan. [2]

Xigasho[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  • Cabdi Xoosh [1]
  1. http://weedhsan.com/index.php/1732-boqol-iyo-lixdanka-qof-ee-ugu-magaca-weyn-soomaalida-wq-maxamed-aadan-tarabbi
  2. http://www.xogtashacabka.com/latest-news/499-cabdi-xoosh-oo-jigjiga-maal-gashi-wada-hadalo-kale-u-jooga.html[dead link]