Calanka Soomaaliya
Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa la alifay 12 Oktoobar 1954tii. Jamhuuriyadda Soomaaliya astaanta calanka Qolaba Calankeedu waa ceeyn. Waxaa markii ugu horeeysay laga taagay Magaaladda Hargeeysa oo xiligaa ahayd caasimadda labaad ee Dalka Soomaaliya laysku odhan jiray 1991 wixii ka horeeyay. Waxaa alifay Alle haw naxariisto ee [Abdulahi ciise]] oo xubin ka ahaa xisbigii xurnimo doonka ee SYL. Dhalintii SYL ayaa kaalin lixaad leh ka geeystay sidii ay calan Soomaali leedahay uga taagi lahaayeen gayiga Soomaaliyeed.
Calanka ayaa ah mid kadhax muuqda dhamaan adduunka.
Macnaha calanka[wax ka badal | wax ka badal xogta]
Calanka Soomaaliya waxa uu ka sameysan yahay midab buluug ah oo dhexda ugu taalo xiddig caddaan ah oo shan gees leh.
Xiddigtani shanta gees leh ayaa waxeey ka hadleeysaa shanta Soomaali oo uu gumeeystuhu kala qoqobay, oo kala ah: koonfurta, waqooyiga, jabuuti, soomaali galbeed iyo waqooyi bari (NFD)
waxaa ayna caddeeyneeysaa in aanay Soomaali katanaasulin midnimadeeda iyo wada jirkooda ooyna wali niyadda ku hayaan sidii mar laysugu soo celin lahaa shanta Soomaali Soomaaliweeyn.
midabka buluuga ah iyo xidigta cadi waxa ay ka mid ahaayeen astaan dawladii Talyaanigu xiligii ay gumaysan jirtay Somaliya ay usamaysay. calaamadii talyaanigu usameeyay Somalia.
Maalinta calanka[wax ka badal | wax ka badal xogta]
Waxaa loo dabaal dagaa maalinka calanka soomaaliya 26 Juun ee sanadkasta oo ku beegan xuska markii ugu horeysay ee calan soomaaliyeed laga koryeelay dhul soomaaliyeed gaar ahaan magaalada hargeysa 26 June 1960 kadib bixitaanka ciidanka ingiriiska magaalada.