U bood nuxurka

Cabdule Hanuuniye

Ka Wikipedia

Cabdalla Yuusuf Hanuuniye (wuxuu dhashay qiyaastii 1949) waa fanaan Soomaaliyeed oo caan ku ahaa heesaha, curinta laxanka, qorista heesaha, tumista muusigga, iyo jilidda masraxyada. Waxa uu ka mid ahaa hobolladii caanka ahaa ee Waaberi, waxaana lagu tiriyaa fannaaniintii ka dhex muuqday xilligii dahabiga ahaa ee fanka Soomaaliyeed.

Cabdalla Yuusuf Hanuuniye waxa uu ku dhashay degmada Ceel Buur ee gobolka Galgaduud qiyaastii sanadkii 1949. Intii uu ku jiray mihnaddiisa faneed, waxa uu caan ku noqday qaab-faneed u gaar ah iyo kartidiisa dhinacyo badan ee fanka. Waxa uu qori jiray heeso, curin jiray laxanno, heesi jiray, tumi jiray qalabka muusigga, sidoo kalena waxa uu jilayay ruwaayado iyo masraxyo kala duwan.

Dabayaaqadii sannadkii 1973 ayuu ku biiray kooxda hobollada Waaberi, isagoo aan gelin imtixaanka qubuul ah ee fanaanita Waabari soo galaya laga qaadi jiray, arrintaas oo muujinaysay hibadiisa faneed. Waxa uu ka mid ahaa fannaaniintii Soomaaliyeed ee dhifka ahayd ee isku darsatay shan xirfadood oo kala ah: heesaa, qoraa heesaha, laxamiiste, muusikiiste, iyo jilaa riwaayadeed.

Kadib markii uu billowday dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya, Hanuuniye waxa uu u guuray dalka Denmark, halkaas oo uu ku noolaa in ka badan labaatan sano. Dhammaadkii tobanaadkii 2020-meeyadii ayuu dib ugu soo laabtay Soomaaliya, waxaana uu hadda ku nool yahay magaalada Muqdisho.