Calanka ciraad
| Use | Calanka qaranka iyo astaanta badmareenka |
|---|---|
| Nooc | 2:3 |
| Bilaabay isticmaalka | 12 Oktoobar 1954 |
| Naqshad | Hal xiddig oo caddaan ah oo shan gees leh, oo ku taal bartamaha garoon buluug ah |
| Qofka naqshadeyay | Maxamed Cawaale Liibaan |
Calanka qaranka Soomaaliya waxaa la ansixiyay 12-kii Oktoobar 1954, waxaana naqshadeeyay Maxamed Cawaale Liibaan. Calanka markii hore waxaa loo adeegsaday Dhulka Aaminaadda ee Somaliland kahor inta aan la qaadan xilligii dawladnimada gaaban ee Gobolka Somaliland iyo Jamhuuriyadda Soomaaliyeed. Waa calan qoomiyadeed oo matalaya dadka Soomaaliyeed; shanta gees ee xiddigta calanka ku taalla waxay astaan u yihiin shanta gobol ee ay Soomaalidu deggan tahay.
Macnaha calanka
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Calanka Soomaaliya waxa uu ka sameysan yahay midab ciraad ah oo dhexda ugu taalo xiddig caddaan ah oo shan gees leh.
Xiddigtani shanta gees leh ayaa waxeey ka hadleeysaa shanta Soomaali oo uu gumeeystuhu kala qoqobay, oo kala ah: koonfurta, waqooyiga, jabuuti, soomaali galbeed iyo waqooyi bari (NFD)
waxaa ayna caddeeyneeysaa in aanay Soomaali katanaasulin midnimadeeda iyo wada jirkooda ooyna wali niyadda ku hayaan sidii mar laysugu soo celin lahaa shanta Soomaali Soomaaliweeyn.
midabka ciraad ah iyo xidigta cadi waxa ay ka mid ahaayeen astaan dawladii Talyaanigu xiligii ay gumaysan jirtay Somaliya ay usamaysay. calaamadii talyaanigu usameeyay Somalia.
Maalinta calanka
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Waxaa loo dabaal dagaa maalinka calanka soomaaliya 26 Juun ee sanadkasta oo ku beegan xuska markii ugu horeysay ee calan soomaaliyeed laga koryeelay dhul soomaaliyeed gaar ahaan magaalada hargeysa 26 June 1960 kadib bixitaanka ciidanka ingiriiska magaalada.
Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka
[wax ka badal | wax ka badal xogta]- Calanka Somaliland (Sheegatay)
Tixraac
[wax ka badal | wax ka badal xogta]"Safaaradda Soomaaliya ee Belgium- Calanka Soomaaliya"
"Kooxda Xidigaha Geeska Somaliland Oo Lagu Qabtay Calanka Somaliya"
"Afrika Live: Ciyaartoyda Nigeria ee la mamnuucay ayaa mudaaharaad ku qabtay Tokyo"
Soomaaliya oo ku taagan Calanka Adduunka