U bood nuxurka

Cal Miskaad

Laga soo xigtay Wikipedia, Insaykalobeedhiya xorta ah

Cal Miskaad sidoo kale loo yaqaan Buuraleyda Cal Miskaad, waa silsilad buuraley ah oo ka tirsan silsilada buuraha Golis. Waxaa ku yaala Buurta Baxaya oo ah buurta saddexaad ee ugu dheer dalka Soomaaliya, iyo buuraha Habeeno, Marmar, buurta buur-badeed, Fadhisame , Jidin, Guri Awr,Marraagade, Shikshikow, Bakuuje, Buqo Caleed, Hugayr , Aroor Buqeed ,Casaasa,iyo meelo kale.

Sidoo Kale Calmiskaad Waxaa Katalin Jiray Saldanadda Cal Miskaad (Af-Soomaali: Sultanate of Cal Miskaad, Af-Carabi: سلطنة المسكاد), oo sidoo kale loo yaqaanay Saldanaddii Dishiishe ama Saldanaddii Boosaaso, waxay ahayd Ugaasnimo Soomaaliyeed oo jirtay qarnigii 17aad ilaa qarnigii 20aad, kuna taallay deegaannada galbeedka gobolka Bari. Xilligii dambe, awooddeedu waxay ku fiday qaybo ka mid ah gobolka Sanaag.[1]

Saldanadda waxaa la aasaasay sannadkii 1777-kii, waxaana dhidibada u taagay Ugaas Samatar, oo ahaa hoggaamiye, dagaalyahan iyo gabyaa. Ugaas Samatar wuxuu dhowr jeer dagaallo la galay gumaystihii Talyaaniga.

Awoodda iyo jiritaanka Saldanadda dhinacyadeeda kala duwan waxaa laf-dhabar u ahaa beesha Dishiishe.